Admiral Kelly “Waa dhab in burcad badeedu ay xoogsanaayeen, waxaan ku xisaabtameynaa waqtiga iyo inta ciidamadayadu ay ku qaadan karto soo afjaritaanka khatarta burcadbadeeda Soomaalida”

Admiral Kelly “Waa dhab in burcad badeedu ay xoogsanaayeen, waxaan ku xisaabtameynaa waqtiga iyo inta ciidamadayadu ay ku qaadan karto soo afjaritaanka khatarta burcadbadeeda Soomaalida”
Ciidamada caalamiga badda ee Howlgalka Atlanta ayaa sheegay in ay wiiqeen weeraradii burcadbadeeda Soomaalida.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegtay in weeraradii kooxaha burcadbadeeda Soomalida ay hoos u dheceen tan iyo bishii November ee sanadkan iyadoo la diiwaan galiyay 12 weerar oo lagu qafaashay maraakiib kala duwan halka qaarkamida iskudayadaasi ay sameeyeen burcadbadeedana ay fashiliyeen ciidamada caalamiga, tirade weeraradan ee la sheegay in ay is dhimeen ayaa la sheegay in heerka weeraradu ay aad uga badnaayeen sanadkii hore.

Hase ahaatee Admiral Kelly ayaa qaba in hoos u dhaca kooxaha burcadbadeedu ay keentay ugaarsiga ciidamada caalamiga ah ee ka kalasocda dalalka reer Yurub iyo wadamada India, Shiinaha, iyo Japan.

“Weerarada burcadnimada ah ee lagu afduubto dadka iyo maraakiibtaba aad bey hoos ugu dheceen hada, iyagana waxay la kulmeen caqabado waaweyn oo ka heysta in ay iska difaacaan ciidamadeena, ayuu yuu yiri Admiral Kelly.

“Waa dhab in burcad badeedu ay xoogsanaayeen, waxaan ku xisaabtameynaa waqtiga iyo inta ciidamadayadu ay ku qaadan karto soo afjaritaanka khatarta burcadbadeeda Soomaalida” ayuu yiri Kelly oo sidoo kale sheegay in marka lagaaro xagaaga Mansuunka ay hadana wax ibadali doonaan.

“Burcadbadeedu waxay ka faa’iideystaan waqtiyada xagaagga ama ay jiraan hawa curanka, marka la gaaro waqtiga maansoonka waxaa la filayaa in weerarada burcadbadeedu ay intaas ka bataan oo ay noqoto xaaladu mid intaa ka fac weyn, ayna isa soo taraan weerarada burcadbadeeda ay kula kacaan maraakiibta goosheysa.

Dhanka kale Badweynta Hindiya iyo Biyaha caalamiga ah ee ka durugsan xeebaha wadanka Somaliya ayuu intaasi ku daray Adminiral Kelley oo katirsan saraakiisha ciidamada bada ee dalalka reer Yurub ee ilaalinaya badweynta Hidiya, Badacas, Gacanka cadan, iyo xeebaha wadanka Somaliya.

Posted on December 7, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Badweyn Chating Click here
    Burcad Badeeda Soomaalida oo Lagu baacsan doono Dhulka.

    Wasiirka gaashaandhigga Jarmalka Thomas de Maizière ayaa sheegay in uu Midowga Yurub ka fikirayo qorshe ku aaddan in howlgalka la-dagaallanka burcad badeedda Soomaalida lugu baahiyo dhinaca dhulka, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan maraakiibta isticmaasha badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

    Thomas de Maizière ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ay hoggaaminta howlgalka la magac baxay Atalanta kula kala wareegayeen ciidamada badda ee dalalka Jarmalka iyo Spain oo ka dhacday gurada markab lugu magacaabo Ms Bayern oo ay leeyihiin ciidamada badda Jarmalka, kaas oo ku sugan xeebaha dalka Jabuuti.
    Muddada howlgalka Atalanta ayaa ku eg bisha December ee sannadka 2012-ka, hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Jarmalka ayaa mar wax laga weydiiyay joogitaanka ciidamadooda ee biyaha Soomaaliya wuxuu sheegay in uusan saadaalin karin inta ay joogayaan, balse laga yaabo sanado kale inay ku sii negaadaan.
    Sarkaal dhanka warfaafinta u qaabilsan ciidamada badda Jarmalka ee qaybta ka ah hawlgalka Atalanta oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhankiisa qiray in aysan ciidamdoodu awoodin in ay biyaha Soomaaliya ka ciribtiraan burcad badeedda, hase yeeshee ku talagalkooda muddada dheer uu yahay in la dhimo howlaha burcad badeedda ay ku carqaladeynayaan maraakiibta shisheeye.
    Howlgalka Atalanta ee la-dagaallanka burcad badeedda Soomaalida ayaa 4-tii biloodba waxaa haya mid ka mid ah 7-da dal ee ciidamada ugu deeqay howlgalka la magac baxaya Atalanta ee Midowg Yurub.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: