Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu xiray garoonka diyaarada dalka Kenya, ka dib markii…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in wasiir ka tirsan maamulka la baxay Somaliland lagu xiray garoonka diyaaradaha degmada Wajeer ee dalka Kenya, ka dib markii laga helay wasiirka sida ay sheegeen ciidamada booliska dalka Kenya waxyaabaha qarxa.

Sida warku sheegayo ciidamada booliska degmada Wajeer ayaa xabsi ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha degmada Wajeer waxay ku xireen Wasiir beeraha iyo xanaanada xoolaha xukuumadda Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ka dib markii ay shandadiisa ama boorsadiisa laga helay baastoolad, taas oo keentay in la xiro wasiirka, lagana reebo diyaaradddii uu la socday.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Mr. Faarax Cilmi oo Salaasadii todobaadkii hore ka ambabaxay madaarka Hargeysa ayaa la sheegay inuu shandadiisa gaarka ah ku iloobay Baastoolad uu leeyahay maadaama oo aan wasiirada iyo mudanayaasha Baarlamaanka la baarin marka ay garoomada Somaliland ka dhoofayaan, balse ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha degmada Wajeer ee dalka Kenya ay baareen boorasadiisa ayna ka arkeen bastoolad, taas oo keentay inay xabsi dhigaan, isla markaasna ay ka reebaan diyaaraddii uu la socday wasiirka oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin xarigga loo geystay wasiirkooda beeraha iyo xanaanada xoolaha, inkasto warar hordhac ah oo ka soo baxay xarigga wasiirka ay sheegayaan in haatan uu wadahalo u socdo maamulka Somaliland iyo dowladda Kenya, kaas oo ku aadan sidii wasiirka lagu sii deyn lahaa.

Posted on December 3, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: