Madaxweynaha Puntland oo laga codsaday inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo saxaafadda (SAWIRRO)

Khamiis, November 17, 2011 Nairobi , Kenya – Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa si isku mid ah uga murugooday xabsiga loo gaystay Camera mankii telefishinka Somali Channel Mahad Cabdi Cali, kaasoo ilaa iyo hadda aan xabsi lasoo taagin.

Kulan ay isugu yimaadeen wariyayaasha oo lagu qabtay hotelka Grand Royal ayaa looga dalbaday madaxweynaha DG Punland C/raxmaan Maxamed Faroole  inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo saxaafadda oo soo noqnoqday tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Yaasiin Isxaaq oo ka mid ahaa saxafiyiintii Puntland mudada dheer kasoo shaqeeyay, kaasoo ay dhaawac u gaysteen ciidamada ammaanka ee Puntland hadana ay xabsiga u taxaabeen sanadii 2009-kii.

Waxaana uu Maxamed ka hadlay tacadiyadii loo gaystay oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo uusan ka filayn madaxweyne Faroole oo uu sheegay markii uu ku jiray ola-olaha doorashada inuu ballan qaaday xorriyada saxaafada.

Jaamac Fayte oo isna kamid ah wariyayaasha xabsiga loo gaystay intii uu Puntland ka shaqaynayay ayaa tilmaamay inuu kasoo qaxay cadaadiska uga yimid maamulka, isagoo sheegay in reerkiisii uu ka dayacmay isla markaana uu ku dhibaatooday qurbaha.

C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah aasaasayaashii taleefishinka Somali Channel  ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay wariyaha ay xireen soo taagaan maxkamad hadiiba ay jirto dambi ay ku haystaan.

“Hadii qofka dacwad lagu haysto maxkamad ayaa la geeyaa, laakiin waxaa tacadi ah in qof aan waxba galabsan xabsi la isaga hayo iyadoon cadaalada la horkeenin”. Ayuu yiri C/shakuur.

Xassan Kuuriya oo kamid ahaa wariyayaashii hore ee qaranka ayaa isna ka codsaday madaxweyne Faroole inuu cadaadiska ka daayo wariyayaasha.

“Wariyayaasha waxaan leenahay laftigiinu samaysta cid idiin dooda oo xuquuqdiina ilaalisa, awood ayay leedahay warbaahintu, mana ahan in cid walba ay isaga xadgudubto wariyayaasha”. Ayuu yiri Xassan Kuuriya oo ku dheeraaday waanooyin uu u jeedinayay warbaahinta.

Tan iyo markii uu madaxweyne Faroole majaraha u qabtay maamulka Puntland ayaa waxaa si is daba joog ah loo beegsanayay wariyayaasha ka hawlgala deegaanada hoostaga maamulkaasi, iyadoo ay dawladu ku eedayso inay faafiyaan waxyaabo khatar ku ah xasiloonada Puntland, eedayntii ugu dambaysana waxaa loo jeediyay taleefishinada Somali Channel iyo Universal Tv oo la xiray xafiisyadoodii ay ku lahaayeen Garoowe.

 

Posted on November 17, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: