DEG DEG: Shirkii Garoowe Oo Lagu Soo Kala Dareeray Beritona Loo Balamay iyo Ergada Qarkood oo handadaad lagu bilaabay

Garoowe [ATIP] Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo u ka socdo ShirkaWadatashiga ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu soo kala dareeray isaga oo aan wax qodobo heshiis ah laga soo saarin.

Xubno ka mid ah Ergada Shirka oo aan xiriir la sameynay ayaa noo xaqiijiyey in Shirka Wadatashiga ee maamulada Soomaalida uga socday magaalada Garoowe loo balamay in berito la isugu soo laabto xarunta Jaamacadda PSU oo u Shirku ka socday dibna loo dhigay Qodobadii laga soo saari lahaa.

Shirka Wadatashiga oo maanta lagu waday in lasoo gabageeyo lagana soo saaro heshiis rasmi ah oo la isku raacsan yahay ayeysan taasi dhicin,waxaana wakhtiga sii dheereeyey ka dib markii Shir albaabadu u xiran yahay ay wada yeesheen Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed,Shariif Xasan  [oo hadda laga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka DKMG ah]  iyo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.

Labada Shariif iyo Madaxweyne Faroole ayaa kulankii ay yeesheen maanta ahaana mid albaabadu u Xirnaa balse Warar laga helayo madasha Shirka ayaa sheegay in Khilaaf soo kala dhexgalay Saddexaas mas’uul [Labada Shariif iyo Faroole] kaas oo ku saabsan ka gudbida nidaamka 4.5 oo u ka biyo diiday Shariif Xasan Shiikh Aadam [oo hadda laga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka DKMG ah].

Sida dad xogogaal ah ay ATIP u sheegeen ayaa hada Sadexda Masuul [Labada Shariif iyo Faroole] ay gaareen heshiis awood qeybsi ah  (Halkaan  Akhriso Hishiiskii ay wada gaareen)

Berito oo loo balamay in Shirku uu dhaco lagana soo saaro Qodobo muhiim ah ayaa caawa waxaa ku hoyday Garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe ilaa dhowr diyaaradood oo sugaayey in qaadaan Ergadii Shirka kasoo qeybgashay balse dib u dhac ku yimid.

Halkaan ka Akhri  maamulada-Puntlnad-iyo-Galmudug-oo-isku-heysto-in-la-qaato-Dastuurka-ay-labaad-ku-dhaqan-Beelahooda

Shirka Garoowe oo fashil ku dhamaaday iyo ergada qarkood oo handadaad lagu bilaabay

 

Waxaa galabta la filayay in lasoo gaba gabeeyo Shirkii Wadatashiga qeybtiisa labaad oo mudo Sadax maalin ah kasocday Caasimada Maamulka Puntland ee Garawe balse xaalka Shirka ayaa mar qura isbadalay xili la filayay in lasoo gaba gabeeyo.

Waxaana la sheegay in Ergooyinkii Shirka ka qeyb galayay ee isku raaceen in Baarlamaanka Soomaaliya la dhimo lagana dhigo 225-Xildhibaan halka uu hada ka yahay 550- xildhibaan.

Waxaa Ergadii Shirka isku qilaafeen qaabka loo soo Xulayo Xildhibaanada gaaraya 225-ta Xildhibaan iyadoona ergada badankeeda soo jeediyeen in lagu soo xulo Nidaamka hada Dowlada KMG ee Soomaaliya ku dhisan tahay ee ah Afar iyo Bar ”4.5”.

Waxaana arintaasi ka biyo diiday oo si weyn uga soo horjeestay Maamulka Puntland oo iyagu ku adkeestay in muhiim tahay in lagu soo xulo Xildhibaanada qaabkii Dowladii hore ee ahaa Degmo iyo Gobol.
 
Waxaana taa badalkeeda soo jeedinta Puntland markooda ka biyo diiday ergaydii kale Shirka ka qeyb galeesay iyadoona martkii danbe Shirka lagu kala dareeray xaalkana uu isku badalay in qoloba mar shirka ka carooto oo banaanka u baxdo.

Waxaana lagu soo waramayaa in Shirka lagu kala tagay Caawa loona balamay in Maalinta berito ah la isku soo laabto si halkeeda looga sii wado Qodobada la isku mari layahay ee Nidaamka lagu soo Xulayo Baarlamanaka Soomaaliya.

Waxaana la filayaa in Shirka Maalinta Brito ah lasoo gaba gabeeyo hadii la isku afgarto Qodobada xasaasiyada ka taagan tahay iyadoona Maamulka Puntland lagu sheegay in iyagu caqabad ku noqdeen gaba gabeynta shirka Maanta kadib markii ee diideen Nidaamka 4.5-ta.

Hadaba Waxii Warar ah ee Amuurtan kusoo kororta kala Soco Wararkayaga Danbe Insha Allah.

Posted on December 24, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 3 Comments.

  1. Puntland oo diidey nidaamka 4.5
    23 Dec 23, 2011 – 10:17:53 AM

    Shirka Wadatashiga Somaallida oo ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafey Jaamacada PSU Garowe ayaa waxa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo maanta 23,Dec,2011,balse suurtagal ma noqon arintaasi,waxana socday muddo ka badan 6-saacadood doodo iyo kulamo ay lahaayeen madaxda DF Somalia ,Puntland ,Galmudug ,Ahlu Sunna iyo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia.

    Sidoo kale waxaa doodaha qayb ka ahaa ergadii loo xilsaarey in ay ka soo shaqeeyaan ajandaha shirka oo shalay ilaa maanta kulamo alabaabadu u xiranyihiin lahaa.waxana ujeedku ahaa sidii aragti mideysan looga gaari lahaa qodobada kamadanbeysta ah ee lagu soo saarayo warsaxaafadeedka shirka dhamaadkiisa.

    Qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan oo doodu ka taagnayd maanta iyadoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo laga qabay arintaasi.

    Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo shirka ka qaybgashey ayaa Garowe Online u xaqiijisey in Puntland soo jeedisey soo xulida mudanayaasha Baarlamaanka Somalia in lagu soo doorto qaab gobol ah ama degmo,waana arinta dooda badan maanta dhalisey.

    Dhanka kale waxay iluhu sheegayaan in madaxda sare ee DF Somalia qaar ay arintaasi ka biyo diideen iyagoo ku adkeystey in xulida mudanyaasha lagu saleeyo qaabka 4.5 oo qabaa’ilada Soomalida ku dhisan ayna ku yimaadeen xildhibaanada haatan jooga.

    Galbta ayaa la filayey in go’aaamo ka soo baxaan dhamaadka shirka waxana uu dib u dhacey maalinimada beri ah,iyadoona caawa leeyihiin kulamo gaar gaar ah madaxda iyo ergada shirka ka qaybglaysa taasi oo looga gun leeyahay in arintu isugu soo biyo shubato hal meel.

  2. War Degdeg ah: Shirkii Garoowe oo Goordhow Lagu soo kala kacay, madaxdii TFG-da oo maanta baaqatay iyo Shirka oo Xiritaankiisii dib u dhacay….(Warbixin).

    Shirkii Wadatashiga heerka qaran ee Tastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya ee labadii cisho ee lasoo dhaafay ka soconayey Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Goordhawayd lagu soo kala dareeray kadib markii ka qaybgalayaasha shirkaasi ay isku mariwaayeen dib u habaynta Tastuurka gaar ahaana qodobka xasaasiga ah ee dib u habaynta iyo dib u qaabaynta Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya uu yeelanayo marka la gaaro Bisha Sideedaad ee Sanadka danbe kaasoo ah kan looga guurayo waqtiga xasaasiga ah ee Kalaguurka ah ee uu dalku kujiro.

    Shirka oo Maanta oo Jimce ah la rajaynayey inuu si rasmi ah usoo idlaado islamarkaasna ay madaxda dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ka qaybgalaan xiritaankiisa islamarkaasna ayba isla galabta ku laabtaan Caasimada Soomaaliya iyadoo ay garoonka Garoowena u fadhiday Diyaaradii u qaadi lahayd Caasimada ayaa uu kuyimid dib udhac aan la rajaynayn kadib markii ay Ergadu ku kala qaybsantay qaabka loosoo xulayo Xildhibaanadaas, tiradooda iyo Arimo kale oo la xiriira Deegaanada Xildhibaanadu noqonayaan iyo qaabka loo qaybsanayo.

    Xubno kamid ah Gudiyadii shalay la qabtay ee labada ahaa kuwaasoo kala ahaa A.Gudiga Tastuurka iyo Dib u habaynta Baarlamaanka Soomaaliya & Gudiga meel marinta Tastuurka oo loogu talagalay in midkoodna uu ka doodo tastuurka iyo Baarlamaanka cusub midna uu meelmariyo arimahan ay xubnihii kujiray isku mariwaayeen Arimahan, Qaarkamid ah Gudiyadaas Shirkan oo Maqribkii kadib APL ay la xiriirtay ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in shirku uu si rasmi ah maanta u burburay laguna kala tagay qodobabo Muhiim ah, Xubnahan ayaa sheegey in Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed iyo Xubno kale ay aaminsanyihiin in Baarlamaanka cusub laga daayo lagana joojiyo Nidaamka Soomaalida dulaystay ee beelaysiga loona badalo deegaamaysi taas macno ahaan noqonaysa in Degmooyinkii Tastuuriga ahaa ee Soomaaliya wax loo qaybsado iyadoo Xubno kalena ay aaminsanyihiin in Xildhibaanada cusub lagu soo doorto qabka beelaysiga (4.5) Taasoo keentay in shirku uu habeenimo galo loona balamay in beri lasoo afmeero sidaasna ay madaxdii xiri lahayd uga baaqatay xiritaankii shirka, Caawa ayaa la filayaa inay dhacaan kulamo gooni gooni ah iyo Wadatashi lagu heshiinayo laguna fududaynayo arimahan.

  3. Maamulada Puntlnad iyo Galmudug oo isku heysto in la qaato dastuurka ay labaad ku dhaqan beelahooda

    Shirka wada tashiga ee ka socda ee lagu marin habaabinaayo siyaasada guud ee Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa ka jira xoogaa caburin ah iyadoona labada maamul ee reerahooda u sameeyey Dastuur ka eek ala ah Galmudug iyo Puntland ay shirka ka soo jeediyeen in la qaato dastuurka ay ku dhaqaan beelahooda taa oo ka careysiiyey ka qeyb galayasha qaarkood waloow mamaulka Puntlnad oo xoogaa afmarin ah uu siiyey ka qeyb galayaasha shirka si af wax cunay xishoo u dhacdo
    Shirkaa wada tashiga ay ka qeyb galayaan oo kaliya beelaha Marexaan oo ka socota Alusunada Cabduqwaaq ,Beesha Sacad oo ka socota Galmudug iyo Punland oo majrteen ka socota ayaa la dhihi karaa waa shirkii ugu qaban qabada xumaa ee abid maxaa yeelay ma jiraan cid mataliyesa beelaha kale ee Soomaaliyeed oo xurgufta kala dhaxeyso beelahaas ku shirayo Garoowe
    Shirkaan ayaa u jeedka laga leyahay ee tahay in la helo dowlada maqaar saar ah oo fulusa heshiisyada lagu dhacayo dhulka iyo badaha Soomaaliya waana erayga lagu diidanyahay kumeel gaar laguna doonayo in lagu gudbo dowlad sax lakiin sida muuqataa ma ah mid sax madaama wali Soomaaliya jirin doorasho ka dhacday oo qof shacabka rabaan ay dortaan

    Si kastaba ha ahtee soo jeedinta labada maamul ay soo jeediyeen in la qaato dastuurka beelahooda ayaa shaki horey ay qabeen Soomaali badan ay soo muuqaneysa kaa oo ahaa shirkaan ay wadaan qaramada midoobay lagu naas nuujinayo beelo gaar ah oo fuliyo nadanaha shihseeyahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: