Siilaanyo Oo Mudo Hub Urursi ku Jiray iyo Dagaal ku Soo Fool leh Degaanadda Beesha Dhulbahante

Waxaa isa Soo taray Wararka Sheegay in Maamulka Jabhadda SNM Ee Waqooyigga Soomaaliya in ay u Soo diyaar garoobayaa Dagaalk Sokeeye, Dagaalkan oo ah Mid Aarsi,Dhulbalaarsi,iyo Mid ay doonayaan in Dagaal Qabiil ay ku Qabsadaan Degaanadda SSC.
Aarsigga Siilaanyo:
Waxaana Og nahay in Siilaanyo iyo Ciidaankiisa ay Si Xun Ugu Jabeen Dagaalkii ka dhacay Dhinaca Gobolka Cayn, Waxaanu og nahay in la qariyay Raggii ku dhintay Dagaalkaas ama ku Dhaawacmay,Waxayna ku noqto Maamulka Jabhadda SNM Ee Waqooyigga Soomaaliya dhabar jab Wayn, Waxaana Halkaas ku Jabay Hankii iyo Kibirkii ku Jiray Ciidamaddaas,Iyaggoo Ugu Hanjabi Jiray ilaa Garoowe Ayaan Qabsan Karnaa ama Xuduuda Ayaan Soo Taabanaynaa, Dhirbaaxooyinkii kaga Dhacay Gobolka Cayn Ayaa Waxay ku Kalifeen in Cadho iyo Ciilba ay kala Huleelaan Degaanadda Gobolka Cayn.

Haddaba Waxaan Odhan Karnaa Dagaalkan Hadda Wuxuu Noqon doonaa Mid ay Kagaga Aargoostaan Difaacii Adkaa Ee kaga Yimid Gobolka Cayn.
Siilaanyo oo ku Jirtay Tabaabasho Dagaal iyo Hub Uruursi. 
Waxaan Og nahay in Siilaanyo uu Codsiyo badan u dirsaday Caalamka Qaas Ahaan Wadanka Ingiriiska in laga Qaado Cunaqabatayn Soomaaliya Saaran oo ay Hub la Soo dagi karaan, Waxaan Jirtay Warqad Internet lagu Faafiyay oo Ahayd Dowladda Ingiriiska oo Waydiisatay Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya in u Ogolaato in Maamulka SNM-ta la Soo dagaan hub, Waxaa la Sheegaa in Dowladda Federalka in ay Arintaas ka Soo Horjeesatay.
Safaraddii Siilaanyo uu ku Tagay Wadamadda Ethopia iyo Suudaan.
Waxaan Og soo nahay in Siilaanyo Uu ku Tagay Safaro kala Duwan Wadamadka Ethopia, Waxaana Saxaafadda Wadanka Ethopia Lagu Fidiyay in Siilaanyo Uu ka Codsaday in Dowladda Ethopia ay ka Caawiso Arimaha Nabad galyadda, Hashiiskan oo ahaa Heshiiskii Ay SNM-ta Ku bixisay Dekadda Berbera Ayaa Waxaa Dowladda Ethopia kala Heshiisay in ka Shaqayso Nabad galyadda SNM Halka Siilaanyo Uu ka Bixiyay Dekadda, inkastoo Oo aan la Hayn Wararka Xaqiiq ah, Haddana Waxaa laga Shaki Qabaa in Dowladda Ethopia ay Siiyay Hub fudud.
Alshabaab: 
Warar lagu Kalsoon Yahay Ayaa Waxay Sheegeyaan in Qaar ka mid Maamulka SNM-ta ay kula Kulmeen Wadanka Jabuuti qaar ka mid ah Madax ka Socotay Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Maraykanka, Waxay Wararku Sheegey in Maamulka SNM Ay Waydiisatay Dowladda Maraykanka( Protection)ka Ilaaliso Kooxda Alshabaab, Waxayna uga Cowdeen Dowladda Maraykanka Haddii Aanan Laga Caawin Arimaha Nabad galyadda in Ay Kooxda Alshabaabka ay Qabsan karaan, Kulamadaas ka dib, Siilaanyo Ayaa Wuxuu u Ogolaaday in Dowladda Maraykan Ciidamadda la Dagaalama Alshabaab in ay Ciddii ay ka Shakiyaan ka qabsan karaan Godaha Goboladaas,Waxaana ku Xigtay in Ciidamadda Maraykanka Oo Wata Diyaaradda Helocopter ay kala baxeen Magaaladda Burco Dad loo Shaki qabo in ay Xiriir la Leeyihiin Alshabaab.

South Afrika: 
Waxaa kale oo jirta Warar Sheegaya Dagaalkii Gobolka Cayn ka dib in Qaar ka mid ah Maalqabeenadda SNM Ay Lacaga badan ugu deeqeen Maamulkaas Si loogaga Soo Iibiyo Hub dhinaca South Africa, Qaar ka mid ah Saxaafadda Ayaa Waxay soo Qoreen Sawiradda baaburtii la saari lahaa Hubkaas oo laga Soo dajiyay Dekadda Berbera.
Shacabka SNM-ta 
Waxaa kale oo Soo kordhaya Wararka Sheegaya in SNM ay Markan Adeegsanayaan Dadka Rayidka iyo (Tribal Chiefs) Isimadda Qabiiladda Si ay U helaan Ciidan iyo Dhaqaalaha Bulshada rayidka,Waxaa Jira Olole badhaan oo ay Wadaan Saxaafadda,Qabiiladda,iyo Dowladda in Beesha Dhulbahante Markan Dagaalkeedda lagu Wajaho Qaab Qabiil, Sababtuna Waxay Tahay Siilaanyo Uma hayo Ciidan ku filan in uu ka Dagaalamo Degaankaas Balaadhan iyo Bulshadda Rayidka,Siilaanyo oo Xilliggii Jabahaddii SNM ka Helay Ciidan aan la Cadidi karin Beelaha Isaaqa Ayaa Wuxuu doonayaa in dib u soo Celiyo Taariikhdii foosha xumayd EE Jabhadda SNM iyo Dagaal kale oo Dhexmara Bulshadda Rayidka.

Posted on January 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: