Buubaa “Waxaa La Gaaray Xilligii Laga Gudbi Lahaa Ku Adkeesiga Gooni Isu-Taaga Somaliland”.

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo mar Wasiir Arrimo dibadeed kasoo noqday Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay maamulka looga dhawaaqay shirka Qaatumo 2, ee kusoo gaba gaboobay Degmada Taleex ee Gobolka Sool, asigoona sheegay in ay dhamaatay xilligii somaliland ay kusii adkeesan laheyd gooni isu-taaga.

Buubaa ayaa sheegay in ay tahay wax aan la diidi karin go’aanka dadka ku nool Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku gaareen in ay sameyntaan maamul goboleed u adeega dadka deegaanka, kaasi oo hoos tagi doona Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya.

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa waxa uu sheegay in xilligaan la joogo sidii loogu gudbi lahaa ku adkeesiga gooni isu taaga somaliland, isla markaana gobolada hoos taga somaliland ay tashteen, asigoona tusaale usoo qaatay Sool, Sanaag, Ceyn, iyo Gobolka Awdal.

“1991, waxaa xilligaan kasoo wareegatay 21-sano, mana muuqato go,aankii gooni isu-taaga somaliland oo sii shaqeeyay, sidaasi darteed waa in laga gudbaa kusii adkeesiga go’aankaasi, lana soo dhaweeyo go’aanada ay qaateen dadka kasoo jeeda gobolada” Ayuu yiri.

Mar uu ka hadlaayay in xilligaan ay dhici karto dagaalo ka dhaca Gobolada dhulka somaliland, mar hadii Maamulka somaliland ay kasoo horjeedaan dhaq-dhaqaaqa ka socda Taleex, ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aysan aheyn xilli loo bir-tumto dagaal.

“lama joogo waqtigii dagaal la isugu bir-tuman lahaa, waxaana haboon in dhinacyada Somaliland iyo Puntland ay iskaashi Walaaltinimo la yeeshaan deegaannada SCC” Ayuu yiri Buubaa.

Ismaaciil Buubaa waxa uu sheegay in danta umadda Soomaaliyeed ay ku jirto sidii loo heli lahaa Dowlad dhexe oo leh hay’ado awoodeed oo ka shaqeeysa midnimada iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, Caalamkuna uu sidaasi Soomaalida Gacan ku siiyo.

Posted on January 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: