Aan dastuurka cusub qaadano waa aan cadaalada ka sii fogaano

Dalka Soomaliya ayaa waxaa wali lagu maamulaa Dastuurkii hore ee xiligii 60-meeyadii kaasoo la isku dayay in wax laga badalo dhowr jeer ay socon weysay waxaana ugu danbeeya midka ay inoo soo diyaariyeen haya’da UNDB-da ee hoostimaada Qaramada midoobay.

Dastuurka cusub ee hadda uu muranka ka jiro ayaa waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday hay’ada UNDB iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo aan daacad ka aheyd in si daacad ah wax loo qeybsado.

Qodabada uu muranka xoogan ka jiro ayaa waxaa kamid sida loo dhisan karo Maamul Goboleedyo,waxuuna dastuurkaan cusub leeyahay waa in labadii Gobol ee is rabtaaba ay Maamul sameystaan iyadoo lagu saleynayo 18kii Gobol ee dawladdii kacaanka ay si cadaalada ka fog u sameysay,waana halka uu muranka xoogan uu ka jiro.

1990kii markii dhibaatadii iyo qabyaaladii dalka ka jirtay sii badatay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho oo dhamayd ay noqotay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii xoolihii yaalay dad gaar ah jeebka ku shubteen,sicir barakiinaa gaaray boqolkiiba boqol, waatii markii danbana dadkii hubka wada qaateen oo Maxamed Siyaad Madaxtooyadii loogu dhacay Qarankii Soomaaliyana saa ku burburay.

Hadda iyo talo maxaa looga gudbi karaa ismaaan dhaafka iyo muranka ka jira sidii soomaaliya mar kale dib ugu soo laaban la’heyd Qaranimadii iyo karaamadii ka burburtay:-

  • 1. In awood qaybsi dhab ah oo cadaalad kusalaysan laga hirgaliyo Soomaaliya min tuulo,degmo iyo gobal.
  • 2.In dalka loo dhiso dowladd dhaxe oo tayo leh, cadaalad ku dhisan sharcigana ilaalisa,isuna soo dhaweysa shacabka Soomaaliyeed oo ay colaada kala fogeysay.

Qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed ayaa 21-sano kadib waxaad moodaa in aysan wali ka quusanin qabalayaadii foosha xumeyd ee burburka iyo dhibaatada u horseeday dalka Soomaaliya,inta uu fikirkaas qaldana uu jiro way adag ahay in laga gudbo dhibaayadii ku habsatay dalkeena iyo dadkeena.

——————————————————————————————————————

Shariif Oo Shacabka Ugu Yeeray Dastuurka

Garoowe – GMN – Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed in ay fikradahooda ka dhiibtaan Dastuurka cusub ee loo sameyo Soomaaliya, xilli khilaaf ba’an uu hareeyey shirka Garoowe uga soconaya ergada Soomaalida..

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay dastuurka mid dhaxal gal u ah Umadda Soomaaliyeed, isla markaana xalin doono khilaafaadka aloosan, sida uu yiri.

“Dastuurka siduu u noqon lahaa mid dhaxal gal ah oo xaliyo dhamaan dhibaatada dalka, waxaan hubaa in dadka ay fikradahooda ka wada dhiiban karaan, dadka aan fursada u helin waxaan rajeynayaa in ay helaan fursad ay kusoo gudbin karaan talooyinkooda, gudiga tastuurka way mahadsanyihiin.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu ugu baaqay umada Soomaaliyeed in aysan markan dhihin looma dhama oo ay ka gudbaan dhaliisha wax qabad kasta oo Soomaaliya loogu tala galay.

Dastuurka Soomaaliya loo sameynayo ayaa la filayaa in kaligiis loo qabto shir iyo in ay ka wada qeybgalaan fikradihiisa umada Soomaaliyeed.

Posted on December 24, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: