Xildhibaano Gaaraya 270 Xildhibaan oo Cod Aqlabiyad kaga soo Horjeestey Shirka ka Furmey Magaaladda Garoowe

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhawaanta xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho,Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Madoobe Nuunoow ayaa ajnadhaha looga doodayay waxa uu ahaa Kulanka la filayo inuu maanta Magaalada Garoowe uu ka furmo.

Kulanka ayaa dood dheer iyo falanqayn kaddib waxa ay Mooshin ka keeneen Shirka Garoowe Qodobada ka soo bixi doona iyo kuwii horeba uga soo baxay.Kulanka ayaa cod u qaaday Mooshinkii shirkaa laga keenay iyadoona in ku dhow laba Boqol iyo todobaatan Mudane ay u codeeyeen in la qaadaco gebi ahaanba Qodobada shirkaas ka soo baxa iyo kuwii horaba uga soo baxay.

Cod qaadista oo ahayd gacan taag ayaa waxaa ka soo hor jeestay illaa Toban Xildhibaan halka sedaxina ka aamustay arrimihii ajandhe ahaan uu maanta shirku uga doodayay.Gaba gabadii shirka ayaa waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkaas Madoobe Nuunoow kaasoo sheegey in si aqlabiyad leh ay u meel mariyeen Go’aan ay ka qaateen Shirka Garoowe oo manta la filayo inuu ka dhaco Magaalada Garoowe.

Xildhibaanadan Barlamanka ayaa sheegey in shirkaas iyo natiijada ka soo baxdaba ay ahaan doonaan kuwo aan Muqdisho ka shaqayneyn isla markaana ay ku gacan seeyrayaan go’aan walba oo ka soo baxa shirkaas.
Ma aha markii u horeeyay ee Xildhibaanadan ay ka soo hor jeestaan go’aano horey loo gaaray, waxay hore u fara geliyeen Shirka la filayo in bishan sedax iyo labaatankeeda uu ka dhaco Magaalada London ee Carriga Ingiriiska kaasoo ay sheegeen inaanu Soomaaliya ka shaqayneyn haddii aan barlamanka la soo marsiin qodobada looga hadlayo

Posted on February 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 2 Comments.

  1. War deg deg ah: Xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan oo qaadacay Shirkii Wadatashiga ee Muqdisho iyo Garoowe

    MUQDISHO – WAAJID PRESS: Xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay qaadaceen shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe.

    Mudanayaashan oo kulankoodu ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa waxay ka doodeen shirka ka furmaya Garoowe, kii ka horreeyay iyo shirkii wadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho, waxayna sheegeen in dhammaantood ay yihiin kuwo aanay dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha mudanayaashan xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu ugu dambeyn cod geliyay dooddii xildhibaannada ee ku saleysnayd shirkii Muqdisho, kii Garoowe ka dhacay iyo midka hadda ka furmaya.

    “Xildhibaannada kulanka kasoo qaybgalay waxay tiradoodu ahayd 278 xidlhibaan, waxaana 268 ka mid ah ay qaadaceen shirarkaas, waxaa diiday lix mudane, afar mudane oo kalena way ka aamuseen,” ayuu yiri Madoone Nuunow.

    Sidoo kale, Madoobe Nuunow wuxuu sheegay in shirarkaas ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla, sidaa daraadeedna ay go’aansadeen inay ka doodaan codkana u qaadaan, isagoo intaas ku daray in ka doodista shirarkaas ay socotay maalmihii ugu dambeeyay.
    Xildhibaannadan ayaa waxay toddobadkii lasoo dhaafay kulammo ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, iyagoo madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo danjire Augustine Mahiga ku eedeeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka baarlamaanka.

    Go’aanka mudanayaashan ay kaga soo-horjeesteen shirarka wadatashiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo xubno uu hoggaaminayo ay maanta u dhoofeen Garoowe si ay uga qaybgalaan wajiga labaad ee shirka Garoowe.

  2. Xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow oo ka soo horjeestay shirarkii wada tashiga ee ka dhacay Muqdisho iyo kan Garoowe

    Kulan maanta xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaannada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay kaga soo horjeesteen shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe iyi natiijadii ka soo baxday intaba.
    Xildhibaanadan oo tiradoodu gaareysay ku dhowaad 300 ayaa shirkii wadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho shirka ka furmaya Garoowe iyo kii ka horreeyay, waxayna ku tilmaameen kuwo aanay dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed oo ay wataan shaqsiyaad gaar ah iyo dad shihasheeye ah oo danahooda ka dhex eeganaya.
    Madoobe Nuunow Maxamed oo gudoomiyaha Baarlaamanka ay doorteen xildhinaano ka tirsan Baarlamanka ayaa sheegay in shirarkaas ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn sharciga, ayna go’aansadeen inay ka doodaan codkana u qaadaan, isagoo intaa ku daray dooda shirarkaas maalmihii ugu dambeeyay ay soo wadeen.
    Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ugu baaqay xildhibaanada cod geliyaan dooddii ku saabsan shirarkii Muqdisho iyo Garoowe “Waxaa kulankan soo xaadiray xildhibaano tiradoodu gaareyso 278 xidlhibaan, 268 ka mid ah way qaadaceen shirarkaas iyo wixii ka soo baxay, lix mudane wey diiday, afar kalena way ka aamuseen,” ayuu yiri Madoobe Nuunow.
    Talaaabada xildhibaanada Baarlamanka ku diideen shirarka wadatashiga iyio natiijada ka soo baxdayba ayaa wuxuu ku soo aadeysa xili guddoomiyaha baarlamaanka ee xilkiisu uu muranka ka taagan yahay Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka duuleen magaalada Muqdisho iyagoo gaaray magaalada Garowe oo ay ka qeyb galayaan shirka wada tashiga wejigiisa 2aad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: