4.5 Waa Xumaan Xalkuna waa Kacdoon Shacab

Nadaamka Awood qaybsiga Siyaasada Guracan ee Somalia ee 4.5 oo ah mid lagu Saleeyay Hab Qabiil , Hab qabiileedkaas oo ah in Bulshada Somaliyeed ay u qaybsamaan 4beelood oo dhan iyo Beel dhiman oo ah 1/2 waa Beesha 0.5ka ay ugu Yeereen kuwi Waxaan Inoo soo agaasimay oo runti aan oran karo waa Dad Dibadeed oo Markaas La kaashaday Kuwi Dalka Burburiyay oo iyagu aan iswaydiin karin dhibka

dalka. Dantoodan u arka Burburkaas iyo kala qaybsanaantaas haddana ah kuwa Garwadeenada ay u Yaqaanan Bulsahda Soomaalyeed oo ilaa iyo hadda Horboodaaya Arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya Kuwaas oo qaybtood ayba Ka galeen Dalka Dambiyo ka dhan ah Bini, adamnimada.

4.5 Waa Nadaam Xaaraan ah Lagamana Naawili Karo in Xukumad Ku dhisan Nadaamkaas Qalafsan in ay Dalka Somalia Dowladnimadiisi Dib usoo celiso,  Waxaan u sababaynaayaa Xaaraan ku Sheegidayda Habka 4.5 Waa Iyada oo lagu xadgudbaayo Jiritaaka iyo Qof ahaanta Qaybo ka mid ah Bulshada Somaaliyeed ahna wax ku Qaldan Diinteena Islaamka iyo aragtida Bini,aadamka ee Saliimka ah , Ahna mid Horay usii anba qaadaaya Dowlad la,aanta Dalka Somalia .

Waxaan Ognahay Muddadi uu Dalka ka Jiray Nadaamkaasu oo haatan ah 11sano ayna isaga Dambeeyeen Sadex Madaxwaye ku sheeg iyo Dhowr R/Wasaare iyo Xildhibaano Qaabkaas Foosha xun ku Yimi ee aan la aqoon cid u dooratay xubin-nimadaas  Marka laga Reebo Qabqable Soo xusha oo isagu ah kan Somalia dhibta u Horseeday Siina wada dhibta ilaa iyo hadda , Sadexdaas Dowlada Afka ka ah ayaan waxba ka badalin Somalia, Wanaag ay keenaan iska Daaye waxay Dalka ku soo Hogaamiyeen Ciidamo shisheeye oo ay markaas leeyihiin Kaalaya naga Ilaaliya Dadka aan Madaxda u nahay ,Su,aasha aan iswaydiiyo ayaa ah Sidee Madax Dadkoodi laga ilaalinayaa Xal u Keeni karaan ? Jawaabta oo Fudud ayaa ah Waa mid aan dhici karin In laga Dhowro Hanaan Dowldnimo ay Gayiga Somalia ka Hirgaliso Dowlad kusheg ku dhisan 4.5 oo ah Wax ay ugu Yeeraan kuwa iyagu Faa,idada u arka Burburka Somalia waa Xal ee Xaq ma ahan , Haddaba Waxaan xaq ahayn oo alle ka Raali ahay Xal ma keeni karaa?  Sidoo kale Aragtida Bini,aadanka ee Qumanina ay u arkayso Cunsuriyayn iyo Liidid Qayb ka mid ah Bulshadeena oo waliba aan anigu u aqaan qaybta bulshadeena ah ee loogu yeeray 0.5 kuwa Horumarinta iyo Curinta Aragtiyada Wax soo saar ee dalka iyagu iska leh Tusaale Qofka Kabaha Sameeya Waa wax Soo saare waana  mufakar Fakaray in uu isaga oo Dalkiisa Jooga Curiyo Soo saarida Kabo ay dadku ka Gashadaan Wixi Dhibaaya Cagahooda . Halki ay ka ahayd in uu helo Bogaadin iyo ku dhexlahaansho Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda u Riyaaqid iyo dhiiragalin ayaa la yiri Waa 0.5 iyo waxyaabo kale oo ka xun .

Waxaan Ognahay Xildhibano ku sheega Muqdisho Jooga ee ku yimi Nadaamka 4.5-ka inaysan jirin Somali ay Matalaan Waxaan Kaloo ognahay hadaynaan is indho tirayn in aan Dalka Somalia Dowladi ka Jirin oo uu yahay Mid aan Lahayn Wax Xakuumada ah Marka laga Reebo Waxaan TFG-ka ah ee Magac u Yaalka ah ee NGO-ga Sidiisi Kuwa Horjiigayaasha u ihi ay Wax ku Cunaan dhibaatada dalka ka jirta , Bulsho Soomaaliyeed oo Rabta ama Diidanina aysan Jirin Marka Laga Reebo Fiirsashada Horjoogayaashaas oo Horjoogayaal kale Bulshada ku dhahaan Waa qoladaas oo inagay ina neceb Yihiin Kaas leh Sidas haduu yimaado isagu waa Mid Dariiqa Horjoogahaan Qaadaaya , In Buishadu u Nuglaato oo ay u kala qaybsanaatona waxaa Sabab u ah 97% dadka Somaliyeed waxaa Haya Xanuunka Maskaxda aadka u Aafeeya ee qofka u diida Fikirka Xorta ah ee Qabyaalada.

Ma ahayn in Bulshada Somaliyeed oo La ildaran Colaado Sokeeya oo salka ku haya Qabyaalad in xal u Raaditoodi Xanuunki hayay Looga dhigo sal, oo la dhaho Nadaamka 4.5 ayaa Somalia xal ka keeni kara ,Tusaale Bulshada ay Kiciyeen Jabhadihi Dalka Burburka Intiisa badan u Horseeday ee Iyagu Bulshada ku Kicinaayay In Dowladi Askartu ay Reerohooda neceb tahay ,marki ay meesha ka baxdayna Kuwi Jabhadaha Horjoogay aysan awood u lahayn inay dhahaan Askartoodi Dalka in aan Xakunaan Rabnay ee Joojiya. ka dibna aan Ognahay Wixi dhacay oo ilaa hadda Socda , Haddaba Afkaartaasu waa kuwo Bulshadu aminsan tahay oo wax kale oo ay ka dib maqleen ma jraan oo ah Mabaa.dii, 4.5-Na Qofka Soomaaliga ahi waxa uu ka Fiirinayaa Reerkiisu Waxa ay Dowlada Nadaamkaas ku dhisan Ka yihiin Haddi uu Ku dagan yahay Wax Rabitaana uma Hayo Walow uusan isagu Doorashadeeda lahayn in uu Raboodo iyo in uu diido Ilayn Maba yaqaan waxa lagu doorto Xukuumad Waxa uuna ka dhex arka Qabyaaladi oo ah Xanuuni uu qabay,  Sidoo  Horjoogaha Reerkiisunu uu  Baahinaayo Reer Hebel baa Dowladaan leh  isaga oo u arkaya in uu Ku Heli karo Hankiisa Siyaasadeed ee uu u Maraayo Dariiqada Foosha Xun ee aan ka soo maaxan Ruux Damiir leh , Marka aan Leeyahay Ruux Damir leh Ma awoodo qof Alle ka cabsanaaya Damir bini ,aadam oo damqanaayana leh in uu Is yiraahdo Hankaaga Siyaasadeed ku Doon Hab Qabali ah .

Xanuunku waxa uu u Baahanay yahay Wax aan Kobcinayn Isaga ee uma baahna mid uu ku Sii Balaaranaayo 4.5-Na waa Mid qabyaalada Indho la,aanta ah ee Somalida haysa u Kaalmaynaaya meeshana ka Saaraaya Wanaag iyo Ka dawoobid .

Sideese looga Gudbi Karaa? 
Maxaa loog Bixi karaa Waa Mida aan u bahanahay In aan iswaydiino hadaan nahay Bulshada Somaliyeed Dabcan 4.5-ku Waxa uu ka mid yahay ama aan Oran karaa waa Qaybta labaad ee Caqabada ah Balse dadka qaybtood u arkaan Mid xal keeni kara Qaybta aan ka Horaysiiyo anigu ee ah Caqabada Qabyaaladu Dugsato Waa Maamulo Hoosaadyo La oran Karo waa QaBiil-Land ama Qabiil-State Sidoo kale Waxaa Soo Ifbaxaayay Mudooyinkaan Wax la Yiraahdo Somalia waxay Noqonaysaa Nadaam Gobolay-si ah oo isana ah Mid Qabyaaladu Dugsanayso Marka aan leeyahay Qabyaalada ayaa Dugsanaysa Waa Kuwo ay Horjoogayaasha Bulshada u fakaraa ay Kuwona Dantooda u arkayaan kuwona ka soo horjeedaan  Hadaba aan in yar isku Dayo Labadaan Caqabadood ka Faaoontooda inta aan ka oran karo .

QaBiil-Land ama Qabiil-State
Waxaa Dalka Somalia ka jira Maamul Hosaadyo ku dhisan Nadaam Qabiil waxaa Bulshada daggan Deeganaada ay ka arimiyaan Maamulo Hoosaadyadaasu loogu Tusaa inay u taagan yihiin u adeegidooda Balse Taasu waa mid aan Jirin oo waan ognahay inay Yihiin ururo Sidaasadeed Qabiil oo haddana Bulshada ay u arimiyaan qaab kale loogu sheegaayo Marka laga Reebo Somali-land oo horjoogayaasheedu Ugu yeeraan Shacabkooda Dal ayaan Noqonaynaa iyaga oo aan Iswaydiin Qaabka dal lagu Noqdo Bulshaduna aysan awood u lahayn inay Su,aashaas iswaydiiyan Sababo la xiriir iyaga oo aan Fikirkooda Ku meel Marin ee loo Fakaro ayna kala Mid Yihiin Dadka Somaliyeed . Sidoo kale Puntland oo iyadu ah Mida Labaad ee Ku xigta Somali-Land oo iyaduna leh Tusaalayaasha ah Urur Siyaasadeed marka aan Milicsano ku Imaanshaha Awooda Puntland ee Heer Madaxwayne Ku sheeg iyo Mid R/Wasaare  iyo sidoo  kale Ka soo Horjeedsasho TFG Ku sheegaas Marki ay Iska arki waayaan  Sadexda Kursi ee ugu Sareeya horjoogayaasa PL . Tanu waxay cadaynaysaa In Ay Caqabad yihiin Maamul Hoosaadyadu . Waxaa jirta Waxyaabo shacabka Soomaaliyeed Loo sheegay waa Kuwo Daggan Meelaha Qabiil-State-ku Ka jiree in kastoo maanta Somalia oo dhan uu ka Jiro oo meel walbaa Hogaamiye u calaamadsan tahay Waxay u sheegaan oo dadka intooda badani ku Doodaan Somalia Dowladi kama Jirto Sidaas Darteed waa Tashanay oo Nadaam ayaan samaysanay waa sida Lagu Yiri Balse ismawaydiiyaan Dadku Intee in le,eg ayuu Caqabad ku yahay Qabiil-Statekiina Somalia  uu Horjoogaha Qabiilkaagu uu ku Meel marsanaayo Danahiisa adigana Been kuu sheegaayo , Balse ay ahayd in aad is waydiio badan iswaydiiso lakiin waadan awoodin oo qofkaas ayaa ku yeeshay , Sidoo kale Maamul Hosaadyadaya ay keentay Qabyaaladu ayaan Oran karaa Waxaa Maalinba Maalinta ka dambaysaa Madaxa la sii Galayaan sii kala Bixid Ilaa ay gaarto Heerka ah  Xaafad Xaafad oo Xaafad  kasta la dhaho Waa Maamul Tusaale Haddi Haddi aad aragtay Gobol Soomaaliyeed oo Saxed Madaxwayne Qabiil lehMacnaheedu waxa Weeye Sadediisa Dagmo ayaa Mid kasta Reerkiisu dagaa Sidaas Darted Reer Reer Raba inuu Xakum ma Jiri karto .

Nadaamka Gobolaysiga 
Nadaamka Gobolayiga ahi Isna waa Mid Mudooyinkaan La inoo Keenay Balse waxaa laga dhex arkaayaa In uu Bulshadeena kala qaybinaayo inaga oo aan Hadaba Midaysnayn aanse dhaho waa dhibaato kale , iyaga oo u arkaaya qaybtood ama loo sheegaayo in Qabiilkoodu uu ku dagan yahay qabiilka kalena uu ku sadbursanaayo  Arintaasuna ay Tahay Mid Hab Qabiil Looga Fakaraayo Ayna ahayn Wax Soomaaliyi keensatay ee ah wax loo keenay Ma jirto Cid Dawadeena keeni kartaa inaga ayay inagu Xiran tahay In aan Dalkeena Xukuumad u Doorano  , In dadka Soomaaliyeed ay aad xaaladoodu u adag tahay waxaa Iska Hor imaanaaya Nadaam Gobolaysiga iyo 4.5-ka oo ah laba aan marnaba ka Soo maaxan Garasho qof Soomaliyeed oo ay Dad Kale inoo keeneen Sidaan Kor ku Xusay  Markaasna ay Dabaqeen oo ay Meel mariyeen kuwo wixi loo sheegaba qaata oo iyagu Kursi ku sheegaas  ujeeda ,Nadaamka Gobolaysiga ahi  Waa mid Gobolaysi ku dhisan,4.5-na waa mid aan ogolaanayn in deegaan lagu soo xulo Xubnaha Gollaha shacabka , waxaan nahay ayay Dadka Qaybtood ku oran Nadaam Gobolaysi ah  Haddana 4.5 ayaan wax ku qaybsanaa. Side Meel u wada Mari karaan Ilayn Xildhibaankaba Qof kaliya ayaa Soo xula Ma midkaas ayaa Gobolka Dadkiisa matala oo Kaligiis ayaa Xildhibaanada Dooranaaya oo awooda shacabka Gobolkaas leh amaba Dhowr Gobol . Tanu waxay Cadayn Kale u tahay In aan Somalia Wax kala Dambayn ah iyo Wax lagu tilmaami karo Xukuumad dhexe ka jirin Nadam Hoosaadyaduna ay Yihiin kuwo Qabyaalada ka qayb a aratida ay ku Yimaadeena ay Qabyaalad tahay  .Kana soo Maaxday aragtiyo Qabqablayal Kursi Doon ah una arka Danahoodu inay ku meel Marin karaan Sidaas

Waxaa Laga yabaa in Akhristu is yiraahdo Al shabaab Maxuu Ninkaanu Uga Hadli waayay waa Kuwo caqabad ah Sababta aan sidaas u leeyaha waxaan ogahay in Bulshada Soomaalidu aysan Caqabadaha dhabta ah Fahmi karin Badankood , Shabaab waa Fududahay Si loog adkaado oo Waa lala Dagaalamayaa Haday ahaan lahayd Ciidamadaas Shisheeye inkastoo aniga aragtidayda aysan Ciidamada Shisheeye U wacnayn Somalia balse aysan Jirin Dad Somaliyeed oo Midaysan oo iska Celiya Shabaab Sidaas darteedna aniga oo ka xun ayaan Ogolaanaayo , Balse Waxaan iswaydiiyaa Shabaab waa laga adkaan karaaye yaa ka adkaan kara Qabiil-Land , 4.5, Gobolaysi  , Kala qaybsanaanta hab fakarka Bulshada Somaliyeed oo u kala qaybsan Qabiil, qabiil ay dheefteedana lee yihiin kuwa an damiirka lahayn oo iyagu meesha ka baxaaya haddi Shacabku Midoobaan ,Qofka kaliya ee ka badbaada Dhibka aduunyoee Qabyaalada Kuna dheefsada Waa Horjoogaha Qofka kale ee shacabka ah Isaga waa u Dhibaato Mar kasta iyo Goob kasta Oo Somalia ka Mid ah.

Xalka Sidaan u arko 
Xalku waa Kacdoon shacab oo ka dhaca guud ahaan Gayiga  Soomaliya ,Yaa Lagu kacaayaa oo la Eryayaa ?Waxaa lagu Kacdoomayaa Kuwa garwadeenada Isu Yaqaan ee Beenta u sheega Dadka xumaanta iyo kala qaybinteenana ina kula dhex wareegaaya , Dhamaan Deegaanada Soomaaliyed dadkiisu waa inay isu soo baxaan iskana eryaan kuwaas Maamul Hoosaadyada horjoogayaasha u ah , Kuwa Baarlamaanka TFG ku sheega Iyo qaybaha kale ee Horjooga laamaha Magac u yaalka ah ee Dowladnimo ee Muqdsho Fadhiya  . Iyo Guud ahaan Kuwa xumaanta ka shaqeeya ee iyagu ka dhex arka dan Hoosaadkooda Burburka . Maxay Sahlaysaa arintaasu ?haddi ayse sidaasu dhacdo Maxaa imaanaaya ? Waxay Sahlaysaa In ay Bulshada Soomaaliyeed yeeshan Hab fakar Ka yimaada aragtiyadooda Kuna dhisan wadaniyad iyo in ay meesha ka Baxdo Kala qaybsanaantu, Bulshadeenu ay Mid ka Noqoto inay Dalka iyagu leeyihiin Dhibki dhacayna aysan Cid gaari lahayn Cidina aysan ku dheefsan oo uu dhamaan dadka Soomaaliyeed Afaayeey, dhibkaas Dabada Dheeraaday ee Muddada 21ka Sano ah Socday. Wixi dhacayna Guud ahaan ay Yihiin Tusaalayaal Fool xun oo marka la xasuusto La dareemo In Dhib wayni ina Soo haystay Muddadaas,

Waxaa imaanaaya Garwadeen Siyaasadeed oo leh Karti iyo Aqoon uu ugu adeego dadkiisa Iyo Dalkiisa anha Mid ku Yimaada Rabitaanka shacabka oo aan Ahayn Mid ay keeneen Melez, ama Mahiga Sida kuwa hadda isku sheega TFG oo dadka Qaybi dhahaan Caalamka aqoonsan, Caalamku Ma isagaa Somalia iska leh? ilayn Somalia Dad Soomaaliyeed ayaa Iska lehe , dhibka Aaloosana waa mid ay iyagu isku hayaan iyaga ayana xalin kara , Waxaa meesha ka Baxaaya Naamadaas kala qaybinaya Bulshadeena ee sahla in ay Dowladnimo ku sheeg horjoogayaal u noqdaan kuwo aan karti iyo aqoon lahayn ama Sida hadda Garoowe ka dhacday oo ah mida Doodaan dhalisay uu Web-side-ku Soo bandhigay ee ah in Dhowr qof oo la og yahay waxa ay yihiin inay dhahaan Xalka Soomaaliyaan Wadnaa iyaga oo ah Kuwo Bulshada Soomaliyeed Taqaan Intooda Fikirka Xorta ah leh ee aan Afkaar Curintooda Soo marin Qaybta ah Maxa Reerkayga Danoo ugu Jirta ee og iyagu in Qabiilka iyo Soomalinimadu ay Yihiin Laba Dareen ee aan Qof maskaxdiisa ku wada jiri Karin oo ah Laba in La kala Fogeeyo u Baahan markaasna kii aad qaadan lahayd aad iswaydiiso . Ma Kula tahay Xalka Kumanaalki Isugu Tagay Labadi shir Ee Jabuuti Iyo Kenya ay keeni waayeen In Dhowr Qof keenayaan ,? Makula Tahay In Shir Gudaha  Lagu qabto iyo Mid Dibbada Lagu Qabtaa ay Kala Duwanaanayaan oo kan Guduha Wanaag Ka soo Baxaayo? Ma kan Gudahay Imaanayaan Kuwo Indheergaradka Dhabta ah oo waxaad leedahay Dibbada uma Soo Baxaan oo Somalia ma Soo Dhaafan Indheergadka dhabta ahi  ? Dabcan aragtidayda waa Maya dhamaan Jawaabuhu

Yaa Bulshada Abaabulaaya oo u kicinaya Danaheeda ?Waxaa Oran karaa Howshaas waxaa qaban kara Ururo Rayid ah oo ku Yimaada Afkaaro ka Baxsan Tan Qabyaalada , Si Hoosena Ku Bilowda Madaama aan Oganahay In deegaanada Somalia lagu dhibaataynaayo oo Maamul Hoosaadyadaas ama Shabaab ama TFG Ku sheegu  ay Xirxirayaan ama Laynaayaan wixi ay u arkaan inay Caqabad ku Yihin Howlahooda Burburinta ,Arintaanu waxay Cadaynaysaa  in Kuwa aan soo Xusay Cadowga Kowaad ee Somalia Yihiin Tusaale SYL Talyaaniga waxa uu u arkaayay Caqabad oo waa waxyeelaynaayay iyaguna Si Hoose ayay Ku Bilaabeen haddaba Maanta waxaa cad Kuwa Kala Horjooga Bulshada inay Cadoow Yihiin Yaa awooda Maanta Inuu Isu soo bax Soomaalinimo Ka sameeyo Hargaysa, Boosaaso Baydhabo Iwm ? Miyayse dadka Degaanadaas Ku Nooli awoodaan inay Horjoogayaasha Dhiba ka soo Horjeestan oo na dhaaf dhahan ?Jawaabaha aan akhristyaasha u daayo sababta oo ah Waxan qabaa in awooda shacabku wax kasta Burburin karto Balse Bulshada Somaliyeedna ay qaybtood qaybta kale ka hor imaanyso oo qaybtood ay Horjoogahaas damiirka aan lahayn la safanayso. Marka waa inSi hoose Loogu Bisleeyaa oobadanka Dadka Lagu dhibciyaa aragti Wanaagsan  Sidaas Darteed waa In Bulshada Loogu Baahiyaa Si Hoose Isku Xirnaansho iyo Abaabul Hooseedna la sameeyaa , sidoo kale Loo qabta qaybaha Bulshada Rayidka ah aqoon iswaydaarsiyo ku Salaysan Xalka Dalka , Laga baahiyaa Warbaahinada Sida Boggaga Wararka . Waxaan Is barbardhigyada u soo qaatay Bulshada Soomaaliyeed uma baahna wax la iska dhaho iyo wax banaanka  laga keenay oo la iska Meel mariyo oo aan marnaba dani ugu Jirin Soomaalida

Waxaan ku soo afmeerayaa qormadayda In dadka Soomaaliyeed iswaydiiyaan Maxaa dhibkaan Inaga  saari kara!! Waxaan ka cudur Daaranayaa Hadaan meelo Badan oo aan Dooda ahayn aan kuso daray Sababtuna waa 4.5-ka oo Runti ka mid ah Qaybahaas Kale ee aa anigu qabo Inay iyana Caqabado Yihiin Madaama dhib Soomaliyeed Laga sheekaynaayo Xiligaan Somalia waa Wada Dhib .

Waxaan Umada Soomaalied Leeyahay >>>>> Iswaydiintu intay Qofka Maskaxdiisa u jirto ayuu Wanaagu u Jiraa !!! ee aan Iswaydiino Maxaa Inoo dan ah

Posted on December 27, 2011, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: