Muqdisho:Wasaaradaha Beeraha Puntland iyo TFG oo heshiis Wadashaqayneed ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho.

 

14. november 2011  – Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo maalmihii ugu danbeeyey Booqasho rasmi ah ku joogay magaalada  MOGADISHO  islamarkaasna kulamo kaladuwan la qaadanaya madaxda Wasaarada beeraha, Xanaanada xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegey in ay heshiis rasmi ah wada gaareen labada wasaaradood kuwaasoo isku raacay qodobo muhiim ah oo kamid ahaa howlihii uu magaalada Muqdisho u joogay.

Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegey in Wasiirka beeraha ee Soomaaliya ay kawada hadleen arimo badan oo quseeya sidii loo hormarin lahaa iskaashiga labada wasaarada islamarkaasna ay xiriir wada shaqayneed iyo mid gacansiineed oo rasmi ah u wada qaadan lahaayeen Wuxuuna Wasiirku sheegey in Sidoo kalena ay kawada hadleen hormarinta beeraleyda Soomaaliyeed oo uu sheegey inay imika xaalad adag ku shaqeeyaan uuna dhib badan la kulmo wax soo saarkoodu.

Wasiirka ayaa APL u sheegey in ay labada dhinac wada gaareen 6-Qodob oo kasoo baxay Kulamadii ay maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac Muqdisho ku qaadanayeen kuwaasoo kala ahaa sidan:-

1- In labada wasaaradood iska kaashadaan la xisaabtanka hayadaha deeqaha bixiya ee ka shaqeeya arimaha beeraha kana howlgala Somalia.

2- In labada wasaaradood ay yeeshaan kulamo joogta ah si loo dardar geliyo habsami u socodka shaqooyinka wasaaradaha.

3- In wasaaradaha ay is dhaafsadaan wixi macluumaad ah oo la xiriira dhanka beeraha.

4- In labada wasaaradood ay yeeshaan wada tashi joogta ah sida safarada shirarka caalamiga ah ee dhanka beeraha.

5- In labada wasaaradood sameeyaan wacyigelin ku saabsan dhinaca beetaha, tababarna loo fidiyo beeraleyda Soomaaliyeed meelkastooy joogaan si kor loogu qaado wax soo saarkooda.

6- In wixii deeq caam ah ee dhinaca beeraha kuna yimaada magaca TFG [DKMG] in wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland ay ku yeelato saamigeeda.

Dhanka kalena Wasiirka Beeraha ee Puntland ayaa sheegey in weli ay socdaan kulamo kale oo uu la qaadanayo saraakiisha ay wadashaqaynta leeyihiin kuwaasoo uu sheegey inay arimo badan kawada hadlaan Waxaana uu sheegey in maalmaha soo socda uu soo dhamayn doono booqashada uu joogo magaalada Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay in ay ka rajaynayaan inay si wanaagsan kusoo dhamaato Waxaana uu kani uu noqonayaa xiriirkii ugu balaarnaa ee ay abid Puntland iyo TFG ka gaaraan dhanka iskaashiga iyo hormarinta Beeraha.

Posted on November 14, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: