Garowe: Shirka gudniinka fircooniga oo qoddobo ka soo baxay (sawirro)

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo laba cisho uga socday Haweenka deegaannada afka Soomaaliga looga hadlo, kaasoo laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo ku aadan sida loo joojin karo gudniinka fircooniga ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee maamulka Puntland ayaa haweenkii ka qeybgalay waxa ay ka kala yimaadeen gobollada dalka Soomaaliya, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Yurub iyo America.

Qoddobada ka soo baxay shirkaasi oo ka kooban 9 qoddob waxa ay kala yihiin:

Joojinta gudniinka aan waa faqsanayn shareecada Islaamka, in la qabto aqoon is-weydaarsi baaxad leh oo culimada Islaamku ka sameeyaan Fatwo ku saabsan gudniinka gabdhaha, in la sameeyo wacyigelin baahsan oo miyiga iyo magaallaba gaarta, in gudniinka iyo waxyeelladiisa lagu daro manaahijta waxbarashada ee heerarka kale duwan.

Sidoo kale qoddobada waxaa kaloo ka mid ah:

In shaqo abuur iyo xirfado loo sameeyo dadkii ku shaqaysan jiray gudniinka, in dowladaha, maamullada, degmooyinka iyo gobolladaba ay hirgeliyaan xeer ciqaabeedka laga soo saaray gudniinka, in taageero dhaqaale loo helo fulinta qoddobada ka soo baxay Shirweynaha, in la abuuro xiriir wada shaqayn oo ka dhaxeeya dowladaha, maamullada iyo gobollada ku heshiiyay go’aamada shirka ka soo baxay ayna fuliyaan guddi loo doortay oo ka kooban ergadii shirka ka soo qeybgashay iyo in la sameeyo xarumo caafimaad oo lagu dar yeello dadka waxyeelladu ka soo gaartay gudniinka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo soo xiray shirka ayaa ballan qaaday in maamulkiisu uu fulin doono qoddobada ka soo baxay shirkaasi oo ku aadan gudniinka iyo waxyeelladiisa.

Haweenka ka soo qeybgalay shirka / RBK

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo shirka soo xiray / RBK

Posted on January 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: