Jaaliyadda Banaadiriga ee Bariga Africa oo yeeshay Kulan Xasaasi ah qodobo Muhiim ah oo laga soo Saaray Ajandiha Shirka!

Jaaliyadda Beelaha Banaadiriga ah ee ku dhaqan Bariga Africa gaar ahaan Wadanka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku yeeshay Kulan Xasaasi ah oo looga arinsanaayay Xaaladda Guud ee beesha iyo Guud ahaan Wadanka.
Kulankaan ayaa ugu Muhimsanaa Waxyaabihii looga hadlay “Sidii Midnimo buuxda loo gaari, isla markaana loola Jaan qaadi lahaa Xaaladda uu Maraayo Wadanka Xilligaan”.

Shirkaan ayaa waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Jaaliyadda Banaadiriga ee Bariga Africa, Mudane Muumin Cusmaan Cali (Iskood), waxaana kasoo qeyb galay inta badan Xubnaha Jaaliyadda ee ku sugan Nairobi.

Kulanka oo Saacado badan socday marka uu dhamaaday ayaa waxaa laga soo saaray qodobo Muhiim ah oo ku aadan Ajandihii Shirka, waxaana ka mid ahaa:

1- in la dhameeyo Wixii qilaafaad ah ee beesha dhexdeeda ka jira, si beeshu ay u gaarto Midnimo buuxda, taasoo ah Awoodda kaliya ee Wax lagu gaari karo.

2- in Kulamo badan ay yeelato Beesha si Wax badan oo qaldanaa loo saxo, isla markaana aaney mar dambe usoo laaban.

3- in beeshu ay hal meel uga soo wada jeesato Xaaladda uu wadanku maraayo si ay wax ula qeybsadaan dhiggooda.
4- in Cambaareyn iyo dhaleeceyn Xoogan loo jeediyo Nidaamka 4.5 oo ah kan ay Hadda Soomaalidu wax ku qeybsato.

5- in si buuxda loo taageero Dadaal kasta oo hormarineed oo ku wajahan Bulshada ku abtirsata Beelaha Banaadiriga.

Ugu Dambeyn Shirkaan ayaa waxaa la isku afgartay in Guddi loo saaro Xallinta Waxyaabihii la kala Tabanaayay si ay meesha uga baxdo Tafaraaruqa iyo Kala Qeybsanaanta beesha dhexdeeda ah.

==================================================================================

Posted on October 18, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: