Shirka LONDON: Ifafaalaha Shirqoolkii BARLIN Ee 1884-kii Iyo Qaybsashadii Afrika Ee Guumaysiga reer Yurub..

Maxaa Sirro La Qaybsaday..

Shirka LONDON: Ifafaalaha Shirqoolkii BARLIN Ee 1884-kii Iyo Qaybsashadii Afrika Ee Guumaysiga reer Yurub..

Iyadoo uu ka hadhay muddo ka yar laba Toddobaad, kuna siman 11 Maalmood waqtiga rasmiga ah ee loo asteeyey qabsoomida shirka dalka guul-daraystay ee Soomaaliya loogu qaban doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska oo ku began 23/02/2012, ayaa marba marka ka dambaysa waxa soo if-baxaya shaki iyo tuhuno hor leh oo salka ku haya ujeeddada iyo nuxurka shirka.

Kulankan oo agaasinka, isku daba-ridka iyo natiijadiisaba uu gadh-wadeen ka yahay dalka Ingiriiska, sidii qorshuhu yahay-na Madal keliya la isugu keeni doono dhammaan dhinacyada maamul ee ka jira wixii la isku odhan Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasoo marka dhinac laga eego ah fadhigii Koowaad ee arrinta Soomaaliya kaga wada-hadlaan Kooxaha Soomaaliya oo Somaliland-na qayb ka tahay.

Sidoo kalena, waxa isa soo taraya qaylo-dhaano shirka ka dhan ah oo kasoo yeedhaya xubno isugu jira diblumaasiyiin u dhashay dalal shisheeye iyo siyaasiyiin asal ahaan Soomaali ah, balse aan wax xil ah hadda hayn, kuwaasoo dhammaan ka dardaar-werinaya natiijada kasoo bixi doonta shirka, kaasoo haddii lagu guuleysto ajendaha shirka suurtogal ka dhigi doonaa bilowga gumaysi casri ah oo Qarniga 21aad dib uga curtay Geeska Afrika.

Dhinac kale, haddii aynu ka eegno Taariikhda shirka waa kulankii 7aad oo 21-kii Sanno ee Soomaaliya burburka ku jirtay Kooxaha Soomaalida isugu yimaadaan, laguna soo dhiso Dawlad Maqaar-saar ah oo aan kalsoonida Shacbiga haysan, balse u taagan danaha Dawlado shisheeye.

Haddaba, inta aynaan u gelin falaan-qaynta nuxurka qoraalo SIR ah oo ku saabsan ajendaha rasmiga ah iyo nuxurka natiijada shirka oo Wargeyska “Yool” ka helay Ilo Diblumaasiya oo dhuun-daloola qorsheyaasha ku jira daaha debadiisa, waxaynu qadar isdul-taagi doonaa ama ka xusi doonaa qaybo ka mid ah afkaaraha iyo ra’yiga shirka laga, gaar ahaan aqoon-yahano u dhashay Somaliland/Soomaaliya.

Haddii aynu ku horeyno Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Aqoonyahan u dhashay Somaliland, balse aan inta badan soo dhexgelin arrimaha siyaasada, kuna sugan mid ka mid ah Wadamada Afrikada Waqooyi oo Wargeyska “Yool” wax ka weydiiyey aragtidiisa ku aadan qorshaha Dawlada Ingiriisku ka leedahay shirka iyo natiijada laga filan karo inay kasoo baxdo, ayaa isagoo u daliishanayey tacliiq uu ka bixiyey Xoghayaha Arrimaha ee Dawlada Ingiriisku, waxa uu ku tilmaamay qorshaha kulanka London mid salka ku haya difaaca danaha Siyaasadeed, dhaqaale iyo Amniga ee Ingiriisku ka leeyahay Geeska Afrika iyo Marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, mar uu ka hadlayey natiijada laga filan karo inay shirka kasoo baxdo waxa uu tibaaxay in shirkani noqon doono mid ka duwan kulamadii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida loo qaban jiray, sidaa awgeed-na uu noqon doono mid aan laga talogelin Soomaalida. Hase-yeeshee, ay kasoo bixi doonaan go’aamo ka duwan waxyaabaha indho-sarcaadka ah ee dadka badidoodu hadda ka filayaan.

Geesta kale, aqoonyahan madaxbannaan oo u dhashay Koonfurta Soomaaliya, ayaa isna sidoo kale ku tilmaamay shirka London mid ku socda ajendayaal qarsoon oo ku fadhiya masaalix-siyaasadeed oo wadamada reer Galbeedku Soomaaliya ama Mandaqada ka leeyihiin, isla markaana ay kasoo bixi karaan waxyaabo rabitaankooda ku dhisan oo ay ka mid yihiin dhismahaGole-maamul oo Soomaaliya metela, beesha Caalamkuna kala xidhiidho arrimaha Soomaalida, kaasoo ka kooban dad isugu jira Soomaali iyo Ajenabi.

Docda kale, shirka loogu magac-daray [Road-Map] ama dhabihii Qorshaha, kana soo unkamay kulankii ka dhacay Kampala ee lagu soo af-jaray khilaafkii madaxda TFG-da, waxa wejiyadii kan ka horeeyey oo runtii shirkan gogol-xadhkiisa ahaa lagu soo qabtay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kiiniya. Iyo sidoo kale Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood-na lagu sameeyey ama lagu abuuray hay’addo Caalamiya oo mustaqbalka ka hawlgala Soomaaliya iyo hindisaha shuruuc cusub oo iyana awood siin-doona qorshaha qarsoon ee shirka.

Haddaba, shirka oo inkastoo hadda qabashadiisa dawlada Ingiriisku ku isiman tahay, hadana loollano kale oo ku saabsan awooda gacan-ku-haynta majaraha Shirka, oo u dhexeeya dawladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ah, kuwaasoo qoloba gaarkeeda u sidato ajende u khaas ah, hadaynu soo qaadano qorshaha dawlada Ingiriiska oo iyadu Shirka marti-gelisay waxay ku doodaysaa in Soomaaliya laga dhiso nidaam-hoosaad ama waxa loo yaqaano “Interim Authotiry”, isla markaana Soomaalida wax loogu qaybiyo shaxdii ahayd 4.5 isla markaana si siman loogu soo xulo gole ka turjumaya 18-kii ee uu ka koobnaa dalkii la isku odhan Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Inkastoo ay jiraan aragtiyo kale oo Dawlada Ingiriisku qabto oo tilmaamaya in la abuuro guddiyo hoosaad kale oo iyana gacanta ku haya maamulka Khayraadka dalka iyo deeqaha caalamiga ah.

Geesta kale Dawlada Talyaaniga ayaa iyadu Kow ka ah dalalka reer Yurub ee marka arrimaha Soomaalida laga hadlayo aan ogolayn in dabadeed in cidi hadasho, ayaa dhinaceeda dedaal ugu jirta in Soomaaliya maamul ahaan loo dhiibo guddi Qaramada Midoobay ka socota, guddidaas oo Midowga Afrika uu xubin ka yahay.. La soco Caddadka danbe qaybo kale oo aad xiiso badan.


Posted on February 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. William Hague “Ingiriiska hadduu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland waa mid mushkilad ku abuureysa”

    Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay markii ugu horeysay in dowladaha Ingiriiska iyo Itoobiya uusan midkoodna aqoonsan Karin maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsadaanna ay si weyn ugu khasaari doonaan, wuxuuna intaasi ku daray in dalal kale oo Afrika ah cod ka yimaada lagu aqoonsan karo Somaliland.

    “Xaaladda aaqoonsiga waa mid culus, waana mid mushkilad ku abuureysa Ingiriiska hadduu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada, sida Itoobiya mushkiladku noqoneyso hadday dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland ay noqoto, waxaana ku dedaalaynaa inaan ku dhiirigelino dalalka ahaan jiray hogaamiyeyaasha Afrika sida Ghana, Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya inay u dhaqaaqaan aqoonsiga Somaliland” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague.

    “Shirka London waa mid muhiim u ah Madaxweyne Siilanyo waana lagu martiqaaday ka qeybgalkiisa, waxaanan filaynaa in Somaliland wax badan ku biirin karto shirka, waxay u sheegi karaan Soomaalida kale siday wax u dhisteen, sida doorashooyinkoodii hab nabadgelyo ugu qabsadeen, iyo sababta ay saaxiibo wanaagsan ula yihiin Ingiriiska, go’aanka uu Siilaanyo ku yeelay inuu ka qeybgalo shirka London waxa uu ahaa mid geesinimo leh, isla markaasna sax ayuu ahaa” ayuu yiri markale wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska William Hague.

    Sidoo kale William Hague waxa uu yiri “Waan la xiriirnay Madaxweynaha Somaliland si aan ugu dhiirigelino inuu yimaado shirka London, sidoo kale saaxiibkay wasiirka xidhiidhka Caalamigu waxuu booqday Somaliland. Gargaar dhinacyo badan leh ayaan siinaa, waanan dareensanahay inay tahay meesha ugu xasiloon soomaaliya, waanan soo dhaweynaynaa ka qeybgalkooda shirka”, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda KMG Soomaaliya aysan gacanta ka gelin gargaarka Soomaaliya la siiyo, isla markaasna ay gacmo kale ay ku dhacdo mucaawanadaasi, waana sababta aan u dooneyno inaan abuurno guddi maamula arrinkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: