Khilaaf ka dhashay dowlado aan lagu casuumin shirkii Garoowe iyo Faroole hoosta soo gashaday(Maxaa ka dhashay arinkaas)

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in shirka ka socda magaaladaasi ay hadda ku biireen wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan shirkaasi horay loogu casuumin, balse sida la sheegay iska tagay shirkaasi, si ay lug ugu yeeshaan arrimaha shirkaasi iyo qodobada ka soo baxaya.

Sida warku sheegayo sarkaalkan Itoobiyaanka ah ee sida kedis ah uga qeybgalay shirka Garoowe ayaa ah wakiilka dowladda Itoobiya u jooga maamulka Puntland, waxayna la yaab ku noqotay xubnihii ka qeybgalayey markii ay maqleen waxaa shirka ku soo biiray wafdi ka socda dowladda Itoobiya. Markii khudbadaha shirka ay bilowdeen ayaa madaxda qaar waxay khudbadahooda ku salaameen wakiilka Itoobiya, iyadoo Madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inuu yahay qunsuldawladda Ethioppia u jooga Garoowe, hase yeeshee mas’uuliyiinta kale ayaa iyagu u adeegsaday eray kale oo ah wakiilka dowladda Ethiopia ka socda oo shirka goob joog un ka ah.

Rag ka mid ah wufuuda shirka joogta ayaa u sheegay warbaahinta  in marka laga tago dhinacyada Soomaalida in shirka ay ku martiqaadnaayeen ururada IGAD, UNPOS, Midowga Afrika, waxaana sidoo kale shalay shirkaasi tagay kana qeybgalay wafdi ka socday dowlada Jabuuti oo uu horkacayo Xaamud Cabdi Suldaan oo ah wasiirka diinta iyo Awqaafta dalka Jabuuti oo aan isna lagu martiqaadin shirka, balse sida la sheegay Madaxweyne Faroole si hoose ugu casuumay, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah wafuudii shirka ka qeybgalaysay ay ka carooreen dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo shirka ka soo qeybgalay iyaga oo aan lala socod-siin, inkastoo markii dambe arrinka la xalliyey.

Xafiiska UNPOS oo qabanqaabada shirka watay ayaan ka hadlin arrintan, iyadoo sida muuqata dhanka Puntland uu ka soo galay wakiilka Ethiopia ee shalay shirka ka qeybgalay, sidoo kale wafdiga Jabuuti ayaa shirka waxaa ku casuumay maamulka Puntland, kuwaas iyana shalay fadhiyey shirka Garoowe.
Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in shirka ka socda magaaladaasi ay hadda ku biireen wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan shirkaasi horay loogu casuumin, balse sida la sheegay iska tagay shirkaasi, si ay lug ugu yeeshaan arrimaha shirkaasi iyo qodobada ka soo baxaya.
Sida warku sheegayo sarkaalkan Itoobiyaanka ah ee sida kedis ah uga qeybgalay shirka Garoowe ayaa ah wakiilka dowladda Itoobiya u jooga maamulka Puntland, waxayna la yaab ku noqotay xubnihii ka qeybgalayey markii ay maqleen waxaa shirka ku soo biiray wafdi ka socda dowladda Itoobiya.
Markii khudbadaha shirka ay bilowdeen ayaa madaxda qaar waxay khudbadahooda ku salaameen wakiilka Itoobiya, iyadoo Madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inuu yahay qunsuldawladda Ethioppia u jooga Garoowe, hase yeeshee mas’uuliyiinta kale ayaa iyagu u adeegsaday eray kale oo ah wakiilka dowladda Ethiopia ka socda oo shirka goob joog un ka ah.
Rag ka mid ah wufuuda shirka joogta ayaa u sheegay warbaahinta  in marka laga tago dhinacyada Soomaalida in shirka ay ku martiqaadnaayeen ururada IGAD, UNPOS, Midowga Afrika, waxaana sidoo kale shalay shirkaasi tagay kana qeybgalay wafdi ka socday dowlada Jabuuti oo uu horkacayo Xaamud Cabdi Suldaan oo ah wasiirka diinta iyo Awqaafta dalka Jabuuti oo aan isna lagu martiqaadin shirka, balse sida la sheegay Madaxweyne Faroole si hoose ugu casuumay, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah wafuudii shirka ka qeybgalaysay ay ka carooreen dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo shirka ka soo qeybgalay iyaga oo aan lala socod-siin, inkastoo markii dambe arrinka la xalliyey.
Xafiiska UNPOS oo qabanqaabada shirka watay ayaan ka hadlin arrintan, iyadoo sida muuqata dhanka Puntland uu ka soo galay wakiilka Ethiopia ee shalay shirka ka qeybgalay, sidoo kale wafdiga Jabuuti ayaa shirka waxaa ku casuumay maamulka Puntland, kuwaas iyana shalay fadhiyey shirka Garoowe.

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. AHLU SUNNAH OO DIIDEY QODOB LA KEENEY SHIRKA GAROOWE

    Garowe (Moment Media Group): Iyadoo ergada shirka “Garowe 2″ ka qeybgaleysa ay isku gabal dhacsadeen doodana ay socoto ayaa wakiilada ururka Ahlusuna Waljameeca waxay iyana markooda ka boodeen qodobo ka mid ah kuwii laga dooday.
    Dooda shirka ayaa waxaa yeelanayey saddex guddi oo maanta la sameeyey kuwaasoo kala ah guddiga ka hadlaya Maamul goboleedyada, guddi ka hadlaya dib u eegista heshiiskii shirkii “Garowe 1″ (oo loo yaqaano Garowe Principles) iyo guddi ka doodaya habka dawlada (system of government).
    Saddexda guddi ayaa waxay isugu jiraan dhamaan dhinacyada lixda ah ee shirkan isugu timid ee kala DFKMG ah oo saddex garab ah , Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna. Waxaana la shaqeynaya xubno ka socda Midowga Afrika [AU], Xafiiska UNPOS iyo IGAD oo dhamaantood goob joog ah.
    DOODA AHLUSUNA
    Arinta Ahlusuna ka booday ah markii la galay qodob ku saabsan CAASIMADA oo si weyn su’aalo looga keenay. Waxaa laga hadlay MAXAY NOQONEYSAA CAASIMADA DALKA? iyadoo ergooyinka qaar ay keeneen su’aalo ay ka mid yihiin:-
    – Caasimada ma waxaa noqonaya Muqdisho oo kaliya (oo ka kooban 16 degmo)?
    – Mise waxaa caasimada noqonaya degmada Wardhiigley (oo ah meesha Villa Soomaaliya ku taallo)?
    – Mise caasimada waxaa noqonaya Banaadir oo lagu daray Labada Shabeelle (oo sida la sheegay loo bixin doono Banaadirland kana mid ah maamulada la sameyn doono federaalka dhexdiisa)?
    Doodaha markii ay halkan gaareen ayaa ergada Ahlusuna oo uu horkacayo Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow waxay sheegeen in aan loo baahneyn arimaha la sheegayo ee caasimada sideeda loo daayo, ayna noqoto meel u wada dhexeysa dadka Soomaaliyeed. Haddana dood ka dib waxaa la isla gartay in qodobkaasi dib loo dhigto iyadoo la sheegay in SU’AALO Shan ah oo arinta caasimada ku saabsan caawa la weydiin doono raysul wasaare C/weli Gaas.
    MAAMUL GOBOLEEDYADA iyo GALMUDUG
    Ergada Galmudug ayaa weli adkeysanaya mowqifkii ay maanta qaateen ee ahaa in “MAAMULO” loo hadlo [states] ee aan loo hadlin weyni iyo qabiil, haddii kale la keeno beelaha kale ee Soomaaliyeed ee shirka aan joogin, sida beelaha Hiiraan, Jubbooyinka iyo Gedo.
    Galmudug waxay qabtaa in marka la hadlayo maamulada dalka lagu saleeyo siddeed gobol oo asal ah iyadoo la raacayo goboladii jiray wixii ka horeeyay 1969-kii (Nidaamkaasi oo ay bedeshay dawladii Maxamed Siyaad Barre).
    Galmudug xubnaha uga qeybgalaya dooda waxaa ka mid ah Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa saraakiishii wax ka aas aastay jabhadii SSDF, marna la shaqeyn jiray SNM. Sidoo kale xilligii burburkana la taliye u ahaa Gen Maxamed Faarax Ceydiid. Sidoo kale waxaa Galmudug ergadeeda ku jira Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
    Galmudug waxay u muuqataa inay weli kacareysan tahay hadal uu shalay jeediyey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo uu ku tilmaamay Galmudug maamul dhul yar maadaama ay heysato qeyb ka mid ah gobolka Mudug oo kaliya loona baahan yahay deegaan ballaaran.
    PUNTLAND
    Dhanka Puntland waxay aad u rabaan in arinta federaalka la sharaxo, gaar ahaan awoodaha maamul goboleedyada iyo siday u kala weyn yihiin. Sidoo kale ergada Puntland ayaa qabta in arinta caasimada iyo awoodaha madaxweynaha Soomaaliya la qeexo.
    Puntland soo bandhigtay qoraalo laga soo guuriyey dawladaha Australia iyo Imaaaradka Carabta oo ka hadlaya qaabka federaalnimada iyo awoodaha maamulada dalku yeelanayo.
    Ragga Puntland uga qeybgalaya dooda waxaa ka mid ah Dr Cabdi Xasan Jimcaale iyo Gen C/laahi Ilkajiir.
    Shirka ayaa weli socda iyadoo waqtiguna habeen u noqday, waxaana ragga hagaya shirka oo qaarkood Raxanreeb la hadlay goordhow ay sheegeen in illaa caawa 9:00 uu sii socon doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: