Madaxweyne Faroole : “Dilka Sheekha waxa uu ahaa mid qorsheysan oo laga soo go’aamiyay shirkii kooxda Aragagaxisada ah ay ku yeelatay magaalada Baydhaba..”

Madaxweyne Faroole : “Dilka Sheekha waxa uu ahaa mid qorsheysan oo laga soo go’aamiyay shirkii kooxda Aragagaxisada ah ay ku yeelatay magaalada Baydhaba..”

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan sheekh Maxamuud Faroole ayaa ku eedeeyay dilkii Sheekh C/raxmaan inay ka danbeeyaan koxda Al-shabaab.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid laga soo go’aamiyay kula maalin ka hor kooxdaasi ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, waxaana uu xusay in la yaqaano cidii ka danbeysay dilka Sheekh C/raxmaan oo caanka ahaa Soomaaliya kaasoo shalay lagu dilay magaalada Boosaaso.

“Dilka Sheekha waxa uu ahaa mid qorsheysan oo laga soo go’aamiyay shirkii kooxda Aragagaxisada ah ay ku yeelatay magaalada Baydhaba, waana naqaanaa cida dilkiisa ka danbeysay” ayuu yiri Madaxweynaha maamul goboleeka Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntlnad inay ka hortagaan kooxda caadeysatay inay laayaan dadka birimagydaada ah, waxaana uu xusay in dagaalka lagula jiro argagaxisada ay ugu horeyso ka qeybqaadashadiisa dowlada Puntland.

“Ninki asaagiisa loo xiirow adiguna soo qoyso,waa inaan is qabanaa kooxdaasi intii ay noo dhameyn” ayuu yiri Madaxweynaha maamul goboledka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo ka tacsiiyay dilkii Allaha u naxariistee loo geystay Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa mashaa’ikhda Soomaaliyeed.

Posted on December 7, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: