Monthly Archives: January 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin. Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo [...]
Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo maanta u kala ambabaxay Waddamada Ethiopia iyo Talyaaniga
DAAWO SAWIRADA MUQDISHO:- Wafuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo R/wasaaraha ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo ku sii kala jeeda wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga.
Beelaha Banaadiriga oo soo dhaweeyay Xildhibaan Shariif Maxamed in uu noqdo Guddoomiyaha SNU + Sawiro
MUQDISHO ( Moment Media ) - Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho dhowaan ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Banaadiriga waxa ay isku afgarteen in xilka banaan ee guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Banaadiriga ee SNU uu qabto Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid.
FAALO: Others (NUS 0.5) mar waliba “xaq ma ahan ee waa xal” maku imaan karaa xalka Soomaaliya.
ZURICH: - Anigoo ah guddoomiyaha Ururka qoowmiyadda Banaadiri ee dalka Iswiiska Abuukar Muxammad Sadiiq waxaan madaxda beesha Qoowmiyadda Banaadiri iyo beelaha kale nala mid ah ee aan hubeysneeyn ugu baaqayaa in lagu dadaalo sidii loo joojin/hor’tagi lahaa nidaamka xaq darrada ah ee wax wada qeeybsiga 4.5ka.
Midowga Afrika oo sheegay in xildhibaanadii xil ka qaaday Shariif Xasan ay yihiin kuwo qas-wadayaal ah oo fowdada ka hela
Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay khilaafka marba marka ka dambeysa sii laba-lixaadsanaya ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo sidoo kale gacan ka hadalkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Golaha Shacabka.
Dhibka Soomaaliya Waa Qabyaalad
Waxaan Salaamayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dunida ku dhiban meel kasta oo ay Joogaan, waxaan qormadaydaan ku eegayaa dhibka ina haysta hadaan Soomaali nahay iyo halka uu asalka dhibku yahay qormadaydaan oo aan ugu magac daray .
Ing Cali Madaxeey “Waxaa ugu Baaqayaa Madaxweyne Shiikh Shariif in Gobolka Shabeelada Dhexe si Cadaalada ah Wax ugu Qaybiya”
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe State, Eng. Cali Madaxeey Jawle, ayaa ku Tilmaamay cadaalad daro, magacaabista gudoomiyaha cusub, oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif, u Magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, Sababtoo ah waxaa uga xaq leh qabiilada Dega Gobolaas,
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo 2 maalin ku qarash gareeyey 80 Kun USD Muqdisho to Naroobi xili Ciidamada Xooga baahi darteed isku xabadeynayaan Maxaase kala socotaa qarashka ka soo xarooda Dekada weyn iyo Eraboorka Adan Cade
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi wali Cali Gaas ayaa safar 2 cashaa ku tagay magalada Naroobia ee Dalka Kenya isagoona sida la sheegay ku baxday qarash dhan 80 kun oo Doolar oo sida muuqata xiligaan mac quul aheen madaama dalka ku jira xaalad adag oo keentay in ciidamada xooga dalka la siinwaayo dhowr bil wax [...]
Caalin oo ku eedeeyey Sharif Shiikh Axmed inuu qasaayo Siyaasada Gobolka Mudug
Caalin ayaa sheegey in Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed uu haatan ku hawlan yahay sidii uu u kala qayb-qaybin Gobolada Gal Gaduud iyo Mudug. Caalin ayaa soo hadal qaaday Shirar dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Gal gaduud sida Magaalada cadaado, Caabud waaq iyo meelo kale kuwaasoo uu sheegey in ujeedada laga leeyahay [...]
Cali Khaliif Galeyr Oo U Hanjabay Maamulada Somaliland Iyo Puntland.
Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.
Somaliland Societies in Europe
Baaq ku waajahan go’aamada ka soo baxay shirka Taleex Ku: Xukuumadda Somaliland Og: Goleyaasha kale ee Dowladda Og: Xisbiyada Qaranka JSL Ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) waxa uu walaac weyn ka muujinayaa isimada iyo ergooyinka kala duwan ee Taleex qalinka ku duugey sameynta maamul goboleed. Kaas oo la filayo inay si rasmi ugu [...]
Warbixin lagu shegay inay magaaloyin katirsan puntland kafaa’ideen burcad badeeda.
WARBIXIN – warbixin iyo daraasaad lasemeeyey ayaa lagu sheegay in burcad badeeda soomaaliya ay u hor seedeen qaybo ka mid ah dalka soomaaliya hormar balaaran oo dhanka dhaqaalaha ah, sida ayshegtay hay’ada British think-tank Chatham House, oo faah faahinteeda waxa ay inta badan la socdey sawiro dhanka artin ah. Dhaqaalaha burcad badeeda ayaa waxa lasheegay in magaalooyinka waweyn [...]
Beesha Gabooye waxa ay diyaar u tahay Dhib iyo Dheefba wixii ka soo baxa shirka Khaatumo2
Shirweynaha Khaatumo2 waxaa ka mid ah Ergooyinka sida madax banaan uga qayb galaya beesha Gabooye ee degta deegaanadda SSC kuwaas oo sida Ergooyinka beelaha kale uga doodaya Aayaha bulshadda degta deegaanadda SSC waxana ay beesha Gabooye si weyn u taageersan tahay in maamul gaar ah loo sameeyo gobaladda SSC Dr Daakir oo khudbad qiimo badan [...]
Madaxweynaha Awdal State Rashid Aw Nur Xersi oo jooga Magaaladda Muqdisho.
Siilaanyo Oo Mudo Hub Urursi ku Jiray iyo Dagaal ku Soo Fool leh Degaanadda Beesha Dhulbahante
Waxaa isa Soo taray Wararka Sheegay in Maamulka Jabhadda SNM Ee Waqooyigga Soomaaliya in ay u Soo diyaar garoobayaa Dagaalk Sokeeye, Dagaalkan oo ah Mid Aarsi,Dhulbalaarsi,iyo Mid ay doonayaan in Dagaal Qabiil ay ku Qabsadaan Degaanadda SSC. Aarsigga Siilaanyo: Waxaana Og nahay in Siilaanyo iyo Ciidaankiisa ay Si Xun Ugu Jabeen Dagaalkii ka dhacay Dhinaca [...]
DAAWO: Shacbigga Beesha Siilaanyo iyo Guud ahaan Shacbigga Beesha (Isaaq) oo Loo Diyaaranayo Dagaal Qabiil in ay Ugu Hortagaan Beesha Dhulbahante
Caddaalad-Xumadu Yay U Daran Tahay?
Caddaalad-xumo waa abwaanka xadgudubka ummadda lagu sameeyo tan ugu daqarrada weyn oo lumisa kalsoonida qofku ku qabi karo hawlwadeenka dawladnimada. Xadgudubyada uurkutaallada qofka ku reeba way badan yihiin, waxaase ugu dhibaal badan kuwa ku yimaada caddaalad-xumo, waxayna bulshada ku reebaan utun mahadho ah.
Daawo: Codka Issimadda Beesha Dhulbahante Oo Taageeray Maamul iyo Gooni Isutaag
JAALIYADDA SSC EE WADANKA IMAARAADKA OO TAAGEERTEY GO AAMADII KA SOO BAXEY SHIRKII TALEEX
Shir balaadhan oo ay jaaliyada ssc ee wadanka imaaraadka carabtu ku yeelatey dalka imaaraadka 10/1/2012 wadanka imaaraadka gaar ahaan magaalada caasimada ah ee abu dhabi ayey waxa ay si buuxda u taageereen isla markasana ugu farxeen warka farxada leh ee ka soo baxey shirweynihii ayaamahanba beesha uga socdey magaalada taariikhiga leh ee taleex waxa ayna beeshu iyaka [...]
Wasiirka Gaashaandhiga S/Land Oo Qiray In Xukuumadu Ogolaatay Shirka Taleex
(Hargaysa)12 Jan, 12–Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa qiray in xukuumadu ogolaatay shirka Taleex ee maamul goboleedka lagaga dhawaaqay, kaas oo sheegay in Ergo badan oo shirkaas ka qaybgashay ay Madaarada dalka ay si nabad ah uga soo dageen, isla markaana ay si nabad ah u dhexmareen Magaalooyinka Somaliland. Cadami waxa uu sidaasi [...]






.jpg)


























































