Daawo: Codka Issimadda Beesha Dhulbahante Oo Taageeray Maamul iyo Gooni Isutaag

Halkan ka Daawo Codadka Issimadda Beesha Dhulbahante oo Wada taageeray in Beesha ay Aayaheedda Ka Tashato iyo in ay Yeelato Maamul U gooni ah.

————————————————————————————————————–

Maamulka lagaga Dhawaaqay Taleex Illaahay Uun baa baajinkara!

Cidkasta oo hanjabtaa,cago juglaysa,ama dagaal ku baaqda,isimo colaad darteed go’a tuura, ama golayaal barlamaan iyo kuwo guurti oo lafadhiisiyo,iyo ga,aankasta oo ay soosaaran toona maturuturayn karto maamulka lagu dhisayo taleex oo ah mid shinkiisii dhamaaday.

Markii ladhisyay maamuladii soomaliyed meelkastaba ha,ahaadene kuwa naga fog waanu taageraynay,kuwa nagu dhawna waanu ladhisaynay,anagoo sida ay ugu faraxsanyihiin oo kale ugu faraxsan,walina raali baanu ku nahay ismaamulkoda cidii aan ka soo horjeedin jiritaanka umada soomaaliyed.

Waxaa nasiib daro ah in maamulada qaarkood ka naxeen samaysashada maaulkayaga,qaarna diyaar uyihiin inay weeraraan yadoo ujeedadoodu tahay sidan.

  • a)1 hatashanin ee aan kuu taliyo
  • b)2 aan ku maamulo ee adigu hays maamulin
  • c)3 maamul hadhisan anaa dhistaye iwm

Sidaa darteed suuro galmaaha cid qaadan kartaana majirto,cidkasta oo isku dayda inay mijo xaabiso maamulka ay samaysanayaan gobolada sool,sanaag,cayn way ku guul daraysanayaan,(kaadi casadaadina la,ogaa cidina biyo ku siisanmayso)waxay kala oo ay abuurayaan colaado dhexmara dadka walaalaha ah daris wadaagtana ah.

Maamulkan laga dhisayo sool,sanaag,cayn,maaha mid abuuray colaad dariseed,waana mid udiyaarsan soomalinimo,walaaltinimo,wadanoolansho iyo daris wanaag,cidwaliba wixii ay naga doonto yaanu uhaynaa (ninwaliba waxa uu kaa doono ayaa kaa deeqa.)

Ugu danbayntii waxaan umada soomaalida ugu baaqaynaa meelkastaba hajoogtee inay u soojeesato nabad galyada dhexdeeda iyo wax ka qabashada dhibaatada guud ee umada soomaaliyeed haysata kana shaqayso nabadaynta beelaha iyo horumarinta jiilkeena cusub.

Posted on January 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: