Midowga Afrika oo sheegay in xildhibaanadii xil ka qaaday Shariif Xasan ay yihiin kuwo qas-wadayaal ah oo fowdada ka hela

Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay khilaafka marba marka ka dambeysa sii laba-lixaadsanaya ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo sidoo kale gacan ka hadalkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Golaha Shacabka.

 Warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Midowga Afrika Jaen Peng ayaa lagu sheegay inay sharci-daro tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan, wuxuuna intaasi ku daray in lagu xad-gubtay heshiiskii Kampala, xildhibaanada iyagoo tixgelinaya heshiiskaasi aysan sameyn Karin wax xil ka qaadis ah, wuxuuna ku eedeeyay xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariif Xasan ay yihiin qas-wadayaal.

 “Waxaan ka hadleynaa xil ka qaadistii Shariif Xasan, waxaan idiin sheegayaa in xildhibaanadii sheegay inay xil ka qaadista sameeyay ay yihiin kuwo qas-wadayaal ah oo fowdo un ka shaqeeya, Midowga Afrika arrinkaasi ma aqoonsana, wuxuuna tixgelinayaa heshiiskii ay madaxda Soomaalida ku wada-gaareen magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugandha, mana aqbali doono go’aanka xildhibaanada xilka ka qaaday Shariif Xasan” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka ka soo baxay Guddoomiyaha Midowga Afrika Jaen Being.

 Sidoo kale Guddoomiye Jaen Being warsaxaafadeedka ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay inay tixgelin weyn u hayaan heshiiskiiKampala, wuxuuna warsaxaafadeedka intaasi ku daray inay si taxadar leh ula socdaan arrimaha dalka Soomaaliya, wax kasta oo dhacayana waan ka fiirsan doonaa ayuu yiri markale Jaen Being.

Posted on January 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: