Xubnihii Golihii sare ee kacaankii 21ka Oktoobar Soomaali ma aha miyaa?

MAXAASE  DIIDAAYA  IN  AAN  KA  DUCAYSANNO, KALANA  TASHANNO  XAALADAHA  RAGAADAY  EE SOMALIYA?

Dawladdii sida sahlan ula wareegtay xukunka dalka Soomaaliya 1969kii, ayna hoggaaminayeen Saraakiil Sare oo ka mid ahaa ciidammadii qalabka siday ee Soomaaliya waxaa majaxaabiyey  cadoowyo dibadeed oo isbahaystay oo durbaan been ah oo lagu ba’ay u garaacay kooxo Soomaaliyeed oo ka indhola’aa shirqoolkii loo maleegay 1991dii.

Madaxdii dalku markay xaqiiqsadeen in uu jiro gedood koox yar oo aan garaadkoodu ku fillayn, cadoowyaduna caqliga ka xadeen, aadna u marinhabaabiyeen aayihii ummadda, xasiloonidiina ciriir gashay, ayey si fudud uga baxeen dalka subax.

Ma ahayn arrin ugub ah in dawlad waqtigeedii dhammaaday ay dhacdo, waxaana dhaqanka hagaagsani ahaa in la curiyo xukuumad cusub oo ku timaadda talada iyo rabitaanka shacabka.

Nasiibdarro taasina ma dhicin, caqli taliya iyo aragti sanka caaradiisa ka fogna waa la waayey, waxaana bilowday halaag aan cid damiir damaqadaa kuyaal ka sheekeyn karin, taasoo lagu tilmaami karo uurkutaallo, aafo iyo masiibo adduun oo innoo dhinnayd.

Magac, midnimo, maskax, miyir, maal, maamuus, maslaxad, muwaadin, meherad, muunad, miisaan, muxubbo, muuqaalkii magaaladii Muqdisho iyo Soomaalinimo kama dambayn madaxdii tagtay, waxaana rasmi ahaan u bilowday burburkii dalka oo dhan walba ugu fiday.

Waxaa marti loo noqday masiibooyin ay ka mid ahaayeen, mooryaan, maxaysato, macaluul, madaafiic, moortar, miino, muusannow, malabsi, meehannoow, mooge, mufsid, maanlaawe, maxas, meyd, murugo, marqaan, muleensade, iyo ibtilo ka sii daran.

Kaalintii ay bannaysay xukuumaddii dalka ka carartay waxaa buuxiyey rag reer baadiye liita ah oo timaha madaxu raamo yeesheen, oo aad mooddo kuwo aan weligood xiiran, islaam arag, qubaysan, magaalo arag, qoryo wata, bumbooyin dhexda ugu xiran yihiin, indha-guduudan, feera qaawan, diifi ka muuqato, kabo la’aan ku ordaya, afka Soomaaligana ka yaqaan “YAATAHAY”?

Raggaasi waxay ku socdeen tilmaan, amar iyo dardaaran adag oo ah, ka doonta Xamar doollar, dahab, daaro iyo dahabooyin idiinku diyaar ah, oo dega, dibna ha ugu soo noqonnina duurkaan cidlada ah.

Raggii soo galootiga ahaa ee aan kor ku soo tilmaannay iyo dadkii ay ku kulmeen Muqdisho kulligood warmoog ayey ahaayeen, haddana iyagaa midba midka kale la yaabbanaa, kana baqayey oo khatar u arkaayey, aqoon la’aan, argagax, iyo ka fogaansho fahmidda shirqoolka lala helay iyo sida runta ah ee ay wax u jiraan dartood.

Hal iyo 2 beri kaddib ayaa shacabkii magaalada ee warmoogga ahaa dareemeen in ay ka maqantahay dalka dawladdii iyo nidaamkii kala dambaynta ee ay dugsan jireen, markay waayeen nabad, nolol iyo cid u xilsaaran abniga.

Waxay arkeen in xeeb cidla ah uu gabbal ugu dhacay, galoowguna ku ciyey, ayna la soo gudboonaadeen dhibaatooyin aanay filihayn, weligoodna ku fekerin oo ah ayaandarro weyn iyo oday ka sheekey.

Waxay dib u xusuusteen in ay dawlad ahaayeen muddo 30 sano ah oo uu jiray Qaran Soomaalieed, ayna gacanta ku hayeen xukuumado ay ka deyrin jireen waayadaas, waxayna ku cataabeen, tanoo kale waa: (GORAYOOY GABBAL KUUDHEC).

Madaxdii dalka, gaar ahaan Xubnihii ka mid ahaan jiray Golihii Sare ee Kacaanka wax war siyaasadeed ah lagama maqal sidii ay uga baxeen Muqdisho.

Shir jaraa’id ma aanay qaban 21 sano, damacsiyaasadeed lagama dareemin, cid ay dhaliileen iyo faragelin marna laguma xaman, waxayna xalay dhalay ka noqdeen aafooyinkii isaga dambeeyey dalka oo ay dadka qaarkiis geysteen mudadii lagu jiray burburka iyo baaba’a isbiirsaday.

Waxay muujiyeen xilkasnimo, samir, dulqaad, hufnaan iyo niyadsami, waxayna la kulmeen markay dibadaha u baxeen soo dhoweyn, inkasta oo aanay iyaga u dhadhamihayn, weligoodna kuma ay fekerin dibad joog iyo qaxootinimo.

Aad ayaa loo sharfay loona dejiyey dalal kala duwan, waase ka bixiwaa ee Xubnihii GSK kuma ay qanacsana arrimahaas ilaa maanta.

Waxaa welwel, walaac iyo yaxyax weyn ku haya hoogga iyo ba’a ay ku dambaysay Soomaaliya, iyo sida quwado waaweyni u qorsheeyeen in la burburiyo, lana gaarsiiyo eber ka hoos Soomaaliya, markii loo arkay in ay tahay far dheeraad ah oo aan loo baahnayn, codkeedana ka dheereysay markay dalal badan oo Africa ahaa qoriyad laxasilisay, isku fillaansho shafka u garaacday, maalmo yarna ku jibaaxday quwaddii ay sheeganjirtay Itoobiya.

Waxaa burburka iyo barakacinta Soomaaliya lagu fuliyey hub aan dhammaad lahayn, laakiin isagu wax walba dhammeynaya, ilaa laga gaaray sida wax loo rabo oo ah in la curyaamiyo Soomaaliya, loona loogo asaagood oo hore cabsi uga qabay, balse tan Allena waa meesheeda.

Xubnihii GSK mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo dalka xilal culus oo heer qaran ahaa soo qabtay ayey ahaayeen, waxayna lahaayeen aqoon sare oo diineed, mid maadi ah, mid milleteri, anshax wanaagsan iyo khibrad hoggaamineed oo ay kalsooni weyni ku dheehantahay.

Haddaba mar haddii talo faro ka haadday, haad innoo bixiwaayey 21 sano, Soomaaliya isku dhexyaacday, maxaa diidaya in talo laga weydiiyo arrimaha Soomaaliya Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka intooda weli ka nool? Maxaa diidaaya in xilal loo dhiibo, mase Soomaaliba in ay yihiin iyo in ay xuquuq leeyihiin looma aqoonsana?

Maxaa diidaaya in aan ka ducaysanno, mar haddii ay weli Xamar ka  heeseyso xabbaddii 1991 iyaga lagu bilaabay, lagana xishoonwaayey guubaabo qabiil iyo yaa reer hebelooy?

Soow ma ogin in raggii la shaqayn jiray Golihii Sare ee Kacaanka dalka kama ay qaban masuuliyado sare ilaa heer madaxweyneyaal, ra’iisalwasareyaal, wasiirro, meel walbana ma horboodayaan Cornello ka mid ahaan jiray saraakiishii ciidammadii qalabkasiday ee ay iyagu madaxda u ahaayeen iwm?

Xubnahaas oo ay ka noolyihiin rag badan oo wax ka tari kara arrimaha siyaasadda, ciidammada, khibradda iwm maxaa diidaaya in la hawl geliyo intooda lagu tuhmayo kartida, lagana ducaysto, maadaama burburkii Soomaaliya kaddib xilal culus loo dhiibay rag badan oo ka mid ahaan jiray dawladdoodii la riday, isla markaasna aan laga raysan maamulkoodii ee si weyn loogu darsaday?

Miyaanay ahayn siyaasiyiin Soomaaliyeed oo hore wax la taaban karo ugu soo qabtay dalka oo haddana aad loogu gafay, maantana xasilinta iyo jiritaanka dalka xil ka saaranyahayn, waxna laga weydiin karo xaajada cakiran?

Ma waxaa lagu durayaa, kuwaasi fursaddoodii waa soo qaateen ee yaanay dib innoo ciriiryin?

Miyaanay ahayn Golihii afka hooyo qormadiisa innoo hirgelyey.?

Miyaanay ahayn kuwii waxbarashada kor u qaaday, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeedna udubka u taagay? Dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee waxbarashaduna ku dhowaadeen in ay la sinmaan dhismayaasha Xamar ee caadiga ahaa.

Miyaanay ahayn kuwii Xarumaha Dhismayaasha  Ha’yadaha Dawladda iyagoo dabaqyo ah iskaa wax u qabso ku hirgeliey?

Miyaanay ahayn raggii sida xarragada leh ugu guuleystay xorriyaddii Jamhuuriyadda Jabuuti?

Miyaanay ahayn raggii waqti aad u gaabnaa ku hawo jebiyey Taliskii Mingiste, ee xoreeyey Soomaalida Galbeed?

Miyaanay ka joogin dawladdii inna bartay in aan xooggeenna maallo oo beeraha qodanno, kalluunka la soo baxno iyo in aynaan gacmaha u hoorsan dalal shishiyee?

Xubnahaasi miyaanay ka joogin dawladdii abaartii daba dheer 1974 diyaaradaha ku soo daadguraysay shacabkii Gobollada ee ku tabaaloobay abaarta? Udubkana uma taagin Ha’yaddii Danwadaagaha ee reer miyigii la tababaray ka shaqaysan jireen?

Miyaanay ka mid ahayn raggii ugu muhiimsanaa Kacaankii sababta u ahaa in dawladda Kenya soo dhoweyso oo qaddariso walaalaheenna Soomaaliyeed ee NFD ama Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaas oo si firfircoon uga mid ah Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda?

Miyaanay ahayn xubno ka mid ah dawladdii kacaanka 21 Octoober ee Hoobaladeedu ku heeseen Soomaali, Soomaali baan ahay? “IYO SANKUNEEFLE MA OGGOLI IN UU IGA SARRAYNKARO”? iyo in aan gaarro in dunidu isu keen-taagto kolkay arkaan qof Soomaali ah, hase yeeshee, nasiibdarro ay kadambaysay, lana gaaray in aad looga argagaxo oo laga xumaado markii magaca Soomaaliya la maqo, markii la innaga yaabay oo la garanwaayey wax la innagu sheego ficilladaan samaynay awgood oo ah dadqal, diirato iyo dooxato?

Waxaan aad ugu farxay in aan dib u arko oo salaamo, la fariisto, la sheekeysto, uuna i casumo walaalkay Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar. Waxba iskama beddelin niyadsamidii, waji iyo qalbi furnaantii lagu yiqiin ee uu caanka ku ahaan jiray weligiis.

Sarreeye Guud Maxamed Cali Samantar, aad ayuu u dhaaddanyahay, u dhallinyaryahay, xoog u leehahay, una firfircoonyahay. Waxaana la yaabay sida uu badiba qof kasta oo Soomaali ah magaciisa u garanayo, u soo dhoweynayo, ulana kaftamayo.

Wuxuu si weyn uga xun yahay, aadna uga walaacsanyahay xaaladda Soomaaliya ee degiweydey iyo waxay maanta ku sugantahay, wuxuuna Alle weydiistaa marwalba in uu Soomaaliya nabad ka yeelo, shidada la degtayna ka saaro, aamiin Allahayoow.

Markuu arrimaha Soomaaliya ka hadlayo shucuurtiisu waa isbeddeshaa, hoos buu eegaa isagoo madaxa wareejinaya, indhaha isku qabanaya, hadalkana cabbaar  hakinaya, wuxuuna u muuqdaa sidii sarkaal sare oo ciidammadii uu hoggaaminayey cadoow kagaga adkaaday dagaal.

Wuxuu aad u jeclaan lahaa in Soomaaliya dhaqso loo nabadeedyo si qalbigiisu u xasilo, uuna u seexdo hurdo wanaagsan, ayna suuragal ugu noqoto in uu dib ugu laabto dalkiisii hooyo, kuna dhexnoolaado inta noloshiisa uga dhiman, insha Allaah.

Posted on December 19, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: