Ra’iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo sheegay in Dastuurka cusub ee dalka ay ansixin doonaan 1000-qof oo lasoo xulay

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dastuurka cusub ee dalka ay ansixin doonaan 1,000-qof oo lasoo xulay, isagoo sheegay in kunkaas qof ay ka koobanaan doonaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Dr C/weli Maxamed ayaa sheegay in sababta go’aankan loo qaatay ay tahay iyadoo aan xilligan dadka laga qaadi karin afti, balse wuxuu sheegay in afar sano gudahood laga hirgelin karo dalka oo dhan dimuqraadiyad iyo inay dadku u codeeyaan dastuur iyo baarlamaan cusub.

“Kunka qof ee ansixinaya dastuurka cusub waa kuwo shaqeynaya muddo kooban, waxayna ka mid noqon doona, culummada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Gaas.

Ra’iisul waasaruhu wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya iyadoo intan ka itaal yar, kana aqoon yar laga hirgeliyay dimuqraadiyad iyo in shacabku wax soo doortaan, haddana haddii dadaal badan lagu bixiyo arrinataas xilna la iska saaro la gaari karo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuus sheegay in shirka lagu qaabtay Garoowe uu tusaale u yahay in Soomaalidu ay xallin karaan khilaafaadyada u dhexeeya, isagoo ammaanay qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna ku baaqay in la taageero.

“Xildhibaannada baarlamaanka way og yihiin shirkan inuu qayb ka yahay Roadmap-ka oo ka dhashay heshiiskii Kampala iyaga ayaana ansixiyay, marka ma qabo inay kasoo horjeestaan waxaana looga baahan yahay inay taageeraan,” ayuu yiri C/weli Gaas kaga jawaabay su’aal ku saabsanayd xildhibaannada qaar oo kasoo horjeestay shirka Garoowe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli ku sugan Puntland ayaa hadalladan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Muqdisho oo ku hadka afka dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wareysiga oo ahaa mid dheer ayuu ra’iisul wasaaruhu kaga hadlay hannaanka 4.5-ka ah ee lagu heshiiyay, isagoo sheegay in nidaamkan uu yahay mid beeleed oo aanay dani ugu jirin Soomaalida, balse xal loo arkay, isagoo sheegay in afarta sano ee soo socda lagu soo xulan doono xildhibaannada cusub, markaas kaddibna la bedeli doono.

Shirkii lagu soo gabgabeeyay Garoowe oo uu muran badan ka dhashay ayuu sheegay in waxyaabihii looga hadlay iyo muddada uu socday ay aad u kala duwan yihiin, isagoo sheegay in waxyaabihii kasoo baxay aan lagu soo saari karin muddo intaas le’eg.

Posted on December 25, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 3 Comments.

  1. RW C/weli gaas“ Ma jiro doono afar sano ka dib xildhinaan lagu soo dooran doono 4.5 si kasta oo xaaladu ay noqoto waa laga gudbayaa”

    Ra’isul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in Xildhibaan dambe oo lagu soo xulo 4.5 uusan jiri doonin wixii ka dambeeya marka ay dhamaato 4-ta sano ee soo socota , xittaa haddii la waayo nidaam lagu soo doorto.

    Ra’isul wasaare Gaas waxaa kale oo uu sheegay in Xildhibaanada cusub ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka ee beelaha, marka laga reebo maamul goboleedyada dalka ka jira oo uu sheegay inay iyagu mudnaanta yeelanayaan, kuwaas oo uu sheegay in Odayaasha ay la kaashanayaan.

    Mr. C/weli waxa uu sheegay in Baarlamaanka cusub ee imaanaya aysan cid waliba ku soo biiri doonin oo shuruudo adag lagu xiri doono xubnaha ka mid noqonaya sida inuu aqoon leeyahay, isla markaasna dalka uusan dembi ka gelin, wuxuuna intaasi ku daray inuu jiri doono Guddi gaar ah oo beelaha kala talin doona xubnaha ay soo gudbinayaan, isla markaasna xubintii loo arki waayo inay ka mid noqoto Baarlamaanka dib ugu celinaya beeshii uu ka yimid si ay u soo bedeshaan.

    “Ujeedadu waxa weeye in la helo Baarlamaan yar oo tayo leh, isla markaasna howsha uu qabanayo ka bixi kara, bulshadana u adeegi kara” ayuu yirir Ra’isul wasaare Gaas oo intaasi ku daray inuu ka duwanaan doono Baarlamaanka haatan soo socdaa Baarlamaanadii hore uga jiri jiray Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

    Dhinaca kale Ra’isul wasaare Gaas ayaa ka hadlay go’aankii ay Xukuumadda ku gaartay in la xiro xarunta Baarlamaanka muddo kooban iyo sida uu u arko khilaafka hadda taagan ayaa waxa uu sheegay inuu ku rajo weynyahay in la dhameyn doono khilaafka.

    “Waxaan kalsooni badan ku qabnaa in la dhameyn doono khilaafka hadda ka dhex jira Baarlamaanka Xukuumadda waajib ayaa ka saaran amaanka Xildhibaanada Baarlamaanka KMG, waana middaasi midda loo hakiyey fadhiyada Baarlamaanka, annagu ka hadli meyno awoodda Baarlamaanka iyo awood la’aantiisa ee waxaan ka hadleynaa ammaanka Xildhibaanada, waad ogtihiin wixii ka dhacay dhawaan xarunta Baarlamaanka, marka ma dooneyno inay dhibaato dhacdo, laakiin waxaan dooneynaa inay si nabadgeliyo ah ay fadhiyada Baarlamaanka ku qabsoomaan” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas oo dhinaca kale sheegay in dhawaan ay horgeyn doonaan Baarlamaanka qorshaha Road Map-ka, balse waxa uu sheegay inaan weli la go’aamin in Baarlamaanka la horgeeyo qodobadii lagu saxiixay shirkii Garoowe ee shalay dhamaaday.

  2. Guddiga qabanqabada doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka oo sharaxaad ka bixiyey qaabka iyo xiliga la qabanayo doorashada

    Guddigii doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magalada Muqdisho waxay ku shaaciyeen waqtiga la dooranayo Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Kulankan oo ay isugu yimaadeen Guddiga qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa kulankoodu ka dib waxay ka soo saareen warmurtiyeed si weyn loogu sharaxay xilliga musharaxiintu ay isa soo diiwaan gelinayaan iyo xilliga ay dhaceyso tartanka doorasha Guddoonka cusub ee Baarlamanka iyo xilliga ay ku egtahay.

    Xiriiriyaha Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka KMG Xildhibaan Max’ed Mx’ud Guuleed (Gacmo dheere) oo war saxaafadeedkii ka soo baxay kulanka u aqriyey warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomidda ololaha doorashooyinka Baarlamaanka.

    Waxaa uu sheegay gacmadheere in Guddiga doorashda Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo tixraacaya Axdi qarameedka iyo xeer hoosaadka Baarlamanka KMG, isla markaasna, gudanaya waajibaadka loo xil saaray, wuxuu go’aamiyey qodobada soo socda:-

    1) Qabashada araajida tartamayaasha xilka Guddoomiyaha Baarlamanka, waxay bilaabanaysaa taariikhdu marka ay tahay 25-ka bisha December sanadka 2011-ka, saacadda subaxnimo markii ay tahay 9:00, waxayna ku egtahay qabashada araajidaasi 31-da Decembar 2011-ka, saacaddu marka ay tahay 12:00-ka duhurnimo.

    2) Musharaxiintu waxay khudbadoodu ka dhex jeedin doonaan Golaha dhexdiisa taariikhdu markii ay tahay 1-da bisha January 2012-ka saacadduna ay tahay 10:00-ka subaxnimo laga bilaabo ilaa 3:00-galabnimo laga gaaro, doorashada Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka waxay dhaceysaa lana qabanayaa taariikhdu marka ay tahay 2-da bisha January 2012- 9:00-ka Subaxnimo.

    Mar la weydiiyey Xildhibaan Gamadheere sida ay ku dhici karto in Xildhibaanadu ay ku shiraan xarunta golaha shacabka, maadaama Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay Xildhibaanada ka mamnuucday in muddo afar Isbuuc ah ay ku shiraan halkaasi ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada iyo Xukuumadda ay kawada hadleen waxyaabihii dhacay, isla markaasna ay meel wanaagsan marayaan howlaha shaqo ee u dhaxeeya barlamanka iyo Xukuumadda.

  3. Xildhibaanadii xilka ka xayuubiyey Shariif Xasan oo ka soo horjeestay qodobada heshiiskii shalay lagu kala saxiixday Garoowe

    Xildhibaanadii dhowaan xilka ka qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan gudoomiyaha baarlamanka Somalia ayaa si kulul uga soo horjeestay natiijada ka soo baxday shirkii wada tashiga soomaalida ee shalay lagu soo xiray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

    Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Axmed Dhinbil Rooble (Casoowe) ayaa weerar kulul ku qaaday shirkii Garoowe xubnihii garwadeenka ahaa oo uu ku eedeeyay in Guddoomiye ay xilkii ka qaadeen weli Guddoomiye u aqoonsayihiin, uguna yeerayaan, wuxuuna ku eedeeyay Shariif Xasan inuu Baarlamaankii ka dhigtay wax uu isagu leeyahay, taasina aysan hadda ka dib dhici doonin.

    marna ma diidanin Roadmap-ka iyo shirka garowe midna, mana diidanin goobta lagu qabtay waa dhul Soomaaliyed hase ahaatee ahaatee waxaanu kasoo horjeednaa in lagu casuumay Shariif Xasan oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo aan xilka ka qaadnay lana sheegay inuu matalayo baarlamaanka Soomaaliya taasna maaha wax aan aqbali karno” ayuu yiri xildhibaan Casoowe dhinaca kale sheegay in doorashii Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ay dhaceyso, welibana ay ka dhaceyso xarunta Baarlamaanka, isagoo dhinaca kale ka hadlay dib u habeynta Baarlamaanka ee looga dhawaaqay shirkii Garoowe.

    “Baarlamaanka cid aan isaga aheyn dib u habeyn kuma sameyn karto, waxaana Baarlamaanka hadda jira bedelaya oo keliya Baarlamaan la soo doortay, shirkii Garoowe qodobbadii ka soo baxay ee lagu yareeyay Baarlamaanka ma waafaqsana Axdiga KMG, waayo cid aan Baarlamaanka aheyn awood umalaha inay wax ka bedesho awoodihiisa iyo dhismihiisa intaba” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

    “Haddii ay timaado in la yareeyo Baarlamaanka waxa uu ka imaan karaa Baarlamaanka dhexdiisa oo go’aano ka qaadan kara, ee cid banaanka ka ah ma yareyn karto, taas haddii ay dhacdana waa inqilaab mileteri iyo afduub loo geystay axdiga KMG Soomaliya” ayuu yiri mar kale Guddoomiye Casoowe.

    Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen ilka dahab oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa uu ku tilmaamay heshiiskii Garowe inuu yahay mid ay gaareen shaqsiyaad isla markaana aan xal u ahayn Umada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay sidoo kale in ay mudan tahay haddii la dhimayo baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya in lagala hadlo Mudanayaasha baarlamaanka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: