Ing Cali Madaxeey “Waxaa ugu Baaqayaa Madaxweyne Shiikh Shariif in Gobolka Shabeelada Dhexe si Cadaalada ah Wax ugu Qaybiya”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe State, Eng. Cali Madaxeey Jawle, ayaa ku Tilmaamay cadaalad daro, magacaabista gudoomiyaha cusub, oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif, u Magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, Sababtoo ah waxaa uga xaq leh qabiilada Dega Gobolaas,

“Mida kale waxaa ka jira Maamul Goboleed, waxaana habooneyd in lala Tashado Odayaasha, iyo Waxgaradka, ka soo jeeda Gobolka, iyo Maamul Goboleedka, halkaas ka jira, kaas oo ay Ogtahay Dawlada KMG ah, mana ahayn ineey hada ay u magacaawdo Gudoomiye Cusub, taasi waxey keeni kartaa isku dhac ay ka timaado qabiilada degan Gobolka, waana ka war Qabaa Madaxweyne Sheekh Shariif, inuu Gobolku leeyahay Maamul Goboleed”ayuu yiri Ing Cali Madaxeey oo intaa Raaciyey.

“waxaan uga digaa Dawlada KMG ah ineeysan dhib abuurin, oo aysan Dagaal Hurin, ee waa ineey ka shaqeeysaa sidii Nabad loogu wada noolaan lahaa Gobolka, taas oo ay micneheedu tahay Gobolka wuxuu leeyahay Maamul Goboleed, waxaana Dega Qabiilo badan, waxeyna Taageersan yihiin Maamul Goboleedka,waxeyna sheegeen ineysan la shaqeyn doonin Gudoomiyaha Cusub, oo loo soo Magacaabay hadii aan nahay Qabiilada Kala, 1- Agoonyar 2-Maxamed Muuse 3-Gaaljecel- 4-Jareer 5-Daa,uud 6- Cabdulle Galmaax, 7-Reer Mataan 8- Cili Cumar, kuwaas oo Degan Gobolka, Iyaga ayaa xaq u leh in loo Magacaabo Gobolka Shabeelaha Dhexe, hadii cid loo Magacaabaayo”

“Waxaa ka Codsanyaaa Madaxweyne Sheekh Shariif, inuu fiiriyo Dhinaca Cadaalada, Qabiilkaan uu hada u magacaabaayo waxeey Gobolka Gudoomiye ka soo Noqdeen 10 Jeer, inta kale waa waxba kama Jiraan miyaa? Mudane Madaxweyne, Arintu sidaas ma ahan Mudane Madaxweyne, ee waa in aad Cadaalad wax ku Qeybisaa.,Aniga ayaa la Xiriiray Qabiilada kor ku Qoran, waxeyna ii sheegeen in ay tahay Cadaalad daro Arinta uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Sheekh Shariif, ee waa inuu wax ka bedelaa arinka ku aadan Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee uu u Magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, hadii kale waxaa ka dhalaneysa arin aad u fool xun, mana Ogolaaneyno Gudoomiyaha Cusub, hadii aan nahay qabiilada dega gobolka shabeelaha dhexe”Ayuu yiri Cali Madaxeey

Posted on January 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: