Faafin:
Feb 24, 2012 - Baarlamaanka Soomaaliya oo Khamiistii (23 Feb 2012) go’aan soo saaray ayaa shaaca ka qaaday xilliga la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Wareegto rasmi ah (oo tirsigeedu ahaa Ref. XGB/29/12) uuna soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya, Madoobe Nuunnow Maxamed, ayaa si qeexan u xustay in “Dood dheer ka bacdi fadhigii barlamaanka ee 23-02-2012 oo ay ka soo qaybgaleen 278 waxaa loo codeeyey in doorashada madaxweynaha Federaalka Soomaaliya la soo hormariyo laganadhigo 30-ka April 2012. Waxaana cod aqlabiyad ah ku oggolaaday 269 waxaana diiday 6, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.”
Wareegtadu waxay si sheegtay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG ay ku xadgudbeen awoodda sharcigu siiyey “Waxay si sharci ah u limiyeen xilalkoodii madaxwetbe iyo Raiysal wasaare markii ay la bexeen saxiixayaal ayna saxiixeen waxyaaba aan soo marin golaha xukuumadda iyo golaha baarlamaanka, taas oo ah ku xadgudub awoodda sharcigu siiyey.”
“Doorashada Madaxweynaha oo la qaban doono 30ka Abrill 2012, waxaa dooran doonan baarlamaanka oo ah reform (dib uhabayn) lagu sameeyey, taasoo baarlamaanku u arkay xalka siyaasiga ah ee xilligan kala guurka ah. Waa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Madoobe Nuunow.







.jpg)


























































