JAALIYADDA SSC EE WADANKA IMAARAADKA OO TAAGEERTEY GO AAMADII KA SOO BAXEY SHIRKII TALEEX

Shir balaadhan oo ay jaaliyada ssc ee wadanka imaaraadka carabtu ku yeelatey dalka imaaraadka 10/1/2012 wadanka imaaraadka gaar ahaan magaalada caasimada ah ee abu dhabi ayey waxa ay si buuxda u taageereen isla markasana ugu farxeen warka farxada leh ee ka soo baxey shirweynihii ayaamahanba beesha uga socdey magaalada taariikhiga leh ee taleex waxa ayna beeshu iyaka oo aan u kala hadhin ay ku balan qaadeen in uu goaankaasi yahey mid ay si weyn ugu diirsadeen in ay beeshu yeelato maamul u gaar ah oo ka madax banaan maamulada hareeraha ka xiga gobolada ssc.
JAALIYADA IMAARAADKU WAXEY U MAHADCELINEYSAA
  • 1/ Maskaxda aqoonyahanada shirka taleex ka danbeysey ee loo yaqaan  G6  IYO  G15
  • 2/ Isimada gobolada ssc
  • 3/ beesha reer taleex  NUUR AXMED Beeshaas oo run ahaantii hadii ay tahey qurbajoogtooda iyo      kuwooda ku sugan gudaha wadanka oo dhabarka u ritey culeyska baaxadaa le eg taariikhda dhulbahante iyo dhamaan umada soomaaliyeed ay xusuusan doonto isla markaana taariikhdu ay qori doonto.
  • 4/ jaaliyadu waxa ay u mahadcelineysaa beelaha shirkan soo hambalyeeyey isla markaana cadeeyey sida ayu taageersanyihiin goaamada shirka taleex beelahaasna waxaa ka mid ah :
  • BEESHA WARSENGELI  
  • BEESHA MAREEXAAN 
  • BEESHA CUMAR MAXAMUUD  MAJEERTEEN
  • BEESHA LEELKASE . 
  • CALI SALEEBAAN    
  • DASHIISHE  GERI KOOMBE   
  • DUDUBLE MUDULOOD  
  • URURKA HAWEENKA QARANKA SOOMAALIYEED EE MUQDISHO IYO BAARLAMAANKA FEDERAALKA  SOOMAALIYEED
UGU DANBEYNTII
Jaaliyada imaaraadku waxa ay ku balan qaadeysaa sidii caadada u aheyd in ay maamulkaas ay isla garabtaagayaan hiil iyo hooba waxa ayna cambaareyneysaa cid kasta oo isku teyda in ay ka hortimaado rabitaanka bulshada ssc beesha ssc maanta waxa ay muujiyeen sida ay uga goantahey in taleex laga bilaabo sidii umada soomaaliyeed ee ka irdhowdey la isugu keeni lahaa maamulkaasna uu noqodo maamul u taagan danaha gobolada ssc iyo dhamaan dhulka soomaalieed.
BAAQA JAALIYADA IMAARAADKA
Jaaliyada imaaraadku waxa ay ku baaqeysaa in kuwa ka soo jeeda gobolada ssc ee u shaqeeya maamulada  hareeraha sida ka garoowe ka arimiya iyo kan hargeysa ka arimiya isla markaan xil ku sheeg ka haya in ay   iska casilaan ha ahaado xil kasta oo ay hayaan  iyo hadii ay askar wax ku qaataan ha joogo laascaanood  ama garoowe hargeysa  isla markaana waxa ay ka heli jireen oo mushaar ah ha ka doorteen rabitaan shacbkooda.
Waxaana socda kacdoon shacab oo la mid ah kii ka dhacey meelo badan oo caalamka ah cidii ka hortimaada kacdoonka shacabka ssc waxaa qaadi doona duufaanta xilkii uu doono ha lahaadee waxanu ilaahey uga baryeynaa in shirkaas iyo maamulkaas uu noqdo mid wax badan ku soo kordhiya gobolada ssc isla markaana  waxaanu ka codsaneynaa aqoonyahanada G6 in ay arkaan sida shacabkoodu ugu faraxsan yahey in maamul u gaar ah oo dhameys tiran loogu sameyn lahaa gobolada ssc shacbiga gobolada ssc waxaan ka codsaneynaa in taalooyin iyo sawiro  lagu muujiyo sawirada G.6 laga taago magaalo kasta iyo tuulo kasta oo dhulka ssc ah .
RASHIID DIIRIYE FAARAX 
AFHAYEEN SSC EE IMAARAADKA
jaaliyada ssc ee imaaraadku waxa ay qabaneysaa hadii alla idmo xaflad balaadhan oo lagu taageerayo shirkaas taleex iyo goaamada waxaan ka soo qeyb geli doona madax fara badan oo ka socota gudaha dalka iyo dibadaba waxaana lagu martyi gelinayaa madax ka tirsan dowlada federaalka soomaaliyeed oo ku sigan wadanka imaaraadka  iyo dadweyne soomaaliyeed oo aad u fara badan oo ku nool imaaraadka

Posted on January 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: