Qunsulka cusub ee ay dowladda Soomaaliya u soo magacowday dalka Norway Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah loogu qabtay caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Casha-sharafta Qunsulkka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida, iyadoona ay ka dhex-muuqdeen waxgarad, odayaal haween iyo aqoonyahanno uu ka mid yahay Dr. Alas Abdikariin.
DAAWO FILMKA XAFLADDA:
Qunsulka oo soo dhaweyn diiran kala kulmay jaaliyadda Soomaalida Oslo ayaa hadallo kooban u jeediyay, waxaana uu sheegay in uu salaan uga sido shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in uu si daacadnimo ah uu u gudan doono xilka loo soo igmaday uuna caawimaad iyo gacanba ka sugayo jaaliyadda reer Norway.
Sidoo kale waxgarad, haween iyo aqooyahanno iyana meesha ka hadlay ayaa soo dhaqeeyay magacaabisha qunsulka, waxaana ay u balan qaadeen in ayy garab ku siin doonaan howshaasi.

Ugu dambeyn Qunsul Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa uga mahad celiyay jaaliyadda sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sida soomaalinimada ay ugu weyntahay ayna had iyo goor u hormariyaan danta qaranka Soomaaliyeed.
Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa noqonaya qunsulkii ugu horeeyay ee loo soo magacaabo wadamada Scandinavian-ka tan iyo sidii ay u bur-burtay dowladdii dhexe mudo 21-sano iminka laga joogo.
Qunsulka Dawlada Soomaaliya u soo magacawday Norway oo balanqaad u sameeyay Somalida Norway.
Halkaan ka daawo waraysiga oo video ah:



































































.jpg)


























































