Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo maanta u kala ambabaxay Waddamada Ethiopia iyo Talyaaniga

DAAWO SAWIRADA MUQDISHO:- Wafuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo R/wasaaraha ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo ku sii kala jeeda wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shirka Midowga Afrika iyo kan urur Gobolleedka IGAD oo maalinta berrito ah halkaasi ka dhicidoona.

Mudane Sheekh Shariif Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamadaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo sidii ciidamada AMISOM loo gaarsiin lahaa gobollada kale ee dalka mar hadii Muqdisho laga saaray maleeshiyaadkii Shabaab ee dadka dhibaatayn jirtay.

Sidoo Kale R/wasaaraha Xukuumadda KMG ah Dr. C/weli Max’ed Cali ‘Gaas’ iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay u ambabaxeen dalka Talyaaniga oo uu R/wasaaruuhu ka helay martiqaad rasmi ah.

R/wasaaraha ayaa sheegay in muddada uuu joogo dalkaasi uu la kulmi dooono dhiggiisa dalkaasi Talyaaniga Mario Monti, isagoo sida uu sheegay kala hadli doona xaaladda dalka iyo horumarrada ay dowladdu sameeysay, sidoo kale R/wasaare C/weli waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Safarrada shaqo ee madaxda Qaranku ku aadeen wadamadaasi ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu muujisay iyo horumarka ay ka sameeysay dhinaca ammaanka, taas oo keentay in Muqdisho laga furo xafiiska Q.M. u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS.

Posted on January 27, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: