Jaaliyadda Jareer Weyne ee Kenya oo Cambaareeyay Nidaamka 4.5 iyo Maamul Goboleedyada Faraha Badan (Daawo Sawirada)

Shir Jaraaid oo ay Magaalada Nairobi ku qabteen Jaaliyadda beesha Jareer Weyne ee ku dhaqan wadankan Kenya ayay kaga hadleen Xaaladda guud ee Wadanka iminka Maraayo.

Shirkan Jaraa’id ayay Jaaliyaddu Cambaareyn Xoogan Dusha kaga Tuureen Nidaamka ay ku dhisan tahay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee 4.5, sidoo kale waxa ay dhaleeceeyeen Maamulo Goboleedyada Dibedda looga dhawaqaayo.

Sidoo Kale Shirkan Jaraa’id ayay Jaaliyaddu Tacsi Ballaaran ugu direen dhamaan Eheladii ay Dadkooda ku waxyeeloobeen Qaraxyadii Muqdisho ka dacay 4-tii bishaan.

Max’ed Muuse Gaana iyo Nabadoon Cumar Max’ed Eenow oo Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay in aan loo baahneen in Qof kasta uu iska sheegto Maamul Goboleed, waxa ayna Caddeeyeen in loo baahan yahay in Cid Kasta lagu Xushmeeyo meesha ay Dagan tahay oo aan la Sheegan Gobol dad dagan yahay.

Yaxye Aayow oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Jareer Weyne oo Shirkan Jaraa’id ka hadlay ayaa ka Tacsiyadeeyay dhamaan Waxyeeladii uu geystay Qaraxii Muqdisho ka dhacay 4-tii bishaan oo ay ku halaagsameen in kabadan 100 qof oo Rayid ah, waxa uuna ku baaqay in laga digtoonaado Falalka Nuucaas oo kale ah.

Sh. Yuusuf Sh. Cali oo isna ka hadlay Shirka Jaraa’id ayaa si weyn ugu dheeraaday Xaq darrada uu leeyahay Nidaamka 4.5, waa sidaa uu hadalka u dhigaye.

Sh. Yuusuf ayaa Tilmamay in aysan Jirin Cadaalad Darro ka weyn in la Xaqiro Ummad dhan oo jirta laguna Tilmaamo in ay yihiin HAAF ama NUS.

“Waa Xaq Darro, Cadaalad Darro iyo Fool Xumo nidaamka 4.5, Maaha in la Xaqiro ummad dhan oo NOOL, isla markaana maaha in la sheegto marka YURUB la iska dhiibaayo” ayuu yiri Sh. Yaxye oo isagu u qaabilsan dhinaca Dacwada Jaaliyadda Jareer Weyne ee Kenya.

Sidoo Kale Shirkan Jaraa’id ayaa waxaa k ahadlay Xaliimo Sh. Yuusuf iyo Aweys Max’ed oo iyaguna Tilmaamay Muhimadda ay leedahay in Xilligaan laga Gudbo Cadaalad Darrada isla markaana si isla eg dadka ay wax u qeybsadaan.

Hadalkaan Dhaleeceynta ah ee kasoo yeeray Jaaliyadda beesha Jareer Weyne ee Wadankan Kenya ayaa kusoo beegmaayaa Xilli ay Wax yar ka harsantahay Waqtiga Dowladda KMG ah ee ku dhisan Nidaamka 4.5.

 ===============================================================

Posted on October 17, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: