Dab khaasre xoog leh uu ka dhashay oo Xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya…

 

Warar ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in dab khasaare xoogan geystay uu xalay abaare 9-kii fiidnimo uu ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, kaas oo socday muddo ku dhow 3-saac oo xiriir ah, iyadoo dadkii isku soo baxay ay markii hore dimin waayeen, inkastoo ay markii dambe ku guuleysteen.

Dabka ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo weliba khasaare aad iyo aad u weyn oo soo gaaray Hantidii taalay Suuqaasi, waxaana inta la xaqiijiyey dabkaasi ku geeriyooday 1-hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen ila 4-ruux sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Isbitalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana ay intaasi ku dareen inay khasaaraha dhimashada iyo qaar ka mid dadka dhaawacmay ay ka dhasheen rasaas la riday intii uu dabku socday, inkastoo ay jiraan dad kale oo ku dhawaacmay dabkii ka kacay suuqa weyn magaalada Boosaaso.

Gebi ahaanba Suuqa ayaa uu saameeyay dabka mudo ku siman 2-saac iyo Bar oo uu soconayay, waxaana gurmad xoog leh oo lagu daminayey dabkaasi xalay sameeyey dadweynaha Boosaaso iyo kuwa hantida ku lahaa ooinkaastoo ay adkaatay in la damiyo dabkaasi.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka ayaa gaaray goobaha suuqa ee gubaneyay waxaana ay masuuliyiinta kala hadlayeen idaacadaha dadweynaha iyagoo intii uu socday dabka ka codsanayay in ay la soo gaaraan gaadiidka cul culus ee wax lagu bur buriyo iyo kuwa daabula biyaha amam dab damisyada.

Posted on December 3, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: