Madaxweyne Caalin oo Furka ku Tuuray “Shirkii Garowe 2″ Iyo Hadalo Kulul oo Qaarkood Sir ahaa oo uu Ka Sharqamiyey (Dhageyso)

 

Garowe (Moment Media Group)  Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo furitaankii shirka “Garowe 2″ galabta khudbad ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey in go’aanadii wareegii hore ee shirka Garowe ka soo baxay lagu xadgudbay ka dib markii sida uu sheegay la sameeyey guddiyo uusan maamulkiisa wax war ah ka geyn.

Caalin wuxuu sheegay in DFKMG ah ay sameysatay guddiga khubarada ee dastuurka iyadoo taasi oo kaliya aysan ahayn waxyaabaha muujinaya sida loogu xadgudbay heshiiskii Garowe, isagoo sheegay in had iyo jeer madaxda Soomaalida aysan ka dhabeyn waxa ay saxiixaan.

“Sidii wax loogu heshiiyey uma socdaan taasna waxaa u daliil ah sameynta guddiyo aan wax wadatashi ah laga sameyn, taas kaliya amaahee arimo kalana waa jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

“Markii shirkii ugu horeeyey Xamar lagu qabtay waxaan lahaa waxa aad sheegeysaan iyo waxa uurka ku jira ha is waafaqeen, waa markaan lahaa ALLOW YAA UURKA JEEXA !!!” ayuu sii raaciyey Caalin oo si weyn u xanaaqsanaa.

LABADA SHARIIF MID HALA TUURO

Madaxweyne Caalin ayaa markii uu khudbadiisa bilaabay isku khalday magaca SHARIIF XASAN oo madasha fadhiyey iyo madaxweyne Shariif, markii ay dadkii kale damceen inay saxaana wuxuu si bareer ah u yiri “Anigu mar horaan sheegay labada Shariif hadaan midkood la tuurin magacyadoodaa la isku khaldayaa”.

Isla bilawgii hadalkiisa wuxuu Caalin u mahadceliyey marti sharafta iyo ka qeybgalayaasha shirka Garowe 2, wuxuuna ka dib sheegay inuu u mahadcelinayo HAWEENKA GAROWE maadaama iyaga kaliya ay soo dhoweeyeen, siduu sheegay.

YAXAASKII DADKA LAQAY!

Madaxweyne Caalin wuxuu markale ku laba kacleeyey ergada shirka oo uu sheegay inaysanmeteli karin Soomaali oo dhan balse ay jiraan dad kale oo meesha ka maqan loona baahan yahay in la keeno, haddii daacad laga yahay raadinta xalka ummada Soomaaliyeed.

“Hadda tusaale ahaan marka aansoo qaato, halkan yaa BUUXA.  [waa] DKMG ah ama baarlamaan ha noqoto ama maamul ha noqoto, marka yaxaaskii dadka laqay miyaad noqoneysaan,  AAWAY dadkii kale? maamuladii kale aaway”ayuu ergadii shirka weydiiyey madaxweyne Caalin.

XUKUN DAAKHILIGA SOOMAALIYA

Madaxweyne Caalin wuxuu markale shaaca ka qaaday arin sir ahayd ka dib markii uu ka digay in Soomaaliya tobanka sano ee soo socota ay geli doonto XUKUN DAAKHILI ah maadaamaay iyadu isku sameysay caddaalad daro.

“Haddaan laga digtoonaan caddaalad darada iyo ururada la dhisayo tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxay geli doontaa xukun daakhili ah. Waan ku qasbanaan doonaa ogaada!” ayuu yiri madaxweyne Caalin.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu eedeyn kala dul dhacay DKMG ah oo uu sheegay inay keligeed qaadato deeqaha uga yimaada beesha caalamka ee ay ku hesho magaca Soomaaliya, isagoo xusay in caalamka uu dhaqaale badan ku bixiyo amaanka,  Galmudugna dhowaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah.

Shirkado ajnabi ah oo hub soo geliya dalka

Maxamed Axmed Caalin, isagoo weli hadalkiisa kululaa ee xanaaqa ahaa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay jiraan shirkado ajnabi ah oo hubka keena Soomaaliya kuwaasoo qabiilada qaarkood siiya halka qaar ka mid ah hubkaasina uu ka shakisan yahay in loo gudbiyo kooxo “argagixiso ah”.

FEDERAALKA

Caalin wuu sii waday oo wuxuu markan weerar afka ah ku qaaday NIDAAMKA FEDERAALKA isagoo yiri “Federaal ma ahan wax Soomaali taqaano, waxaana loo baahan yahay in laga fiirsado talaabooyinka aan qaadeyno iyo cawaaqibka ka dhalan kara”.

Wuxuu ka digay in dhibaato horleh la abuuri doono iyadoo la raadinayo in wax la xaliyo taasina ay noqon doonto nasiib daro weyn oo ummada ku dhacda.

Wuxuu intaa sii raaciyey in markii dadka qaar maqleen in Soomaaliya ay qaadaneyso nidaamka federaalka ay bilaabeen sameynta maamulo cusub taasoo dhalisay in hal magaalo saddex maamul yeesho, siduu yiri Caalin.

FIKRADO GAAR AH OO LA ISKU QASBAYO

Caalin wuxuu sheegay in shirka Garowe uu xambaarsan yahay “fikrado dad gaar ah aaminsan yihiin la doonayo in si jujuub ah la isugu shubo” siduu yiri.

Wuxuu intaa sii raaciyey in dalka badankiis uu gacanta ugu jiro Al-Shabaab oo wax soo haray ay yihiin wax yar isla markaana siyaasiyiin ujeedo badan ahi isku heystaan.

DHAGEYSO KHUDBADA KULUL EE MADAXWEYNE MAXAMED AXMED CAALIN  

Categories: Anti-Tribalism | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Madaxweyne Caalin oo Furka ku Tuuray “Shirkii Garowe 2″ Iyo Hadalo Kulul oo Qaarkood Sir ahaa oo uu Ka Sharqamiyey (Dhageyso)

  1. War deg deg ah: Shariif Xasan oo Farageliyey Khilaafkii Shirka Garowe kuna guuleystey in Shirkii oo Dib u Bilawday

    Waxaa goordhow dib loo furay shirkii wadatashiga ee Garowe 2 ee ka socday hoolka shirarka ee xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe.

    Shirka oo maanta barqanimadii ay ka bexeen wafdigii Galmudug ayaa waxaa dib u bilawday ka dib markii Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo farageliyeen arintii ay ka caroodeen wafdiga Galmudug kuna qanciyey in shirka ay dib ugu soo laabtaan.

    Khilaafka keenay in Galmudug shirka ka baxdo ayaa ahaa arinta federaalka iyo gobeleysiga [states] oo ay Galmudug ku adkeysatay in la balaariyo oo qabiilada Soomaalida oo dhan la keeno sida WAAJIDPRESS ay u sheegeen mid ka mid ah xubnaha wafdiga Galmudug.

    Xubnaha wafdiga Galmudug ayaa dooda dib ugu laabtay iyagoo shuruud ku xiray inaan haba yaraatee laga hadlin arinta FEDERAALKA laakiin qaab goboleed loo hadlo, taasoo UU AQBALEY Shariif Xasan sidaasina Galmudug dib ugu soo laabatay shirka.
    Waxaa hadda socda doodo ay leeyihiin saddex guddi oo ka qeybgalayaasha shirka loo qeybiyey, waxayna kala yihiin;-

    – Guddi ka hadlaya habka dawlada

    - Guddi ka hadlaya qaabka federaalka iyo maamul goboleedyada (Waa arinta ay Galmudug soo jeedisay inaan laga hadlin Federaal ee laga hadlo maamulo goboleed oo kaliya. Waayo Galmudug waxay rabtaa in maamulada gobolada loo dhigo 6 qeybood oo ah habkii 1969-kii goboladii jiray ee Soomaaliya).

    Guddi ka hadlaya Garowe Principles oo ahaa heshiiskii soo baxay shirkii 24-ka Disembar 2011 ee lagu gaaray shirkii “Garowe 1″.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa WAAJIDPRESS u xaqiijiyey in qodobka Galmudug diiday dib loo dhigay, sidaasina galabta doodihii ku bilawdeen.

    Shirka waxaa goordhow la filayaa inay ku soo biiraan xubnaha Midowga Afrika oo tan iyo saaka hoteladooda iska jiifay ka dib markii loo sheegay in shirku uu joogsaday.

    Wararka ugu dambeeya ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in shirku uu socon doono caawa illaa 9:00 fiidnimo oo aysan ergooyinka aadi doonin hotelada, cashadana loogu keeni doono goobta uu shirku ka socda. Waxaana sidaasi galabta sheegay Raysul wasaaraha KMG Soomaaliya C/weli Gaas oo yiri “maadaama gelin dambe shirku bilawday, isla markaana hawsha u taalla guddiyada ay badan tahay la shaqeyn doono illaa caawa si berito shirka go’aan looga soo saaro”.

    Waxaa shirka fadhiya Gudoomiyaha Shariif Xasan, C/weli Gaas, madaxweyne Faroole, Madaxweyne Caalin, Mahega iyo xubnaha wakiilada ee UNPOS iyo IGAD oo illaa saaka ku dhexjiray arimaha la isku hayo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com. The Adventure Journal Theme.

%d bloggers like this: