Xarunta maamul goboleedka Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo xalay saqdii dhexe bambooyinka gacanta lagu weeraray

Wararka naga soo gaaraya woqooyiga magaalada Gaalkacyo e gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe kooxo hubeysan ay qaraxyo ku weerareen xarunta maamulka Puntland ee halkaas ku taala, iyadoo ciidamada ilaalada ka ahaa goobtaasna ay fureen rasaas fara badan oo jihooyin kala duwan ay u rideen.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa ku dhacay xarunta maamulka Puntland uu ku leeyahay woqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo kooxihii weerarkaas geystayna ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen sida wararku ay sheegayaan, waxaana qaraxyadaas daryankooda laga maqlay magaalada Gaalkacyo guud ahaan.

Markii ay qaraxyadaas dhaceen ka dib ayaa ciidamada amaanka maamulka Puntland waxay soo gaareen goobtaas, iyagoo bilaabay iney hareeraha xaruntaas ka sameeyaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyey oo baxsaday, waxayna howlgalkaas ku soo qabqabteen tiro dad ah oo la tuhunsan yahay.

Inkastoo uusan jirin war ku saabsan qaraxyadaas oo ka soo baxay masuuliyinta maamulka Puntland ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in qaraxyadaas ay ku dhaawacmeen labo ruux oo ka mid aha shaqalaha xaruntaas, iyadoo sidoo kale burbur kooban uu soo gaaray qeybo dhismaha xaruntaas.

Weerarkan bambaano ee xalay lagu qaaday xarunta maamulka Puntland uu ku leeyahay woqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa qeyb ka ah weeraro is daba joog ah oo mudooyinkanba lal beegsanayey xarumaha, ciidamada saraakiisha iyo masuuliyinta maamulka Puntland ee ku kala sugan magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, kuwasoo aysan jirin cid sheegatay hase ahaatee maamulka Puntland uu ku eedeeyey iney ka dambeyaan xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Somalia.

Posted on December 6, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: