Madaxweyne Obama oo taageeray shirka London iyo Britain oo ka hor timid in xayiraada hubka laga qaado Somalia

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa taageeray shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee dhawan ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ka dib markii uu oo taleefoonka kula hadlay Raisul wasaaraha Ingiriiska David Cameroon.

Barack Obama iyo David Cameroon ayaa ka wada hadlay arrimo quseeya dhacdooyinka caalamka ka taagan waxaana Obama uu sheegay inuu soo dhaweynayo shirka Soomaalida loo qabanayo ee 23-ka bishan ka dhacaya magaalada London waxaana uu intaa ku daray Obama in shirkaasi ay Ingiriiska kala qeyb qaadan doonaan

Dhinaca kale Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Britain William Hague oo socdaal ku maraya dalka koonfur afrika ayaa ka soo horjeestay in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia mudada 20ka sano ka badan, wuxuuna xusay in hadii ay taasi dhacdo ay sii xumeyn karto xaalada dalka.

Xiligan ma wanaagsana in xayiraada hubka laga qaado dowlada Somalia, Waa in AMISOM la siiyaa taageero xoogan sida in la qalabeeyo oo lana kordhiyo ciidamadooda sidaas ayey ku iman kartaa nabaad Somalia” ayuu intaa ku daray Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Britain William Hague oo hadalkiisu uu ku soo aaday xili DKMG Somalia ay codsatay in laga qaado xayiraada hubka asi ay isaga celiso Al-shabaab iyo Al-Qaacida.

Isagoo ka jawaabayey sida uu arko Midowga Al-Shabaab ee Al-Qaacida ayaa Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Britain William Hague waxaa uu sheegay in arintaas ay Qatar ku tahay amaanka caalamka iyo wadamada geeska Afrika ayna isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa kooxahaas ay ka wadaan Somalia.

Posted on February 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. War deg deg ah: Britain oo gaashaanka ku dhufatey codsigii DFKMG
    February 14, 2012
    Dowlada Britain ayaa durbo ka hadashay Codsi Dowlada KMG ee Soomaaliya kaga dalbatay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in laga qaado Cunaqabateynta hubka saaraan Soomaaliya si ee Dowlada ula Dagaalanto Al-Qaacidada Soomaaliya.

    Wasiirka arrimaha dibada dalka Britain Wilyam Heuge ayaa sheegay in ay adag tahay waqtiga ay mareeso Soomaalia in laga qaado xaalada ku aadan cuni qabateenta dhanka hubka ee saaran

    , waxaana uu sheegay in aysan wax hataan loo bahan yahay in lo istaago sidii loo meelmarin lahaa arrintaani.

    Mr Heuge oo waresi siinaayay wakalada wararka Reuters ayaa sheegay in ay haatan ay wadaan dadaalada ay ku taagerayaan Ciidamada nabad ilaalinta ee taabacsan Midawga Afrika .

    Wasiirka aya ainta aku daray in Hay’ada Qaramada Midoobay ee kor ka indha indhenayso Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si ay u sii wadaan hawlgalka nabad ilaalinta ay u jogaan Soomaalia.

    Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in sanadaha soo socda la kordhin doono Ciidamada nabad ilaalinta ee jooga dalka Soomaalia.

    Hadalkaani wasiirka arrimaha dibada Britain ayaa kusoo beegmaya waqti ay dawladda KMG ee Soomaalia ay ka dalbatay in cuna qabateenta dhanka hubka ee Soomaalia loo qaadi lahaa si ay ula dagaalamaan xarakada xarakada Alshabaab oo shaaciyay in ay Alqaacida si rasmi ah ugu biiren.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: