FAALLO: Rabitaanka Shacabka iyo Afduubka Qaramada Midoobay ”Shirka Garowe II”

FAALLO: Qaabka wadatashiga ee geeddi-socdka xilliga kala guurka ah ee dowladda KMG ah waxa aad ugu kala qaybsan hay’adaha kala duwan ee dowlladda Federaalka KMG ah iyo bulshoweynta Soomaaliyeed oo intooda badani ay aad u dhaliilsan yihiin habka wadatashiga iyo afduubka beesha caalamku (gaar ahaan UN-ka) ay ku hayso arrimaha Soomaaliya. 

Haddaba, shalay oo taariikhu ay ahayd 15 Feberaayo 2012, waxa magaalada Garowe ee xarunta u ah Dowlad-Goboleedka Puntland ka furmay Shirkii 2aad ee looga xaajoonayey arrimaha xilliga kalaguurka ah ee dowladda federaalka kumeel gaarka ah, gaar ahaan Dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo nidaamka federaalka.

Ugu horreyntii waxa billowday khudbooyinkii madaxda shirka ka qayb gashay oo ay ka dhex muuqanayeen Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kan Galmudug Caalin, Shariif Xasan Sheikh aadan oo dhowaan baarlamaan aqlabiyad ahi uu xilki guddoomiyenimada Baarlamaanka ka qaaday iyo  Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah Cabdiweli Gaas, xildhibaanno iyo dad kaleba. Waxa shirka ka qayb galay wafdi ka socday dowladda Jabuuti oo uu horkacayey Wasiirka Caddaaladda Mudane Xaamud iyo sidoo kale xubno ka tirsan beesha caalamka oo uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mahiga.

Isla markii uu shirku furmay waxa khudbooyinka madaxda ka soo ifbaxay aragtiyo kala duwan oo ragaadiyey jawiga shirka waxaana ka mid ahaa:

1)   Madaxweynaha Galmudug Mudane Caalin wuxu tibaaxay in guddi loogu magac daray khubarada (EXPERTS) kana kooban 9 (sagaal xubnood oo 4 ay tahay haween) ayna soo magacawday xukuumadda R/Wasaare Cabdiweli aanay wax sharciyad ah ku lahayn Axdi-Qarameedka Federaalka KMG ah. Wuxuuna ku sababeeyey in Axdigu uu qeexayo Guddiga Madaxabannaan ee Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee arrimaha Dastuurka  iyo Wasaaradda Arrimaha Federaalka, sidaasi darteedna aanay jirin cid kale oo sharcigu uu tilmaamayo.  

2)   Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Jabuuti wuxu isaguna sheegay in dhibaatada Soomaaliya aan lagu xallin karin si fudud, una baahan tahay inay Soomaalidu u midowdo maadaama madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliyeed ay maarayn weyday khilaafaadka soo noqnoqday ee hareereeyey hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.  

3)   Amb. Mahiga ayaa isaguna caddeeyey in Soomaaliya ay noqotay sida kubbad oo kale, cid kastana ay u laaddo halka ay doonto. Wuxu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliyeed ay wax ka qaban weyday caqabadaha dalkooda hortaagan ama ay tanaasulaad la iman waayeen sidii madaxdii ka horreysay.

4)   Sarkaal u hadlay dowladda Maraykana ayaa isaguna shaaciyey in umuuraha Soomaaliyeed ee qallafsan aan lagu xallin karin laba ama saddex maalmood oo meel lagu shiro, sidoo kalena wuxu quus ka muujiyey in wax xal ah lagu gaaro shirka London ee 23ka bishatan Feberaayo oo la sheegay inuu socon doono muddo shan saacadood ah.

Isku soo duuboo xasaradaha Soomaaliya ee salka ku haya arrimaha amniga, siyaasadda, xukun wanaagga iyo gargaarka bani’aadanimo waa kuwo u baahan juhdi iyo imkaaniyaad fara badan si looga gaaro xal waara, waana arrimo sidooda badan ku xiran in Soomaalidu ay mas’uuliyaddeeda qaadato lana timaado niyadsami iyo waddaninimo ay ku samatbixiso dadkeeda iyo dalkeeda. Beesha caalamka waxa looga fadhiyaa taageero iyo fududeyn ay la garab istaagto Soomaalida balse ay ka deyso faragelinta aan keeni karin wax natiijo ah. 

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Shirkii Garoowe ka socday oo qarka u saaran in lagu kala tago(Waa maxay sababtu)

    Waxaa goor dhaw lagu kala dareeray Shirka Garoowe Laba oo shalay galab si habsami leh uga furmay Magaaladda Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland, kaasoo daba-socda Shirka Garoowe Kow oo 24-kii bishii December lagu soo afjaray Magaaladda Garoowe.
    Shirka oo si habsami leh ku soconaaya ayaa waxay ergada ka qeyb-galleysa Shirka Garoowe Laba ay soo jeediyeen in wax lagu kala qeyb-sado qaab qabiil, hase yeeshee taasi ayaan u cuntamin ergada ka socota Maamulka Galmudug States, oo uu horkacaayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug States Mudane Maxamed Axmed Caalin.
    Kahor inta aan lagu kala boodin Shirka Garoowe Laba, ayaa waxaa goobta hadal ka jeediyay Madaxweyne Caalin, isagoo sheegay in waxa la-sameynaaya ay tahay Dastuur, Dastuurkuna uu yahay waxaan ciyaar ciyaar ahayn, isagoo intaasi ku daray haddii loo-baahan yahay in qaab qabiil wax lagu qeyb-sado, in Shirka Garoowe Laba laga soo qeyb-gelliyo dhamaanba Beelaha Soomaaliyee sida, Hawiye, Daarood,, Digil iyo Mirifle iyo Beelaha laga tirada badan yahay ee ay ugu magac-dareyn Beesha Shanaad.
    Hase yeeshee taasi ayay ergadii ka qeyb-galleysay Shirka Garoowe Laba ay ku sheegeen inaysan hadda macquul ahayn, haddii aysan taasi macquul ahayn ayaa wuxuu Caalin sheegay inaysan qeyb ka ahayn Shirka Garoowe Laba, bacdamaa uu sheegay in loo-baahan yahay Cadaalad.
    Buuq iyo dood dheer kadib ayaa waxaa goobtaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, oo sheegay inuu sii socon doono shirka, haddii ay shirkaasi isaga baxeyn dhinaca Maamulka Galmudug, balse taasi ayaan suurta gellin, oo waxaa lagu kala dareeray Madasha Shirka oo uu ka soconaayay hawlka Jaamacadda PSU “Puntland State University.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: