Caddaalad-Xumadu Yay U Daran Tahay?

Caddaalad-xumo waa abwaanka xadgudubka ummadda lagu sameeyo tan ugu daqarrada weyn oo lumisa kalsoonida qofku ku qabi karo hawlwadeenka dawladnimada.

Xadgudubyada uurkutaallada qofka ku reeba way badan yihiin, waxaase ugu dhibaal badan kuwa ku yimaada caddaalad-xumo, waxayna bulshada ku reebaan utun mahadho ah.

Garsoorka Guurtada

Garsoorka Bulshada waxaa Gacanta ku haya guurtada bulshada waxayna waafajiyaa caddaalad ayna ka muuqan eex, naasnuujin, danaysi, amar ku-taaglayn iyo nin jeclaysi toona. Gar kasta oo guurto go’aamiso ma yeelato lahan dambe oo caddaaalad-xumo ku abtirsada.

Astaamaha caddaalad-xumadu ku dheehan tahay oo kor ku tilmaaman iyo in kale oo badan waa dhacdooyin curtay markii xornimada la qaatay iyo wixii ka dambeeyey, waxayna dhalan rogeen garsoorkii ku salaysnaa hidda iyo dhaqanka suubban ee ummadda. Dhacdooyinka laga xishoodo maxaa agab uga dhigay madaxda dawladda?

Bililiqaysiga Garsoorka

Ku xadgudubka karaamada Dalka iyo gobonimada ummadda, dhaca hantida Qaranka, iyo duudsiga xaqa wadanigu uu leeyahay ayaa tiir-dhexaad u ah caddaalad-xumada bulshada lagu sameeyo, labo gole ayayna ka curan kartaa, halkaas oo laga hoggaamiya:

Maamulka dawladda mid ka dhalatay oo ay maleegaan Madaxdii caddaaladda sugi lahayd, iyo mid ka dhalata garsoorka guurtada bulshada.

Hiddaha iyo Dhaqanka ummadda marka dib loo jaleeco, lama hayo garsoor guurto fulisay oo dhaliilu ka timaaddo. In kastoo ayna gartu labo nin ka wada qoslin, haddana xaajada caddaalad lagu fariisiyo lahan iyo uurkutaallo dambe midna ma reebto.

Mas’uul kasta oo dawladda ka tirsan ama u shaqeeya waa inuu caddaalad iyo sinnaan ku shaqeeyo, hawlaha ummadda loo qabtana eex la’aan, sadbursi la’aan iyo agaasin habwanaag ku salaysan.

Caddaala-sugiddu caro iyo ceeb midna ma reebto ee caddaala-xumo ayaa ciil iyo caro waarta reebta, dhacdooyin yar yar oo isbiirsadaha ayaana qaran dhan dumisa, sida Soomaaliya oo kale:

Wiil baa Aqoontiisa ku helay deeq waxbarasho, markaasaa mid kale oo gibbaan ah lagu beddeley.Yaa dhalay? Madaxweynaha.

Nin baa qabey xaas aad u bilicsan, markaasaa waxaa aya aafduubay mid la dhashay wasiirka 1aad oo ay hadda dhallaan u haysaa.

Nin miskiin ah baa laha dhul faras-magaal ah, markaasaa waxaa xoog kula wareegay nin la dhashay afhayeenka baarlamaanka isagoo huwan haybad dawladnimo.

Nin baa hoodo u leh maleegidda khiyaano qaran, markaasaa lagu magacaabaa wasaarad halbowle u ah waxsoosaarka qaranka. Ninkaan lagu magacaabin jago leh il-dhaqaale waa la qadiyey. Reerkii aan la siin jagada wasiirka Waasaradda difaaca ama kan lacagta lama tixgelin. Aqoontii lama xurmayn. Kartidii iyo hufnaantii lama tixgelin. Caadilka garsoorka ku xeeldheer laguma magacaabin maamulkii ku habboonaa. Habkii dawliga waxaa beddelay:

Burcadnimo. Eex. Sadbursi. Naasnuujin. Xadgudub. Hantibursi. Gobolaysi. Amar-ku-taaglayn. Been. Mardadabaanimo. Dhagar maleegid. Abuurid xasarad colaadeed. Isku dir. Kala dir. Shisheeye kalkaalnimo,iwm.

Mas’uulka Dawladda u shaqeeya sidee buu maamul caaddil ah u noqon karaa? Sidee dhaca, boobka, xadgudubka iyo eexda looga gudbi karaa? Sidee dhaqanka xun oo la caadaystay looga saari karaa maamulka dawlaadda? Sidee loo soo celin karaa sharaftii iyo karaamadii bulshadu u haysey hawlwadeenka dawladda?

Hoggaan Dawlad Military ah ama mid Diin ku salaysan baa dhalan rogi kara Maamulka Dawliga ah oo la afduubay. Dhibka ummadda ku habsaday labaatankii sano ee lasoo dhaafay laguma eedayn karo hanqaltaagga dawladaha aynu deriska nahay.

Farta laguma fiiqi karo Aragtida UN-ku nagu maamulo. Abaaro dhabadheeraaday iyo collaad beelo dhexmartay sabab lagama dhigan karo. Kama dambeeyo laaluusha ay bixiyaan shirkadaha ajnabiga oo u malabsanaya inay boobaan kheyraadka dhabiigiga ah ee dalka ku jira.

Dhibka waxaa wada koox yar oo u dhardhigatay inay caddaalad-xumo ku taliyaan, rabitaanka ummaddana Afduubaan. Kooxdanu waxay u dhardhigteen inay ku xadgudbaan Sharafta iyo karaamada Qaranka. Inay boobaan hantida Qaranka. Inay ku xadgudbaan Xuquuqda Bulshadu leedahay. Inayna u arxamin danyarta Bulshada. Inay dhuuxaan laf kasta oo dhuux ku jiro, dabadeedna dalka cararaan marka layska dabayimaado. Indhasarcaad been imisuu sii socon kara…!!!

Haddii Madaxda TFG-du damcdo in wax hagaajiso, waa fududdahay tubta wanaagga loo maro: Waa dibudhis xeer garsoor oo lagu hufo habwanaagga Maamulka dawladeed oo hadda faraha ka baxay. Sidee wax loo qabtaa…?

  1. In ummaddu soo xulato xildhibaanno hufan oo daacad u ah u adeegidda Dalka iyo horumarinta Dadkaba.
  2. Waxaa ku filan in Baarlamaanku sameeyo xeer qayxan oo suulinaya shirqoollada Bulshada wiiqda oo ay kamidka yihiin: Caddaalad-xumada, eexda, naasnuujinta, ninjeclaysiga, baalgelinta, laaluush bixinta iyo laaluush-qaadashada, is-gobolaysiga, iwm.
  3. Marka ku xiga waa in Baarlamaanku abuuro Maamul garsoor oo madax bannaan oo caadil ah kaasoo awoodda kala siman Golaha hawlfunlinta iyo kan Baarlamaanka.
  4. In Golaha Baarlamaanku abuuro Maamul wax baara oo hoos yimaada garsoorka Madax- bannaan oo nalka ku shida cid kasta oo xadgudub ku samaysa Maamulka Dawliga ah ama dibindaabyada lagu falo Qofka Soomaaliyeed.

Si dawladdu u yeelato haybad Dawladnimo oo Bulshadu ku kalsoon tahay waa inay Bulshadu tallaabo cad ka qaaddo arrimaha soo socda:

Madaxda Maamulka dawladda waa in lagu soo xulo karti iyo hufnaan. Isagoo ku dhaadanaya jagada uu hayo iyo qalinka uu gacaanta ku hayo, mas’uulku waa inuusan tacadi ku samayn habwanaagga maamulka dawliga ah iyo tan qaranimada guudba. Caddaalad-xumo gaamurtay waxaa lagu dhalan rogi karaa maskax fiyow, maamul daacad ah iyo kalsoonidii bulshada oo dib loogu curiyo.

Sidee Loo Curin Karaa Kalsoonida Ummadda?

Dawladdu waa inay samaysaa sharci qayxan oo lagu dhaato. Qofna waa inaan sadbursi wax loo siin, kan kalena laga duudsiyin waxa uu xaq u leeyahay.

Waa in la xaqdhawro qof kasta qofnimadiisa, dantiisa, sharaftiisa, hantidiisa, qabkiisa, nabadgelyadiisa, mustaqbalkiisa, horumarkiisa iyo waddaninimadiisa.

Waxaa la qiyaasayaa in 98% ficillada xun-xun ooBbulshada wiiqa uu raggu sameeyo. Dumarka Soomaaliyeed ma laha wax lagu dhaleeceeyo, waxayse gabeen doorkii ay wax ku hagaajin lahaayeen oo ragga ku xakamayn lahaayeen.

Posted on January 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: