Caalin oo ku eedeeyey Sharif Shiikh Axmed inuu qasaayo Siyaasada Gobolka Mudug

Caalin ayaa sheegey in Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed uu haatan ku hawlan yahay sidii uu u kala qayb-qaybin Gobolada Gal Gaduud iyo Mudug.

Caalin ayaa soo hadal qaaday Shirar dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Gal gaduud sida Magaalada cadaado, Caabud waaq iyo meelo kale kuwaasoo uu sheegey in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo bur burin lahaa Maamulka Galmudug.

Caalin ayaa hoosta ka xarriiqay in Degmada Hobyo ay ka mid tahay Maamulkiisa isla markaana uusan Madaxweynaha Dawladda Federaalku xaq u lahayn in uu Maamul u sameeyo isagoona intaa raaciyay in wixii maamul ah ee halkaa laga samaynayo in ay tahay marka hore in iyaga loo soo maro.

Tani ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horeeyay ee Maamulka Gal Mudug State uu si toos ah u Eedeeyo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya iyadoo la ogaa in Maamulka Gal Mudug uu xiriir wanaagsan la lahaa dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Madaxweyne Caalin ayaa sheegey in aysan marnaba raali ka noqonayn fara gelin uga timaada maamulkooda.

Galmuudg ayaanan wali ka baxin qalalaaso siyaasadeed oo dhexdeeda ah, kadib marki ay Baarlamaanka xilka ka qaadeen Madaxweyne Caalin, iyo Mr Caalin oo kala diray Baarlamaanka.

Posted on January 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: