Khaatumo State oo laga soo dhaweeyay Norway

 

Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi la socda ayaa soo gaaray caasimadda dalka Norway ee Oslo, iyagoona ujeedka safarkoodu yahay mid la xiriira casuumaad ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Norway. Prof. Galeyd oo wareysi gaaban siiyay shabakadda ayaa uga waramay arrimo ay ka mid yihiin safarkooda Norway iyo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa maamulada Khaatumo State of Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan tan iminka ka taagan magaalada Buuhoodle.

 WAREYSIGA PROF. GALEYDH:

Shirar horudhac ah ayuu sheegay in ay la yeesheen wasaaradda arrimaha dibadda Norway oo ay martiqaad ka heleen, kuwo kalena ay la yeelan doonaan maalmaha soo socda.

Waxa uu sidoo kale Prof. Galeydh sheegay in ay kulan la qaadan doonaan soomaalida Norway maalinta Sabtida ah oo ku beegan 11/02/12.

Sidoo kale waxa uu Prof. Galeydh ka hadlay shir dhawaan lagu soo gabo-gabeeyay deegaanka Taleex kaas oo mudo bil ku dhow socday, loogana dhawaaqay maamulka Khaatmo State of Somalia oo ay sameysteen dadka ku dhaqan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Buuhoodle ayuu sidoo kale ka hadlay, waxaana uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in colaadda la soo afjaro islamarkaana labada maamul ee Khaatumo State iyo Somaliland ay wada fariistaan. Waxa uu ka dhawaajiyay in nabadda uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” aysan aheyn mid u cuntameysa dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn, inta uu xaqirayo maamulkooda. 

Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dad ah iyo siyaasiga caanka Prof. Cali Khaliif Galeyd ayaa shalay galab ka dhacay caasimadda dalka Norway ee Oslo. Kulankan oo ahaa mid ay u wada dhamaayeen jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan caasimadda Oslo ayaa waxaa loo hadlayay arrimaha maamulka cusub ee KHAATUMO STATE OF SOMALIA iyo xiisadda colaaleed ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya ka taagan.

DAAWO KHUDBADDA GALEYDH:

Prof Galeydh oo kulankaasi ka hadlay ayaa Soomaalida uga warbixiyay ujeedka loo aas-aasay Khaatumo State, isagoona sidoo kale ka hadlay xiisadda u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn oo iyagu dhistay maamulka Khaatumo.

Hadafka laga lahaa dhisidda maamulkaasi ayuu sheegay in uu yahay mid ay ka badin waayeen, iyadoona mudo 20-sano ka badan deegaanadaasi aysan laheyn wax maamul ah oo kala ah.

Waxa uu sheegay in cidna lagu colaadineyn, cidina lagula tartameyn maamulkaasi balse uu yahay mid ay dadka deegaanadaasi aayohooda ku ilaalsanaayaan.

Prof. Galeyd ayaa sidoo kale ka hadlay waraaqo baryahaanba la sheegayay in uu Burco heshiis kula galay maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in waraaqahaasi aysan waxba ka jirin, heshiiskii uu Burco ku galayna isaga iyo Garaado ay ahaayeen kuwo nabadda uun khuseeya, marnana looga hadal kala goynta dhulka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn jaaliyadda Soomaalida Norway ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee KHAATUMO, waxaana ay sheegeen in maamulkaasi yahay mid buundo u ah midnimada Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sidoo kale ku amaanay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn ee iminka dhistay maamulka Khaatmo in ay waligoodba laf-dhabar u ahaayeen midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

 

HEES CUSUB: KIBIRKII MAXAA HELEY  

Posted on February 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: