Afhayeenka Beesha Shiikhaal oo Eedeen usoo jeediyey Puntland

Mogadishu (Moment Media Group)  Mudane maxamed xasan nuur oo warbahinta madax banaan kula hadley magalada muqdisho ayaa ku eedeyay maamulka Puntland in ay weeraro ku soo qaadeen xaafada beesha Shiikhaal ka dagantahay magalada Galkacyo. Weerar iyo dagal isir sifeena ah taaso keentay in dadka deeganka ay iska cabiyaan weerarkaas gardarada ahaa ee ay ku soo qaaden maleeshiyada ka soo jeedo Puntland dadka deeganka waxana ka dhashey dhimisho iyo dhaawac dagalkaas ay soo qaaden maleeshiyada reer Puntland ee Cumar Maxamuud waxaan ku geeriyoodey dad gaariyo ilaa tobon ruux oo rayid ah waxaan ugu baaqeeyna salaadinta iyo wax garadka reer Puntland ee Galkacyo dagan in ay wax ka qabtan xasuuqa iyo weerarka bahal nimada ah ee ay maleeshiyada Puntlad maalin kasta ay ku soo qadayaan xaafada beesha Shiikhaal ka dagantahay magalada Galkacayo .

Afhayeenka beesha Shiikhaal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkan uusan aheeyn kii kowad oo ay jiren weeraro iyo dagaalo joogta ah oo ay caado ka dhigteen maleeshiyada reer puntland in ay ku qaadan deeganada ay ka dagan tahay magalada galkacyo beesha Shiilkhaal waxaanu afhayeenku sheegay in ay iyagu iska difaacayaan cid kasto ku soo gardarootada cidana ayasan weerar ku aheeyn 

Waxaanu afheynku xusey Mudane Maxamed Hasan Nuur in maleeshiyada Puntland ay joogta ka dhigteen in ku soo gardaroodan xafada aanu ka daganahay magalada Galkacyo dhoowr jeer oo sidaan kale dhacdey oo ay kala kulmeen iska caabin xoogan waxaan ugu baaqeyna ismada saladiinta gobolka Mudug in ay wax ka qabtaan gardarada maleeshiyada Cumar Maxamuud maalin waliba ku soo weerarayan xafad aysan dagneen magalada Galkacyo waxa wada dagan inkabadan todobo beelod oo Soomaali ah waxaana lagu wada dagnaa diris wanaag iyo deegan qabiilna qiibilka kale ma qabsan karo ha ogadeen maleeshiyada beesha Cumar Maxamuud ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay afhayeenka beesha Shiikhaal oo caawa warbahinta uu kala hadliyay magalada Muqdisho mudane Maxamed Xasan Nuur .

Hadalka afhayenka aya imaniyo dagal culus oo ku dhax marey bartmaha magalada Galkacyo iyo dhanka bari magalada labo maleeshiyop beeled oo ka soo kala jeedo maamulada Puntland iyo Galmudug uu dagal toos ah ku dhax maro magalada Gaalkacyo iyadoo dagalkasi ay ku dhinteen dad kor u dhaafiyo ilaa toboneeyo ruux sidoo kalena uu sameyay barkac balaaran dadka deeganka iyo dad qoxooti ah horey uga soo cararey gobolada koonfureed oo dagana agagaarka Airporka Galkacyo walina ma muuqato saan saan nabadeen oo lagu baajiniyo dagalka ka qarxay magalda Galkacyo.

MultiethnicSociety

Posted on February 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Cape Town, – Kulan Qado Sharaf oo ka dhacay magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika gaar ahaan Beesha Shiiqaal ayaa waxaa baaq nabadeed loogu diray beesha Faqi Cumar oo dhawaan gacan ka hadal ku dhexmaray deegaanka Raaso.

    Kulankaasi oo ay qeybgaleen Culuma’udiin,Odayaal, Waxgarad, Ganacsato iyo dhalinyaro kasoo jeeda Beesha Shiikhaal ayaa waxaa tacsi u direen eheladii dadkii ka ay ka geeriyoodeen beelaha walaalaha ee ku dagaalamay deegaankaasi,

    Sh. C/raxman Maclin Maxamuud oo ka mid ahaa Culumadii kulankaasi ka qeybgashay oo qudbad diini ah ka jeediyay madasha kulanka ayaa sheegay in in gabi ahaan dhiigga qofka Muslimka ah uu xaaraam yahay isagoo baaq u jeediyay beelaha walaalaha ah ee ku dagalamaya in ay si deg dag oo shurud la’aan u joojiyaan.

    Sidoo kale Culumo, ganacsato iyo dhalinyaro kale oo halkaasi hadlo ka jeediyay dhamaantood waxay ka sinaayeen baaqa nabadeed ee ay u jeediyaan Beesha Faqi Cumar ee degta deegaanka Raaso oo ay dagaalo ay ku dhamaadeen dad aad u farabadan ka dhaceen,

    Dhawaan ayay ehed markii ay deegaanka Raaso ay dagaalo dhiig badani ku daateen ku dhexmaray beelo walaalo ah kadib markii ay dhexmartay is faham la,aan taasoo markii dambe sababtay in dagaalo ka dhacaan.

    Xaaladda Raaso, ayaa haatan degan, waxaana jira waan-waan nabadeed oo looga gol leeyahay xallinta xiisadda ka aloosan halkaasi.

    C/risaaq Indha Jaceyl
    Cape Town, South Africa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: