Monthly Archives: November 2011

Jaaliyadda Banaadiriga ee Bariga Africa oo yeeshay Kulankoodii 4-aad ee Badbaadada Qowmiyadda (Sawirro).

Jaaliyadda Banaadiriga ee Bariga Africa ayaa Magaalada Nairobi ku yeeshay Kulankoodii 4-aad e la xiriira Badbaadada Qowmiyadda Banaadiriga.

Kulankaan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Xubnaha iyo Masuuliyiinta Jaaliyadda, waxaana Shir gudoominaayay Gudomiyaha Jaaliyadda Mudane Muumin Cusmaan Cali (Iskood).

Kulankaan ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb gashay Aamino Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Ururka IRC oo ka shaqeeya iskaashiga iyo Hormarinta arimaha Qoyska.

Marwo Aamino iyo Xubnaha Jaaliyadda ayaa si weyn uga wada hadlay sidii si Wada Jir ah looga shaqeyn lahaa Hormarinta Qoyska iyo arimaha Bulshada ee Jaaliyadda dhexdeeda.

Kulankan oo Saacado badan qaatay ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo Muhiim ah oo ku aadan Badbaadada Qowmiyadda Banaadiriga iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa Hormarinta Qoyska.

Waxaa la isku afgartay in la Furo Akoon lagu uruuriyo Lacago si Mustaqbalka dhow iyo kan Fogba ay Wax tar ugu yeelato Qeybaha kala duwan ee arimaha Bulshada Qowmiyadda dhexdeeda ah, gaar ahaan Arimaha Qoyska.

Dhanka kale Waxaa Kulankan lagu magacaabay in Marwo Xaawo Cali Bulaale ay Gudoomiye u noqoto Ururka Haweynka Qowmiyadda Banaadiriga.

Marwo Xaawo Cali ayaa iyadu sheegtay in ay wax badan ka qaban doonto sidii ay Hormumar la taaban karo oo dhinac walba ah u gaarsiin laheyd Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga inta ay Xilkaan Heyso, waxa ayna ka codsatay Xubnaha kale ee Jaaliyadda in ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan.

Guud ahaan Kulankaan ayaa ku dhamaaday Jawwi is afgarad leh iyo sidii loogu tala galay, waxaana lagu ballamay in Kulamo kale oo nuucaan ah la isugu yimaado Waqtiyada soo socda si ay Qowmiyaddu isaga war qabto Markasta.

Advertisements

Jaamiciga Soomaaliyeed weli ma garan wuxuu yahay iyo waxa bulshadu ka sugayso

Full story:somalidaily 

Benadirland or Lalaland: A Myth or a Reality

In recent days the Somali media has been reporting on an ongoing secret meeting in Nairobi, Kenya to discuss the formation of a Banadir regional state known as Benadirland. As you can see in the picture below, the meeting’s participants are all from a single Somali clan who as reported is planning to announce soon the formation of a state that extends it is border from Harardheere to Barawe district in the Southern Somalia. Most of the individuals in the picture are failed former politicians of the last twenty years. It seems that this is part of the Somali insanity that always pushes for controversial and polarized agendas. It is also related to a re-invention and renewal process that some failed Somali politicians go through, when excluded from the political process. 

These failed ex-politicians are engaged in a parallel process that will undermine the current TFG who with help of the international community is trying hard to outlast from unending attacks of unyielding opposition groups. This infantile political move is nothing new, but is the reminiscent of the political game of then powerful Mogadishu warlords of the 2005 (now defunct by circumstances), who started a parallel process with the government of Abdullahi Yusuf by calling for the formation of a regional administration for the Banadir region.

Indeed the current meeting in Nairobi is more of an emotional project that these failed politicians are trying to gain support from members of their own clan who seem to be tired of their continuous deception. It is an attempt to mobilize clan members from the fatigue of political nonsense that has transpired their lives for the last 20 years.

As most ill-intended Somali project, it started with the exclusion of the Benadiri and Lower Shabelle clans, who exceed in number from the very same clan that is meeting secretly. Ironically the group will expect their decision to be welcomed by those who they never cared to include in the consultation process. This whole process is offensive to the dignity of the people who call home Mogadishu up to Barawe district in the south of the republic. Lack of consultation and representation is nothing new to the natives of the southern Somalia. Just look at the current cabinet members of the TFG. There is one single cabinet member who is representing Banadir, Lower Shabelle, Middle and Lower Juba with a population of over more than 1 million. 

The formation of the Benadirland is a very sensitive and emotional issue and if feasible it requires full support from all stakeholders. The failed politics of the USC is the major reason to why Somalia is a failed state today. It is beyond any logical imagination to see the same mind that was used to destroy Somalia could be recycled and expect to fetch a better result. People in the south of Somalia are traumatized and deserve a better solution than a plot ideated by a former prime minister, Mr. Ali Ghedi, who we all witnessed his poor political skills. I have had higher hopes for him as he represented a new generation of politicians, but his short-lived years in the office proved me very wrong. 

Individuals who are pushing for the formation of the Benadirland state ought to accept that peaceful participation of all the stakeholders is the only way to deal with an important issue of this dimension to make it more tangible. A well organized and civilized debate should be organized and people’s participation should be encouraged. The process should be transparent and must weigh all the pros and cons and at the end the public must have a say to accept or reject before any decision can be made. A decision should never be allowed to be made by the very few individuals who are holding the country hostage. 

The ongoing political process should allow people to choose between a regional autonomy and federal states. If federal states are deemed to be the solution for Somalia, a more realistic option will be: Lower Shabelle, Lower Juba and Middle Juba will form their own regional state (the Riverland) as the natives of these three regions have lived in peace and intermingled with each other for several centauries. Bay, Bakool and Gedo would form Southwest land and the central land state that is currently pushed by Mr. Ahmed Abdisalam would be another state and leaving Mogadishu as the capital for Somalia. These are realistic and practical options and if implemented could bring peace and stability in the country. 

But how come I have a nagging suspicion that this is the same old-same-old game of the charter clans of Somali jostling over which clan will have an exclusive claim to have the right to milk the Lower Shabelle, and Juba COW. This Benadirland initiative is not different. It is often said that the definition of insanity is doing the same thing over and over again and always expecting different results.

 Full story:markacadey 

Prof-Yahye oo maanta gaaray Magaalada oslo ee wadanka norway

Waxaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 16/11/11, ka soo dagay garoonka diyaaradaha  (gardermoen) Oslo, prof. Yaxye Sh. Caamir iyo wafdi uu hor kacayay.

Waxaa halkaas barfasoorka ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway, kuwaas oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mar uu barfasoorka  hadal kooban jeediyay ayuu aad uga mahad naqay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay halkaasi, waxaa uuna ka war bixiyay ujeedada safarkiisa taas oo uu ku sheegay howlo shaqo iyo kulamo uu la yeelan doono jaaliyadda soomaaliyeed iyo ardayda wax ka barata jaamacadaha dalkan Norway.

Sidaas oo kale barfasoorka ayaa inta uu joogo waxa uu la kulmi doonaa hay’adaha samafalka ee caalamiga ah kuwaas oo uu kala hadli  doono arimo ku saabsan qaabka ugu fiican ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka jira haday ahaan lahaayeen abaaraha, waxbarashada iyo nabaadguurka IWM.

Barfasoor yaxye Caamir ayaa sidaas oo kale kulan la yeelan doona ururada samafalka  soomaaliyeed ee ka dhisan wadakan Norway iyo qaybaha kala duwan ee bulshada asaga oo siin doona war bixino ku saabsan marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo kaalinka ku aadan qurba joogta.

Waxaa kale ee uu Mr. Yaxye u balan qaaday saxaafadda inuu la yeelan doono kulan gaar ah halkaasna uu uga jawaabi doono su’aalahooda.

Barfasoorka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay amaan uu u jediyay jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway asaga oo ku amaanay dadaalkii ay u galeen in ay soo doortaan xubno iyaga matala wuxuuna kula dardaarmay in ay dadaalkooda laba laabaan.

Marauder Shirkad Batrool oo cusub oo reer Faroole ka iibiyeen dhul baaxaddiisu dhan tahay tahay 60,000 oo sqkm.

November 16,2011 – Waxaa soo if baxay fadeexad hor leh iyo khatar weyn oo soo wajahday dalka iyo dadka reer Puntland amaba Soomaliya oo dhan. Waa dhac, boob iyo musuq maasuq tii ugu darayd ee ay reer Faroole ku kacaan, waxayna arrintani daaha ka qaadday ujeedada dhabta ah ee ka danbeysey safarkii Madexweyne Faroole iyo Wiilashiisu ku tageen carriga Inrgiiska asbuucyo ka hor.

Safarka Madaxweyne Faroole oo dib loo raad raacay ayaa ahaa mid si xirfad iyo xeelad leh loo raad gaday, lana sameeyey in xataa Madexweynaha iyo Wasiiradii la socday la kala dejiyo Hoteelo kala fog fog, si aan danta khaaska ah ee Qoyska reer Faroole u fusho, ayaa waxaa ka danbeeyey Casumaad Rasmi ah iyo Heshiis Qarsoodi ah oo dhex marayMadaxweyne Faroole iyo Wiilashiisa oo dacal ah, iyo Shirkada Marauder Resources East Coast Inc. 720, 440 – 2nd Avenue, S.W.Calgary, Alberta T2P 5E9. Canada. Riix Halkan Warbixin English

Sida ku cad war murtiyeedka ay soo saartay Shirkada Marauder “Dhaca-Boobka-Suurinta” Resources East Coast Inc. (Hashiiskii oo PDF ku Qoran Akhri), waxaa shirkadaas Boobka-Dhaca-Suurinta Khayraadku hantiday ayna nasiib u yeelatay in loo hibeeyo Saddex aag (3 blocks) ama dhul khayraad oo qiyaastiisu dhan tahay 60,000 Sqm, sida ku cad website ka shirkadaa iyada ah.

Shirkadaas oo ku caan baxday dhaca iyo boobka waddamada dagan oo itaalkoodu yar yahay. Marouder marka magaceeda la fasiro sida qof kastaa uu qaamuuska ka baarri karo magaceedu yahay Shirkada BOOBKA, DHACA, WEERARKA, SUURINTA khayraadka, iyadoo macnaha kelmada English ka “MARAUDER = ROBBER, LOOTER, BANDIT, RAIDER, PROWLER, BRIGAND, RAIDER” oo intuba ku tusinaya hadafka iyo damiirka shirkada M. Faroole iyo Wiilashiisu hashiiska la soo saxeexdeen, in badan oo wadanka ahna u hibeeyeen iyagoo quudh dareeynaya dhaadhaca qoysku ka heli karo.

Shirkadda Marauder waxay kaga duwan tahay shirkadihii hore ee dhulka Puntland laga iibin jirey, waa shirkad ay leeyihiin dad mafia ah oo xoog iyo dagaal ku muquuniya dantooda iyagoo aan cidna ka haybaysan. Runtii arintani waxay horseedaysaa khatar iyo mustaqbal xumo soo wajahdayey shacabka reer Puntland iyo Soomaali oo dhan, iyadoo Somalia la daalaan dhacayso qalid duufkii madaxdii hore oo heshiiyo hore saxiixay.

Hashiiskan M.Faroole iyo Shirkada Boobka-Dhaca-Suurinta Khayraadka waxaa ka horeeyey shirar badan oo La taliyaha Madexweynaha ee Saxaafada Mr. Mohamed Faroole iyo Wakiilka Khaaska ee Madexweynaha Arimaha Khayraadka iyo Waqooyiga Ameerika Mr. Khadar Farole ahi ku tageen Xarunta Shirkadaa oo ku taala Calgary-Canada Bishii September 2011.  Safaradaas oo lagu diyaarinayey heshiiskaa isaga ah ayey wiilasha ilma Farole ku dalbadeen in la siiyo maal ay shirkadu u hormariso dawlada iyo shacabka Puntland oo ay dhulkooda la xaraashayo.

Ilwadareedyo ku sugan Cariga Ingriiska waxay noo xaqiijiyeen in ugu danbeyn la isku fahmay, heshiis hordhaca iyo kharasho lagu kala saxiixday madashaas heshiisku ka dhacay ee cariga Ingriiska. Lacagtaasu meeshay martay iyo inta ka soo gaartay dawladda iyo shacabka reer Punland waa wax u baahan in la is weydiiyo.

Faah faahin: Saameynta uu heshiiskani ku yeeshay bulshada, siyaasada iyo nabadgelyada Puntland

  1. Aagga Kowaad: EYL-HOBYO – Ilaa Xuduudka Ismaamulka Ethiopia.Qoyska M.Faroole oo shirkada Marauder u hibeeyey Saddex Aag, ayaa EYL-HOBYO ilaa Xuduudka Ethiopia, ka dhigaya Aagga kowaad ee shirkada loo hibeeyey, taasoo isla maalintii heshiisku dhacay, habeenimadii M. Faroole ku dhawaaqay in si loo sugo Aminga iyo Cabudhinta shacabka reer Mudug, si shirkadu uga hawl gasho Aaggaas isaga ah, ay tahay in la keeno Ciidanka AMISOM. Dadka reer Puntland oo la yaabay dhawaaqii M. Faroole ee Ciidanka AMISOM ee kediska ahaa, ayaan marnama fahmin in ay ka dhalatay Heshiiska Qoyska M. Faroole iyo Shirkadda Marauder.

Siyaasiyiin, Aqoon yahano, Madax Dhaqameedka iyo dadweyna reer Puntland ayaa arinkan aan fahmin ilaa hadana la daalaa dhacaya xaajadan kedisada ah ee ka soo yeedhay, kelina ku ah M.Faroole iyo ujeedada ka danbeeysa,  hadase waxaa hubaal ah in ay u cadaan doonto, meesha sheekadu ka xidhmi la’dahay iyo arinkan Ciidanka AMISOM ee mar keliya M. Faroole kelidiis naadiyey “Meeshii Shacabka Xalaasha ah ee Mudug/Puntland lagu Shirqoolayey ILAAHA WEYN een waxba ka qarsoonayn soow ma joogin!”.

  1. Aagga Labaad: SOOL/HOLHOL. Ayadoo Gobolada SSC ay dhaxal wareegeen oo aanay sir iyo wax qarsoon ahayn in Maamulka Puntland siiba M. Faroole ka gaabiyey soo celinta Laas Caanood iyo dhulka iyo dadka maqan, ayaa hadana shacabka reer Puntland ay kediso iyo fajac ku noqotay inay maqlaan Khudbadii M. Faroole u yeedhiyay M. Kuxigeenkiisa oo uu subaxii Ciid-ul-adxada M.K. Cabdisamad Cali Shire ku hadaaqay in Puntland soo celin doonto dhulkaa sii dhaxal wareegaya. Khudbadaa iyo firfircoonidaa cusub, ayaa xaqiiqdii waxaa ka danbeeyey heshiiska M. Faroole iyo Shirkadda cusub oo dawlada Puntland ka dalbatay inay dhulkaa isaga ah soo ceshato horta, si ay u hantido lacagta faraha badan oo loo balan qaaday, hadii kalese ay shirkadu la heshiin doonto dawladda Hargeysa!
  1. Aagga Saddexaad: Las Khorey – Ras Gardafui.  Iyadoo  Puntland la ciir ciirayso arimaha amaan darada, dagaalka soo noq noqanaya ee beelaha walaalaha ah ayna hurinayso arinka khayraadka oo Puntland mar hore iyo hadaba ku fashilantay inay maareeyso, iyadoo ay badantahay hadal haynta shirkadaha jooga dalka oo aan hadafkoodu iyo ujeedadoodi cadayn, sida SARACEN, ayaa heshiiska M. Faroole iyo Shirkada Marauder lagu xusay in shirkadaha khaaska ah sida SARACEN ee khibrada iyo aqoonta u leh cabudhinta beelaha Afrikaanka ah ee kacdoonka sameeya, wadamo badana soo tir tiray beelo fara badan, ayaa heshiiskan cusub ee isaga ahi xusayaa in ay arimaha amniga loo idmaday SARACEN, taas oo ay ku qanacday shirakadda Marauder taas oo sahashay in lagu heshiiyo dhulka gadistiisa iyo in qoyska M. Faroole ay helaan lacagihii ay dalbadeen.

 

Heshiiska khaaska ah ee M.Faroole iyo Shirkadda Marauder ayaa ah xaajo aan ugub ku ahayn Puntland, iyadoo reer Puntland hore wax badan uga soo arkeen shirkadaha hadba Qoyska maamulka Puntland markaa ay  heshiisyo qarsoon la soo galaan, hase yeeshee waxaa hubanti ah, in takri falka iyo awood maroorsiga aan loo aabbo yeelin ku soo noq noqanayo Puntland, hadana marayso meeshii ugu darayd ebid, dawlad goboleedkii Puntland na u xiib siibatay, JUST FAROLE FAMILY AFFAIRS! ahna badheedh iyo ismiidaamin aan hore loo arag.

Guntii iyo gabagabadii: Waxaa isa soo taraya dhacdooyinka xad dhaafay oo ay maalin walba qoyska reer Farole sida xaq darrada ah ugu takri falayaan Puntland. Waxaa taa kasii daran iyo yaab iyo amakaag leh sida ay arrimahan uga aamusan yihiin odayaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dhammaan bulshada reer Punltland. Waxaa werwer weyn laga qabaa raadka arrimahani ku yeelan karaan mustaqbalka, nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland.

Dhacdadii ugu horeeysay waxay ka dhacday Mareero-Boosasso, taasoo shirkada SARACEN iyo beesha degta Mareero fooda is dareen laba casho ka hor, iyadoo dhaawac saddex qof sababtay. Bal waan dhowrna caqiibada ay reebto maal jacaylka reer Farole iyo aamusnaanta reer Puntland…..!

Full story: puntlandpress.net/Media  

Madaxweynaha Puntland oo laga codsaday inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo saxaafadda (SAWIRRO)

Khamiis, November 17, 2011 Nairobi , Kenya – Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa si isku mid ah uga murugooday xabsiga loo gaystay Camera mankii telefishinka Somali Channel Mahad Cabdi Cali, kaasoo ilaa iyo hadda aan xabsi lasoo taagin.

Kulan ay isugu yimaadeen wariyayaasha oo lagu qabtay hotelka Grand Royal ayaa looga dalbaday madaxweynaha DG Punland C/raxmaan Maxamed Faroole  inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo saxaafadda oo soo noqnoqday tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Yaasiin Isxaaq oo ka mid ahaa saxafiyiintii Puntland mudada dheer kasoo shaqeeyay, kaasoo ay dhaawac u gaysteen ciidamada ammaanka ee Puntland hadana ay xabsiga u taxaabeen sanadii 2009-kii.

Waxaana uu Maxamed ka hadlay tacadiyadii loo gaystay oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo uusan ka filayn madaxweyne Faroole oo uu sheegay markii uu ku jiray ola-olaha doorashada inuu ballan qaaday xorriyada saxaafada.

Jaamac Fayte oo isna kamid ah wariyayaasha xabsiga loo gaystay intii uu Puntland ka shaqaynayay ayaa tilmaamay inuu kasoo qaxay cadaadiska uga yimid maamulka, isagoo sheegay in reerkiisii uu ka dayacmay isla markaana uu ku dhibaatooday qurbaha.

C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah aasaasayaashii taleefishinka Somali Channel  ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay wariyaha ay xireen soo taagaan maxkamad hadiiba ay jirto dambi ay ku haystaan.

“Hadii qofka dacwad lagu haysto maxkamad ayaa la geeyaa, laakiin waxaa tacadi ah in qof aan waxba galabsan xabsi la isaga hayo iyadoon cadaalada la horkeenin”. Ayuu yiri C/shakuur.

Xassan Kuuriya oo kamid ahaa wariyayaashii hore ee qaranka ayaa isna ka codsaday madaxweyne Faroole inuu cadaadiska ka daayo wariyayaasha.

“Wariyayaasha waxaan leenahay laftigiinu samaysta cid idiin dooda oo xuquuqdiina ilaalisa, awood ayay leedahay warbaahintu, mana ahan in cid walba ay isaga xadgudubto wariyayaasha”. Ayuu yiri Xassan Kuuriya oo ku dheeraaday waanooyin uu u jeedinayay warbaahinta.

Tan iyo markii uu madaxweyne Faroole majaraha u qabtay maamulka Puntland ayaa waxaa si is daba joog ah loo beegsanayay wariyayaasha ka hawlgala deegaanada hoostaga maamulkaasi, iyadoo ay dawladu ku eedayso inay faafiyaan waxyaabo khatar ku ah xasiloonada Puntland, eedayntii ugu dambaysana waxaa loo jeediyay taleefishinada Somali Channel iyo Universal Tv oo la xiray xafiisyadoodii ay ku lahaayeen Garoowe.

 

Sawir Qaadihii Somalichanel Tv ee Magaalada Garoowe oo Xabsiga Loo Taxaabay

Tuesday, November 15th, 2011 – Dawlada Puntland ayaa xabsiga dhigtay Mahad Cabdi Cali oo katirsan TVga Somalichannel Qaybtiisa Garowe .

Mahad Cabdi ayaa katirsanaa Shaqalaha TVga mana shaacin Dawlada ujeeda dhabtaa ee kadanbaysa xariga suxufigan balse horay ay Dawlada xanibaad dul dhigtay Somalichannel iyo Universal waxaana loo badinayaa xariga wariyaha in ay ka amardiideen qoraalka Dawlada ka soo saartay.

Dawlada Puntland mashaacin xariga wariyaha waxaasa laga soo xigtay xafiiska Somalichannel ee Garowe waxaana ay cadeeyeen in xabsiga loo taxaabay saxafigan katirsan xaruntooda.

TVga Somalichanal ayaa horay Dawlada u sheegtay in uu ka shaqeeyo bur burinta Puntland gacan saarna laleeyahay Alshabaab waxaana amarka Dawlada ka soo saartay kadib uu buun buuninayay wararka lidiga ku ah xukumada Puntland.

=================================================================================

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo lagu soo dhaweeyay dalka Norway

 

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo booqasho shaqo ku jooga Norway ayaa Axadii 13.11.2011, waxaa uu xaflad heer sare loo soo agaasimay kula qaatay jaaliyada Soomaalida ee Oslo iyo agagaarkeeda.

Wasiirka ayaa si aad ah loo soo dhaweeyey, iyadoo dhamaan dadka ay wajiyadooda ka muuqatay farxad gaar ah, maadaama uu wasiirkani ahaa mid Oslo dagaanaan jiray.

Wasiirka caafimaadka Dr, Cali Cabdullahi Warsame wuxuu ka mid ahaan jiray jaaliyada soomaalida reer Oslo, intii uusan Malaysia u wareegin sanadkii 2002-dii, waxaana uu aad ugu faraxay in uu kulan nocaan oo kale ah la qaato jaaliyada reer Oslo iyo nawaaxigeeda.

Kulanka ayaa lagu bilaabay aayado quraan ah oo uu akhriyay Gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada Soomaaliyeed – Somaali Youth Network (SYN) Cawil Abdirahman (Cawil Kalaay), ka dibna waxaa xafladda si rasmi ah u furay Gudoomiyaha isla ururkaas Abdirabbi Mohammed Kilwe oo ka hadlay, sababaha ururkaan loo aasaasay, himilooyinka uu hiigsanayo iyo mawduuca kulankaan.

Abdirabbi wuxuu sharaxay Ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ururkaan loo aasaasay in uu wax ka qabto waxyaalo aad iyo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin, waxbarashada, caafimaadka iyo isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka yimid degaanka Puntland. Wuxuu kaloo cadeeyey Abdirabbi in uusan kulanka maanta uusan ahayn mid siyaasadeed, ee yahay mid looga hadlayo arimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka iyo tacliinta.

Intaas ka dib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyey wasiirka caafimaadka Puntland Dr Ali Abdullahi Warsame, isagoo marakan ka hadlay waxbarashada. Dr Ali oo ah khabiir ku takhakhusay tacliinta iyo manhaj dajinta, ayaa sheegay aad iyo aadna ugu booriyay dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed in ay wax bartaan, sababtoo ah kaliya markaas ayaa wadan la hor marinkaraa oo uu qofku noqonkaraa, mid wax soo saara.

Dr Ali wuxuu kaloo ka sharqamiyay waxbarashada in ay sii kala muhiim san tahay, gaar ahaan marka laga hadlayo wadankeenii soomaaliya. Wasiirku wuxuu bogaadiyay in ay wanaagsan tahay in waxbarashada farsamada la barto, sababtoo ah wakhti dheerna maahan, waana xirfad qofku ku shaqaysan karo, isagoo aan wakhti badan isaga bixin.

Xafladaas ayaa waxaa kaloo ka hadlay Karar Shukri Dhoomey, Gudoomiyaha ururka Daryeel, isagoo si aad ah u sii dhaweeyey wasiirka, sheegayna in wasiirku yahay nin mudan in lagu deydo. Sidoo kale wuxuu dhoomey amaan iyo bogaadin u soo jeediyey dhamaan qabanqaabiyayaashii iyo dhalin yaradii soo agaasintay xafladaan quruxda badan, halkaasna hawsha ka sii wadaan, si aan u noqono dad wax qabsada oo karti ku leh wadanka aan daganahay.

Waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha ururka hooyooyinka iyo caruurta Sahra Shiino, oo amaan u soo jeedisay wasiirka soo dhawaysay.

Shucuurta dadka ayaa aad u kacday, ka dib markii ay indhiisa ilmo ku soo joogsatay Sultaan Bashir oo ka sheekeeyey taariikhdii SYL iyo dhalinyaradii hogaaminaysay. Bashiir ayaa arinkan xasuustay markuu arkay quruxda xafladaan iyo sida aad iyo aadka u saraysa oo loo soo agaasimay iyo ururka wax ka soo agaasimay oo magaciisa la yiraahdo SYN marka la soo gaabiyo.

Bashiir ayaa qaaday heesta wadaniga ah ee SOOMAALIYEED TOOSOO, TOOSOO ISKU TIIRSA EEY, markaas ayaa dhamaan waxaa isataagay dhagaystayaashii iyagoo dhamaantood qaaday SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSOO ISKU TIIRSADA EEY.

Birir yar, cunto fudud iyo cabitaan ka dib ayaa xafladii meesheedii ka sii socotay, iyadoo ay qudbado soo jeediyeen odayaasha jaaliyada soomaalida ee oslo iyo nawaaxigeeda.

Mar kale ayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Ali Abdullahi Warsame, lagu soo dhaweeyey mikrofoonka, isagoo markaan ka hadlay caafimaadka. Dr Ali ayaa si qotodheer uga hadlay xaalada caafimaad ee guud ahaan soomaaliya, gaar ahaana Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in Puntland caafimaadkeedu hadda meel fiican marayo oo marba marka ka danbaysa ka soo fiicnaanayo.

Wasiirka wasaarada caafimaadka ayaa sheegay in uu gabi ahaanba dib u habayn ku sameeyey wasaarada caafimaadka ka dib markuu la wareegay xafiiska. Dr Ali wuxuu ka warbixiyey wax qabashada wasaaradiisa, isaga oo sheegay in wasaaradu ku jirto kuwa ugu waaweyn wasaaradaha, tahay wasaarada la aamin san yahay in ay tahay midda ugu tayada wanaagsan.

Wasiirku wuxuu kaloo ka warbixiyey sida u damacsan yahay in uu u kobciyo xarumaha caafimaadka puntland. Balse wasiirku wuxuu kaloo sheegay in ay Guud ahaan soomaaliya ay haysato dhibaato ah, in dhakhaatiirtu ku yartahay, isagoo tusaale u soo qaatay, puntland oo uu wasiirku sheegay in ay joogaan oo kaliya 101 doctor, badankoodu aysan lahayn takhakhus gaar ah.

Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay in aysan haysan ama aysan u dhamayn qalabka caafimaadka oo aasaasiga ah, tusaale, soomaaliya oo dhan waxaa laga waayay mashinka sanka iyo afka looga xiro marka qofka la qalayo (Osygen generater), sidaa darteed aan la qalikarin dad badan, sida caruurta 5 sano ka yar, waayo naftooda ayaa khatar galaysa.

Tusaale wuxuu wasiirku u soo qaatay, gabar Australia kala timid haan yar oo Oksijiin ah. gabadhaas waxay haantaas yar ku badbaadisay 36 caruur ah iyo hooyooyinkood. Intaas ka dib wasiirku wuxuu ku booriyey qurbajoogta soomaaliyeed in ay fadhiga ka kacaan oo ay wadankii wax la qabtaan, maadaama aysan jirin dawlad qabaynaysa ama hanqab tiraysa baahida bulshada.

Xafladaan ayaa kicisay shucuurta dhamaan dadkii ka soo qayb galay rag iyo dumarba, waxaana lagu balamay in mashinkaas insha allah jaaliyada Norway ay ka qayb qaatado amaba gato isaga oo dhan, waxaanaa loo xilsaaray mashruucaas Ururka isku xirka dhalinyarada soomaaliyeed ama Somali Youth Network iyo Gudoomiyaheeda Abdirabbi Mohammed Kilwe.

Qabanqaabiyayaasha xafladaan waxay u mahadcelinayaan dhamaan intii nagu caawisay in ay qabsoonto xafladaani. Gaar ahaan waxaan mahad gaar ah u celinaynaa Xiriiriyaha barnaamijka Ahmed Khadar Looyaan.

Muqdisho roadmapka Maxaa looga Qadiyay ??

 

Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio waxaa laga galay danbi kiisa ugu weeyn akhristow milicso :arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka.

Muqdisho oo ah caasimada dalka Somali ahna gobolada ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ayaa waxaa laga qadiyay in aay ka qeeybgasho shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay aayna ka soo baxday waxa manta loo yaqaan roadmapka,heshiiska oo aay wada gaareen Puntland,Galmudug dowlada dhexe iyo Ala suna waljameeca ,hadaba Muqdishoo oo aheeyd hooyadii gogashii shirka miyeey mudneeyd in laga qadiyo meesha looga hadlayay masiirkii dalka ee berito ?? intaba waxaa aay tahay cadaalo daro xoog badan oo aanan marna loo dulqaadan karin,sow lama dhihi karo akristow Sheekh Shatriif cadaalo daro xoog badan ayeey ka tirsanayaan reer Muqdisho ka qadinta laga qadiyay ka qeeybgalka wada-tashiga masiirka dalka ee berito ?? lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso Garowe qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta,Muqdisho waxaa aay leedahay siyaasiyiin,aqoon yahayn,indheergarad cuqaal maxaa diiday in aay wax ku lahaadaan shirka wadatashiga ?
Arimaha dhaqaalaha Muqdisho 

Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ?? r/waasaha heebta uu ka soo jeedo 1% ma siiyaan dowlada dhexe,Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,canshuuraha dhawaan laga bilaabayo Muqdisho waxaa mudan in lagu horomariyo Muqdisho,dowlada dhexe waxaa quman in aay gobolada dalka si siman aay ugu cadaalo fasho,Wasiirka Beeraha Puntland   ayaa heshiis la sixiixday wasiirka dowlada dhexe ee Beeraha sow cadaalo daro iyo hagardaamo cusub maaha,dhulii beeraha lahaa ee labada webi dadkii degenaa maxaa diiday in loo muujiyo waxqabad laguna heshiiyo horumarka Beeraha goboladaa,Shariif umada Somali waa aay arkeeysaa waxa aad u horseeday fadlan soo celi cadaalada iyo sinaanta umada Somali,haddii kale aduunyo iyo aaqiro beel ayeey kuu tahay waxa aad ku dhex jirtid.

Qarka waxaan ka taaganahay Xareed waana qadayaaye, Qarashaan saxiixaa anigoo qabihi weeydiine. Qunbaan waardiyeeyaa ninkale Qaadada u sito, Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaa. ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo ku dhawaad 30 sanno) Shraiifow Qunbaad waardiyeeysaa ninkale Qaadada u sito haddii aay tahay fadalan shacabka waa ku arkaa.

Muqdisho:Wasaaradaha Beeraha Puntland iyo TFG oo heshiis Wadashaqayneed ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho.

 

14. november 2011  – Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo maalmihii ugu danbeeyey Booqasho rasmi ah ku joogay magaalada  MOGADISHO  islamarkaasna kulamo kaladuwan la qaadanaya madaxda Wasaarada beeraha, Xanaanada xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegey in ay heshiis rasmi ah wada gaareen labada wasaaradood kuwaasoo isku raacay qodobo muhiim ah oo kamid ahaa howlihii uu magaalada Muqdisho u joogay.

Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegey in Wasiirka beeraha ee Soomaaliya ay kawada hadleen arimo badan oo quseeya sidii loo hormarin lahaa iskaashiga labada wasaarada islamarkaasna ay xiriir wada shaqayneed iyo mid gacansiineed oo rasmi ah u wada qaadan lahaayeen Wuxuuna Wasiirku sheegey in Sidoo kalena ay kawada hadleen hormarinta beeraleyda Soomaaliyeed oo uu sheegey inay imika xaalad adag ku shaqeeyaan uuna dhib badan la kulmo wax soo saarkoodu.

Wasiirka ayaa APL u sheegey in ay labada dhinac wada gaareen 6-Qodob oo kasoo baxay Kulamadii ay maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac Muqdisho ku qaadanayeen kuwaasoo kala ahaa sidan:-

1- In labada wasaaradood iska kaashadaan la xisaabtanka hayadaha deeqaha bixiya ee ka shaqeeya arimaha beeraha kana howlgala Somalia.

2- In labada wasaaradood ay yeeshaan kulamo joogta ah si loo dardar geliyo habsami u socodka shaqooyinka wasaaradaha.

3- In wasaaradaha ay is dhaafsadaan wixi macluumaad ah oo la xiriira dhanka beeraha.

4- In labada wasaaradood ay yeeshaan wada tashi joogta ah sida safarada shirarka caalamiga ah ee dhanka beeraha.

5- In labada wasaaradood sameeyaan wacyigelin ku saabsan dhinaca beetaha, tababarna loo fidiyo beeraleyda Soomaaliyeed meelkastooy joogaan si kor loogu qaado wax soo saarkooda.

6- In wixii deeq caam ah ee dhinaca beeraha kuna yimaada magaca TFG [DKMG] in wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland ay ku yeelato saamigeeda.

Dhanka kalena Wasiirka Beeraha ee Puntland ayaa sheegey in weli ay socdaan kulamo kale oo uu la qaadanayo saraakiisha ay wadashaqaynta leeyihiin kuwaasoo uu sheegey inay arimo badan kawada hadlaan Waxaana uu sheegey in maalmaha soo socda uu soo dhamayn doono booqashada uu joogo magaalada Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay in ay ka rajaynayaan inay si wanaagsan kusoo dhamaato Waxaana uu kani uu noqonayaa xiriirkii ugu balaarnaa ee ay abid Puntland iyo TFG ka gaaraan dhanka iskaashiga iyo hormarinta Beeraha.