Beelaha Banaadiriga oo soo dhaweeyay Xildhibaan Shariif Maxamed in uu noqdo Guddoomiyaha SNU + Sawiro

MUQDISHO ( Moment Media ) – Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho dhowaan ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Banaadiriga waxa ay isku afgarteen in xilka banaan ee guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Banaadiriga ee SNU uu qabto Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid. 

Hadaba Kulan maanta ka dhacay guriga Duqa Culumada Aala-faqiih Maxamed Bin Cali (Uunsane) ayaa waxaa loogu duceeyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid laguna taageeray in xilka si buuxda uu ula wareego marka la gaaro doorashada xisbiga SNU ay si rasmi ah ugu caleema saari doonaan maadaama xilkaasi uu hadeer muteystay.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Malaaqyada Malaaqooda ahna mas’uulka ugu sareeya ee Beelaha Banaadiriga Malaaq Suufi Muude Cali (Buuwe Muude) iyo guud ahaan Beelaha Banaadiriga, waxaana ay si rasmi ah u sheegeen in ay soo dhaweynayaan xilkani Guddoonka SNU in uu qabto Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid.

Duqa Culumada Aala-faqiih Maxamed Bin Cali (Uunsane) oo ka hadlay goobta ayaa si aad ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid, waxaana uu sheegay in xilkani in uu qabto ay aad ugu faraxsan yihiin ayna si buuxda ula shaqeyn doonaan.

Dhinaca kale waxaa isla guriga Maxamed Bin Cali (Uunsane) oo ah duqa Culumada Aala-faqiih ka dhacay Ziyaarada Sheekhul Kabiir Sheekh Maxamed Faqiih oo sanad waliba sidani oo kale loo qabto, waxaana laga aqriyay goobta Mawliidka Maalikiga loo yaqaano oo u gaar ah Culumaa’udiinka Aala-faqiih.

Shaaciriintii kasoo qeybgashay waxaa kamid ahaa Sheekh Shaacir Cumar, Saalim Cumar, Macallin Caydaruus Cumar, Sheekh Cali Xaaji Maxamed, Sheekh C/raxmaan Xaaji Axmed oo ah Guddoomiyaha firqatu Rifaaciyah, Bashir Maxamed oo ka dhaxlay aabihiisa Al-shaacirul kabiir Dr.Maxamed Cabdulqaadir Maxamed iyo Shaaciriin kale iyadoo culumaa’udiin fara badan iyo waxgaradka Beelaha Banaadiriga oo dhan ay si buuxda uga soo qeybgaleen.

Waxaa halkaasi loogu faataxeeyay in Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga SNU ayna muujin doonaan Beelaha Banaadiriga sida ay u taageersan yihiin, waxaana ay munaasabadda kusoo gaba gabowday jawwi aad u qurux badan.

Posted on January 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: