Faroole oo jeediyay hadalo ay cunsuriyadi ku dheehantahay

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa warbaahinta shalay ka jeediyay hadalo ay cunsuriyad ku dheehantahay oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta dalka.

Faroole ayaa ku boorriyay ciidamadiisa ammaanka inay ka hortagaan soo galida Maamulka Puntland dadka barakacayaasha ah ee ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa uu ku eedeeyay dadka koonfurta inay yihiin kuwa ka dambeeya amni darrada ka taagan Puntland, isagoo sheegay inay isu soo ekaysiiyaan Barakacayaal masaakiin ah.

Wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay ka hortagaan soo dhawaynta dadkaas, oo uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Waxaana uu ku tilmaamay Shabaab inay lacag fara badan ku bixiyeen burburka Puntland, iyagoo adeegsanaya buu yiri dad u dhashay deegaanka oo xoogaa lacag ah la siiyay.

Hadalada uu nacaybku ku dheehanyahay ee ka soo yeeray Faroole ayaa noqonaya kuwo si wayn uga hor imaanaya rabitaanka shacabka Puntland oo mar walba soo dhaweeya dadka kasoo cararaya abaarta iyo colaada ka taagan qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka.

Mana ahan markii ugu horreysay ee uu jeediyo hadal noocaan oo kala ah, balse tan iyo markii uu xukunka qabtay oo ay Puntland gashay fowdada siyaasadeed iyo ammaanka xumada ayaa uu ku eedaynayay in koonfurta Soomaaliya laga soo abaabulo guul darrooyinka siyaasadeed ee ka dhashay hogaan xumada

Posted on January 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: