Antitribalism

Advertisements

MAXAA QABYAALADA LOOGA FUJIN LA’YAHAY SOOMAALIDA?

img_4546MAXAA QABYAALADA LOOGA FUJIN LA’YAHAY SOOMAALIDA?

Antitribalism – In badan ayaa laga hadlaa qabiilka iyo dhibaatooyinka , uu u leeyahay ummaddeenna. Marar badan waxaa la sheegaa in qabiilku naga horjoogsadey horumarkii ummaddu tiigsan lahayd,laakin marna leysma weydiiyo sababta ay dad badani ugu dheggan yihiin qabyaaladda,iyagoo malaha,u arkaya iney ku heystaan faa’idooyin (haba yaraadeene) eeyan meel kale ka heleyn.Markaa,ayaan jecleystay inaan labo nin oo u kula hadlaya qabiilka waxtarkiisa iyo in Dawladnimo ka roon tahay qabiilka lagu dheggan yahay, inaan dooddooda idiin soo gudbiyo.

Midka u hadlaya qabiilka iyo nacfiga lagu heysto waxaa lagu magacaabaa jaalle CALI BOOTOOLE, kan kale oo leh waxa habboon tahay in habka Dawladnimada la xoojiyo, waxa la yiraahdaa Jaalle CUMAR SANBUUR, bal marka ila akhriya arrintan.(Fiiro gaara, dooddani ma aha fadhi ku dirir, ee waa mid cilmiyeysan, magacyada nimanka matalayaana waa kuwo malo-awaal ah)!! Read the rest of this entry

Ma labadaas qabiil baa la simi karaa?

BB144628-431E-4E36-BA12-7CD9CFF50A42Ma labadaas qabiil baa la simi karaa?

September 22, 2017 –Antitribalism Labada qabiil mid waa dad caqli badan, dulqaad badan, qurux badan, waase dad isku darsaday bakhiilnimo, fulaynimo iyo jaahilnimo. abiilka kale waa waxaa dilootay aqoonyari, gacan-adayg, fulaynimo, waase dad u dhashay garaad, qurux iyo dulqaad. Read the rest of this entry

Xildhibaanimooy Xaal qaado!

IMG_0128African-Geostrategy Institute for Social Research – Bar AMA Baro – Qormadan, waxaan ugu magacdaray, heesta kooxda Qeylodhaam: “Xildhibaanimooy xaal qaado” oo anigu runtii aan aad uga helay, gaar ahaan iyo guud ahaan heesaha kooxdan, maadama ay ku soo beegmeen, xilli aad u xassaasi ah. Waa kooxdii labaad, oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed ee samaysanta. Sanado ka hor, waxaan si fiican uga wada dharagnay, heesaha baraarujinta kooxda caan baxday, ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa.

‘Read More: Xildhibaanimooy Xaal qaado!

Anti-Tribalism

IGU SAWIR “MomentEducation Policy

 Ilkacase Qays Oo Si Rasmi Ah Usoo Dhammeystiray Heestii Muranka Dhalisay Ee Igu Sawir


02/08/2017 – Fanaanka caanka ah ee Ilkacase Qays ayaa soo dhammeystiray heestii muranka dhalisay ee “Igu Sawir” waxaana uu si toos ah ugu caynayaa uguna weerarayaa madaxda qaranka gaar ahaan Kheyrre iyo Farmaajo.
Haddaba daawo Heesta oo dhammeystiran

Read More: IGU SAWIR NEWS ” Moment Education Policy

XOG: Gaas oo dejiyay dhisme ku kacay hal-milyan oo doollar oo uu ka iibsaday dalka Itoobiya, marwadiisa labaad ee uu dhowaan guursaday oo reer Soomaaliland ah.

IMG_8265XOG: Gaas oo dejiyay dhisme ku kacay hal-milyan oo doollar oo uu ka iibsaday dalka Itoobiya, marwadiisa labaad ee uu dhowaan guursaday oo reer Soomaaliland ah. Read the rest of this entry

Qeyrrow bal qajil!

IMG_8195Qeyrrow bal qajil!
The Nation of Poets – Maalmahan waxaa xawli ku socda dhaqanxumo siyaasadeed, oo ay hormuud ka yihiin hoggaanka cusub ee uu dalku yeeshay doorashadii 8 feberaayo.

Beenta, ballanxumada, huuhaada iyo aragtuxumada, ee ay kuwii ka horreeyey la wadaagaan waxaa u dheer; ismuujin, istustus, ha lagaa sheego, igu sawir, isgadid iwm, oo ay uga faa’iidaysanayaan dadkan qiiraysan.

Read More : Qeyrrow bal qajil!

2017 SANADKI SOMALIYA XIJAABATAY (Qormo aqriste)

IMG_1534GREATER SOMALIA HalgankiiXisbigaSYL – 04/05/2017  – Saansanta muuqata hadda waxay calaamad u tahay in la soo gaaray xilligii geerida Somaliya. Muddo badan ayey sakaraad ahayd Somaliya oo weliba mararka qaarkod la mooday inay nafti ka baxday laakin la arkay iyadoo neefsaneysa. Waxaa laga cabsaday haddii iyadoo aan geerida la hubin la aaso radi-ficilka ka imaan kara dadweynaha ku abtirsada qaarkood…sidaas ayaa muddo aan yareyn dib loogu dhigaayay in maruun laga takhaluso, si ay uga nabadgalaan dalalka deriska la ah oo mar kasta qaba tuhun ah inaan Somalida laysku aamini karin. Kheyraadka dhulkoda ku jirana aan si sahlan loo hor-istaagi karin ama lala bixi karin haddaan masiirkooda meel lagu ogaan.!!!
Read the rest of this entry

Aqoonsiga caalamiga ah kadib maxaa ka dhiman xornimada Soomalia?

IMG_1497

Aqoonsiga caalamiga ah kadib maxaa ka dhiman xornimada Soomalia?

Xisbiga Xuriyadda ( The people of Freedom )


Greater Somalia – Moment History Society  Tan iyo 1960kii oo ahayd markii ay soomaaliya madaxbanaanida ka qaadatay gumeysteyaashii reer yurub ee Boqortooyadda Ingiriiska iyo Tanyaaniga, wuxuu dalku soo maray marxalado iyo daruufo siyaasadeed dhaqaale iyo amaan oo aad u kala duwanaa. Qormadaan ayaa si gooni diiradda u saareysaa su’aasha ah Soomaaliyada maanta ma xorbaa mise maahan? Maadaama soomaaliya ay ka baxday ku xiligii meelgaarka ayna u gudubtay dowlad rasmi ah oo caalamka la saxiixan karto heshiisyo caalami ah, waxay Qormadaani si kooban u eegeysaa waxyaalaha asaasiga u ah xoriyadda iyo madaxbaanida dal uu ku naaloon karo. Qormadu waxaa soo qaadaneysaa 10 tiir oo lagama marmaan u ah jirintaanka iyo ilaalinta xoriyadda. Qormadu waxay ku soo gabagaboobeysaa dhowr su’aalood oo ay jawaabahooda u madaxbanaan yihiin akhristeyaashu!!

Read the rest of this entry

Tolow TURKI talo qoran ma la tagnay?

IMG_7730Tolow TURKI talo qoran ma la tagnay?


Politico Magazine NEWS / April 26, 2017 – Aad baan ugu farxay, ogaalka socdaalka MW ku tagayo dalka Turkiga, oo ka mid ahaa wararka aan muddaba u dhagataagayey. Runtase farxadda waxaa iigu lammaansaneed weydiimo iyo waxoogaa yaroo walaac ah.
Waydiimaha in aadan igu la yaabayn waan filaa, ee aad is leedihiin, maxaa walaaca kuugu wacan, haddiiba wax aad hamminaysay la hirgalinyo? Sax. Wax walaaca iigu wacan, in aan ka cabsiqabo, in sidii shalay kanshooyin badan loo lunshay, in mar kale la lunsho.
Marka hore, HOGGAAMIYAHA iyo shacabka Turkiga naga wada gaarsii salaan, mahdin iyo bogaadin walaalnimo, una sheeg, in aan abaal badan, oo weyn u haynno mar iyo marxalad walba.
Ka dib, waxaa i la habboon, in wadahadalka la la galayo Turkiga iyo heshiisyada la la galayo aysan ka marnaan qodobbadan hoose; Read the rest of this entry

Mudane Erdoğan Mahadsanid

IMG_7639IMG_7728Mudane Erdoğan Mahadsanid

“Maxaadan Ogeyn oo laga filan karaa booqashada MD Farmaajo ee Turkiga?”

Politico Magazine NEWS / April 26, 2017 – Murti baa leh: “Abaal raag rag baa leh” mid kalana waxay leedahay: “Ruuxii abaalgala waa loo gudaa” mid ka agdhaw ayaa tiraa: “Abaal qof galaa badan, qof gudaase yar” mid kale ayaa dhahda: “Abaal laawe waa Eebbe laawe!” Mid kalana waxay leedahay: “Abaal ha tirsan, haddaan laguu tirin”. Read the rest of this entry

GREATER SOMALIA

IMG_1541GREATER SOMALIA
Faallo-(Moment Research & Consultancy) Waxaa maanta ii farxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 74aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y.L 15 May 1943, taasoo ku soo begantay in maanta shacabka soomaaliyeed ay u dhaltay dawlad aan ku meel gaar ahayn , 74 sanno ka dib waxaan ilaahay ka baryeena in ay dib u soo noqoto heybaddii qaranimo iyo sharaftii calanka soomaaliyeed horay u lahaan jiray.
Runtii taariikhdu ma duugowdo, waxaana loo baahan yahay in laga faaiideysto maanta oo ah sannad guuradii 74aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliya halgankaasi oo bar bar socoday xisbigii gobanimadoonka SNL ee waqooyiga soomaaliya waana maalin weyn oo aan la ilaabi Karin.
Haddii aan si kooban u xuso, marka hore waxaa la sameeyey urur ay ku kulman dhallinyarada oo la magic baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn
Halkaasoo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed.
Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.
Ururkaani hadafkiisii ugu weyn wuxuu ahaa in shacabka soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah la na mideeyo goboladda soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jira. Ururkani waxaa salka u dhigay dhallinyaradda oo kala ah :-
Read More:

GREATER SOMALIA

IMG_1542

IMG_1543IMG_1364

12 april maalinta CIIDANKA XOOGGA DALKA

IMG_7407

Xuska sanad-guurada 57-aad ee ciidamada xoogga dalka oo Muqdisho ka dhacday


HalgankiiXissbigaSYL – Aragti suubban iyo eray suugaan – Waxaa la yiri: “Sabool, xoolihiisu waxay u dhammaadaan, hantiile is ka gad!” is xushmee, balse, ha is xoolatirin, saa boolxufto iyo xifaaltan aadan geli Karin, lagu ma xoor beelee. Xigmad ma ahan, xusaska aan xisaabta lahayn, ee sida joogtada ah loo qabto, haddana, mid walbaa, uu qarash badan iyo ku baxo lacago aan tiro yarayn.
Hadda, habmalyada, xuska, xusuusta iyo weynaynta maalinta 12.04. ma naga mudan tahay, in aan qarash ku bixinno iyo lacago badan maamuuskeeda, anaga oo og baahida, diifta, darxumada iyo dayaca haysta CXD?

Read the rest of this entry

Dalkaan waa Beec : Shalay Badda, iyo Webiga Maantana Dekadaha Berbara, Boosaaso iyo Hishiiska Dalka Imaaraatka Carabta : DF oo Ethiopia ,iyo Kenya ku wareejisay Biyo Xireenkii BAARDHEERE

Shalay Badda, Maantana Webiga: DF oo Ethiopia iyo Kenya ku wareejisay Biyo Xireenkii BAARDHEERE + Caddeyn

Shalay Badda, iyo Webiga Maantana Dekadaha Berbara, Boosaaso iyo Hishiiska Dalka Imaaraatka Carabta :  DF oo Ethiopia ,iyo Kenya ku wareejisay Biyo Xireenkii BAARDHEERE


Muqdisho (Africorruption Online) – Waxay ahayd sanadkii 1980, markii dowladdii hore aay ku soo saartay FAAFIN RASMI AH L. 4 & Law #7 r 2 ee 25 feb. 1980, (Halkan Riix) mashruucii Biyo Xireenka Baardheere (Bardheere Dam Project).

Mashruucaas oo la dhameeyay daraasaadkii lagu sameeyay, waxaa maalgeliyay Bankiga Adduunka (World Bank). Heshiiska mashruucan ayaa waxaa kala saxiixday wasiirkii Qorsheynta Axmed Xabiib Axmed iyo Bankiga Adduunka. Mashruucan oo loo qoondeeyay in ay ku baxdo adduun dhan (lix boqol oo milyuun oo dollar – $600,000,000) kaa soo bilowday dhismihiisa Bishii Maarso 1986, Halkan Ka Akhri. Waxaa loo sameeyay wasaarad gaar ah oo lagu magacaabi jiray Wasaaradda Dooxada Jubba, oo uu wasiir ka ahaa Mudana Axmed Xabiib Axmed, nasiib darro intii uu socday dhismihiisa ayaa waxaa bilowday dagaalkii sokeeya oo markaa keenay in uu baaba’o mashruucii biyo xireenka Baardheere. Read the rest of this entry

Nidaam-dowladeed ceynkee ah baa ku haboon dalkeenna Soomaaliya ?

IMG_7366Nidaam-dowladeed ceynkee ah baa ku haboon dalkeenna Soomaaliya ?

Tooosinta Federaalka


Sunday, April 9th, 2017 – Inta aanan ka waramin nooca nidaam-dowladeed ee ku haboon dalkeenna Soomaaliya ee ay waayadani qataraha badani kaga soo fool leeyihiin Shisheeyaha isugu jira cadaanka iyo madowga ee u soo qalabqaatay boobka kheyraadkeena. Aan marka hore ka hadlo labo arimood oo aad u muhiimsan, Kuwaasi oo kala ah: Canbaareyn aan u jeedinayo Baarlamaanka Federaaliga oo si indho la’aan ah u ansixyey xukuumad tiro badan oo aan loo baahneyn, iyo soo gudbin ku aaddan halbeegga aan Anigu wax ku cabiro marka aan wax taxliilinayo.
Talaabada ay qaadeen Xubnaha Baarlamaanka, Waxa ay muujineysaa inayan si fiican u aqrinin fariimaha ka imaanayey dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta badan, Kuwaasi oo ku qotomey in markan loo baahan yahay isbadal dhab ah oo wax ka badala xaaladaha siyaasadeed, kuwa dhaqaale, kuwa amni iyo waliba kuwa bulshe ee ka jira dalkeena. Fariimahan, Ayaa sidoo kale ku qotomay inayan dowladnimadu noqonin goob laga faafiyo dhaqamada xun xun ee lidiga ku ah diinteena Islaamka iyo dhaqankeena suuban.

Waxa ay ahayd in Baarlamaanku ka dalbado Ra’isulwasaaraha in uu wax ka soo badalo golahan wasiirada ee tirada badan, iyo waliba magacyadan aan macnaha sameyneynin ee uu ku sheegayo wasaarado. Sidee loo ansaxinayaa yaa turaa gole wasiirro oo ka kooban 67 xubnood, Iyadoo ay dalka ka jirto dhaqaaloxumi baahsan iyo waliba abaaro daran ? Maxaase diidayo in la yareeyo golaha wasiirada inta laga baxaayo dhibaatooyinkan jira ? Maxaase faa’iido ah oo Shacabka Soomaliyeed ugu jira xukuumad tiro badan ?
Qaabka loo dhisay xukuumaddani, Ayaa waxa uu muujinayaa in shanta sanam (Daarood, Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beesha shanaad) ee wax lagu qeybsada ee ka jira dalkeenna ay wali yihiin kuwa xooggan oo aan laga gudbin karin, Kuwaasi oo ay ku qaraabtaan kuw xun xun ee ku jira bulshadeenna ee qabiilka u isticmaala aalad ay xilal ku qabtaan iyo waliba farsamo ay dhaqaalo ku uruursadaan. Sow ceeb ma’ahan in 17 sano ka dib ay dadka qaar wali ka hadlayaan hab-qeybsiga loo yaqaanno 4.5-ka ee baadilka ah ? Read the rest of this entry

Ar Formaajow is ka FIIRI!

Formaajow is ka FIIRI!

AntiTribalism


We Need Values,Ethics  and Morals  – Ma kulanno, haddana waan wada joognaa mar walba. Midkeenba kan kale ayuu ku dhexjiraa, haddana ka baxsan yahay. Is ma naqaan ayaan filaa, in aan is naqaanna waa suuragal. Waxaa la i yiraa; ammin, goor ama milay, magacyo kalana waan leeyahay iyo kooro badan. Sidoo kale, waxaa jirta hawraarro, halqabsiyo iyo hadallo laygu dareensado, oo digniin, dardaaran iyo isugu jira duurxul. Read the rest of this entry

RW hore Farmaajo : Ayaa sheegay inuu dhaliilsan yahay in beelaha Abgaal iyo Majeerteen iyaga oo kaliya ay dhaxal u helaan labada jago ee dalka ugu sareysa

IMG_6966RW hore Farmaajo : Ayaa sheegay inuu dhaliilsan yahay in beelaha Abgaal iyo Majeerteen iyaga oo kaliya ay dhaxal u helaan labada jago ee dalka ugu sareysa

14.03.2012 – : Madaxweyne Shariif oo farmaajo ku tufay “Ninka ragaa maaha inuu luuqyada ka xantamo, shilin ma wadan”

15.03.2012 – Farmaajo:”Taangi AMISOM leedahay ayaa lagu joogaa Muqdisho cid danbe oo kursi dhaxal u leh majiri doonto” Ra’iisal wasaarahii hore ee soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si dhab ah uga hadalay fikirkiisa ku aadan Siyaasada Soomaliya iyo waxa uu ka damacsanyahay mustaqbalkiisa dhow.

Mudane Farmaajo oo muddooyinkaan danbe safaro casuumaad ah ku kala bixinayay jaaliyadha Soomaaliyeed uu ku dhawqan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa warbixino faafaasan ka siinayay xaalada uu dalka ku sugan yahay,isagoo dhaleeceyna usoo jediyay ergiga arimaha Soomaaliya ee qaramada midoobay Mahiga. Read the rest of this entry

TRIBALISM: THE CANCER IN OUR MIDST

img_4553TRIBALISM: THE CANCER IN OUR MIDST


Introduction

In the past, the conventional wisdom has been that Somalia’s population would not face serious inter-communal problems because it has one of the most homogeneous peoples in the world, in general, and in Africa, in particular. This is so, because they belong to the same ethnicity, share the same faith (Islam), speak the same language and share the same culture and history. (I heard the arrogant Ethiopian Prime Minister, Meles Zenawi, talking about this topic in a very sarcastic manner some time ago). However, these assumptions have been dealt very serious blows by the outbreak of the devastating, cut-throat civil war that has, for all intents and purposes, been going on for the past 15 years. This senseless civil strife, together with the widespread famine that accompanied it in the early 1990s, is estimated to have killed at least 500,000 Somalis, the overwhelming majority of them being innocent civilians; and hundreds of thousands, if not millions, more were displaced bother internally and externally. Read the rest of this entry

XAL-JACBURKA XULITAANKA BAARLAMAANKA 2016 IYO HABKA DOORASHOOYINKA

imageSpiritInnovation– Su’aasha ugu hadal-haynta badan ee bulshada Soomaalidu ay is-weydiineyso waayadan waa sidee ugu habboon ee baarlamaan lagu soo xuli karaa 2016 maaddaama aysan suurtagal ahayn in muwaadinka Soomaaliyeed codeeyo? Waxaa su’aashan mar walba ku xiriirta su’aal kale oo leh habkee lagu saleeyaa doorashooyinka iyo metalaadda bulshada (Electoral System)? Doodda ku saabsan su’aalahan waxaa marka horeba ka soo muuqanaya fashilka ku dhacay dawladda Soomaaliya waayo iyada ayaa u xil-saarnayd inay hoggaamiso arrimahan. Dastuurka qabyada ah ee Qaramada Midoobay ay Soomaalida u samaysay waxaa si cad ugu qoran in xeerar arrimahan ku aaddan ay dawladdu soo saarayso. Nasiib darro taasi ma dhicin. Qormadan gaaban waxaan uga jawaabayaa labadaa su’aalood. Markii ay dawladdu kaalinteedii gabtay, waxaa bulshada caalamku samaysay madal ay ku wada jiraan madaxda dawladda dhexe iyo kuwa gobollada taasoo loo xilsaaray inay go’aamiyaan hannaanka baarlamaanka loo soo xuli karo 2016. Sidii caadada u ahayd, siyaasiyiinta Soomaalidu waxay la yimaaddeen dhowr qorshe oo mid kasta uu cilladihiisa iyo samaantiisa leeyahay. Waxaa miiska la soo saaray hannaanka qabiilka ee 4.5 oo ah kan baarlamaannadii hore ay ku samaysnaayeen iyo hab labaad oo leh waa in lagu saleeyo degmooyinkii iyo gobolladii ay dawladdii militarigu ka tagtay. Haddaba maxaa ka dhalan kara qaadashada hababkan? Kow, nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 waxaa lagu dhisay afar baarlamaan (2000, 2004, 2009, 2012). Waxaa la yiri Soomaalidu waa afar beelood oo hubeysan iyo beesha shanaad oo aan hubeysnayn. Waxaa la siiyay beel kasta oo hubeysan 61 xildhibaan halka beelaha aan hubeysnayn la siiyay 31 xubnood. Markii la qaadanayay waxa la yiri “xaq maahee waa xal” qoondadani. Si kastaba ha ahaatee, hannaanka 4.5 waxay keentay laba faa’iido. Waxaa isla oggolaaday qabqablayaashii dagaalka waday oo waxay noqotay waxa kaliya ee ay isla oggol yihiin dadka siyaasadda horboodayey. Tan kale, 4.5 waxay keentay in la helo baarlamaan ay ka dhexmuuqdaan shaqsiyaad beelo kala duwan ka kala yimid. Waxaa la dhihi karaa qaadashada 4.5 waxaa lagu gaaray metalaadda beelaha, walow qabyo jirto. Dhanka kale, nidaamka qabiilka ku dhisan ee 4.5 waxaa lagu dhisay afar baarlamaan oo kulligood fashilmay. Guud ahaan, baarlamaannadu waxay qabtaan dhowr shaqo oo ay ka mid yihiin metalaadda dadka, samaynta xeerarka, iyo la xisaabtanka xukuumadda. Xeerar badan oo tayo leh ma aysan ansixin intii ay joogeen baarlamaannadii ku yimid 4.5. Sidoo kale, madaxweynayaasha ayaa ka dhigtay aalad ay siday rabaan u adeegsadaan oo musuqmaasuq ayay u dhamaadeen xildhibaannadii. Labo, qaar ka mid ah siyaasiyiinta qabaa’ilka ayaa soo jeediyey in laga guuro 4.5 oo loo guuro gobolladii iyo degmooyinkii ay dawladdii militarigu ka tagtay. Haddaba, haddii la qaato taladan ma la helayaa metalaad u dhiganta tii ay 4.5 keentay. Mase dhici karta in baarlamaanka habkaa ku yimaadda uu shaqeeyo oo xeerar wanaagsan uu dejiyo ama uu xukuumadaha si wanaagsan ula xisaabtamo?

Read the rest of this entry

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku waxa uu aqoontiisa ku gaaraa siyaabo kala duwan, midbaa canshuurta dowladda wax ku barta oo waxabarashadiisa dhameysta iyadoon wax hanti ah aayan qoyskiisa ama laftiisaba ka gelin. Mid kale, oo runtii mujtamaceenna nadir ku ah waa midka ay hey’ado gacan ka siiyaan ama qoykiisuba uu daboolo qaraamaha waxbarashadiisa.
Aqoonyahanka Somaaliyeed ee maanta jooga qiyaastii boqolkiiba 80-90% waxay wax ku barteen cashuur ay dowladahii beri-samaadku matalan ka qaadeen hooyada tamaandhada ama haruurka ku iibisa suuqa, taasoo micneyneysa in dalku maalgashaday qofkaas oo looga baahan yahay inuusan waxtar maahee, waxyeello dalka iyo dadka ula imaan. Dad badan ayaa qaba in aqoonyahanku yahay qof dhameystiran oo howl kasta ee soo wajahda u babac dhigi kara, laakin saas arrinku maahee, waxa muhiima in Alla aqoontaa kuu raaciyo mid maskaxeed ee kaabta aqoontan maaddiga ah ee qofku kasbaday, si qofkan ay ugu suurow inuu xallilo mushkilad sida ta Somaalida oo kale ah u murugsan. Read the rest of this entry

QABYAALADDIID: GABAY

Qabyaaladda iyo Soomaalida (sawir gacmeedka Amin Amir)

Qabyaaladda iyo Soomaalida (sawir gacmeedka Amin Amir)

Gabaygan Qabyaaladdiid waa gabay aan ku tix gelinayo abwaankii caanka ahaa Alle naxariiti jano ha siiyee abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima Cadde, oo si kooban kelmado dhaxal gal noqday ka yidhi Soomaalida iyo qabyaaladda. Gabaygaa Tima Cadde waxaa ka mid ah meeriska “dugsi maleh qabyaaladdi, waxay dumiso mooyaane”

Abwaanku gabaygaa wuxuu mariyey waqtigii ay Soomaalidu ugu qabyaalad yarayd oo ahayd 1964tii ilaa 5tii. Hadduu Tima Cadde maanta joogi lahaa oo ay ka soo wareegtey 50 sannadood, tolow muxuu odhan lahaa? Hadduu sidayda oo kale maalintaana joogay wixii ka dambeeyey oo dhanna ogaan lahaa xasuuqa , , qaxoontiyada, raja beelka, dhaca iyo boobka , oo xaadir ahaan lahaase muxuu odhan lahaa? Read the rest of this entry