ICG oo warbixin ka soo saartay howgalka Ciidamada Kenya ee dalka Somalia.

 

War bixin ay soo saartay hay’adda qaabilsan xasaradaha caalamka ee marka magaceeda la so gaabiyo loo yaqaano ICG ayaa waxa ay ku sheegtay gabood fallada iyo qaladaadka dowladda Kenya ay ka gashay dalka ciidamaeedu ay ku jiraan ee Somalia .

Warbixinta ayaa lagu sheegay in go’aankii bishii October ee sanadkii tagay Kenya ay qaadatay uu ahaa qatartii ugu horaysay oo Kenya ay u bareerto tan iyo markii dalkaasi uu qaatay xurnimada.

Waxana sidoo kale ay warbixinta lagu sheegay in inkastoo aan indhaha laga dadin Karin qatarta Kenya kaga imaanaysa xarakada al shabab oo dalka Kenya ka geesatay qaraxyo iyo afduub .ay Kenya ku qaldanayd gelitaankii dalka Somalia ay ku gashay.

Howgalkii Kenya ay Somalia ku gashay ayaa waxa ay ugu magac dartay Linda Nchi oo micna ahaan uu yahay badbaadinta dalka ayaa waxaa jira dowlado ku taageeray howgalkaas oo ay sheegay in Kenya ay ku saxsantahay in goob waliba ay kula dirirto ciddii ay u arakto inay wax u dhimayso dalka Kenya laakin warbixinta ayaa waxa ay leedahay inta badan dadka soomaalida waxa ay u arkaan soo gelitaanta Kenya ee Somalia mid dowladda Kenya ay ku doonayso dano gaar ah oo ay ku damacsantahay in dhul Somalia ku yaala ay ku qabsato.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri in dalka Kenya marka al fiiriyo dhaqaalihiisa hoos u dhac wayn uu ku yimid iyadoo taasi loo aaneeyay inay waysay dalxiisayaal kaga imaanayay dalalka yurub kuwaas oo cabsi darteed ka waabsaday in Kenya ay soo aadaan.

Hay’adda qaabilsan xasarada caalmaka ee ICG loo soo gaabiyo ayaa warbixinteeda waxa ay sidoo kale ay ku sheegtay in dowladda Kenya ilaa iyo hadda aysan kala cadayn xilliga ay soo afjarayso howlagalka ay Somalia ka wado oo sida warbixintu ay sheegayso ay u muuqanayso mid dowladda Kenya ay ku sii nagaanayso dalka Somalia maadaama Kenya ay ku guulaysatay kamid noqosshada howlgalka midowga Africa uu ugu magacdaray AMISOM oo Somalia laga wado.

Ugu dambayntii Hay’addan qaabilsan xasarada caalmaka ayaa warbixinteedu waxa dowladda Kenya ay ugu soo jeedisay talooyin ku aadan howgalka ay Somalia ku joogto: Waxana talooyinkan ay u dhigaanyeen sida tan: Ku socoto dowladda Kenya

1 in istiraatiijiyad dhameystiran u sameyso howlgalkeeda Soomaaliya iyo ka bixitaanka ciidamadeeda sidoo kale in howlgallada ay kawaddo Soomaaliya ay noqdaan kuwo ay la kaashato ciidamada AMISOM si looga guulaysto xarakadaAl shabab.
2-in Kenya cunaqabatayn ay saarto xarakada al shabab islamarkaana ay ku dadaasho qabshashada dekedda kismaayo oo ah meesha ugu ballaaran oo xarakada al shabab ay ka hesho dhaqaalada ay ku sii dagaalamayso.taas oo hadii Kenya ay ku dhaqaaqdo ku keeni karta al shabab in hoos u dhac dhanka dhaqaalaha uu ku yimaado oo ay waayaan qarashaad ay ku soo gataan hub ay ku dagaalamaan.

3-In ay xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah la yeelato ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya si Kenya ay ugu fududaato wiiqitaanka awoodda xarakada Al shabab 4 inay bilowdd dadaallo ay xal ugu raadinayso dalka Somalia iyadoo iskaashi la samaynays QM , maraykanka ,ingiriiska iyo dowladaha kale ee daneenaya xal u helidda dalka Somalia

:5- In Kenya sidoo kale horumarsio qorshayaasha gobolka iyo kuwa calaamiga ah iyo sidoo kale inay si daacad ah ula shaqeyso beelaha gudaha iyo kooxaha jira iyo weliba in maamul ay u sameyso Kismaayo.

 Source :crisisgroup

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: