Maamulka Galmudug State oo kabaxay madasha shirka garowe iyo murano dhashey ( Wararkii ugu danbeyey)+ sawiro

Garowe (Moment Media Group) Maamulka Galmudug State ayaa isaga baxay madasha shirka wadatashiga ee wejigiisa 2-aad ka soconayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Madaxda galmudug State gaar ahaan ergada uu horkacayo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ay isaga bexeen hoolkii shirka iyagoo aad uga careysnaa qaabka shirka uu u socdo iyo magacaabista gudiyo la dhisey oo ay saluugsan yihin.

Muranka iyo Dooda shirka ayaa saldhig u ah qodobka Federaalka oo madaxdu isku mari waayeen,iyadoo halkaasi laga dhisey gudiyo kala duwan gaar ahaan gudiga dastuurka. Wararka laga helayo Madasha Shirka ayaa sheegaya in maamul goboleedka Galmudug State ay ka bexeen shirka,markii ay u cuntami weysey dhismaha gudiga arimaha Dastuurka oo ay iska waayeen. Sidoo kale waxaa la sheegay in Maamulka Galmudug ay dalbanaayn in ugu horeyntii xubnaha la magacaabay ee gudiga farsamadu ay tahay in loo magacaabo si siman ee 4.5 hadii kale aysan joogeyn shirka. Madaxda Puntland ee marti gelinaysa shirka ayaa waxaa ay iyagu diidan yihiin in wax laga bedelo qaabka loo soo xuley gudiga farsamada ee Shirka, taasi oo sii kordhisey walaac iyo muranka Shirka. Ergada QM ee Soomaaliya ee shirka joogta ayaa isku dayey inay Galmudug ku qanciyaan in shirka kusoo laabtaan taasi oo la sheegey inay saacado qaadatay, waxaana weli Galmudug Madaxdeeda aysan ku qancin sida ay wax u socdaan. Shirka wadatashiga ee wejigiisa labaad garowe ka socda ayaa la filayaa in maalinka berito la soo gabagabeeyo halkaasina laga soo saaro war-saxaafed ku aadan shirkaasi,xili maalmaha soo soda London isugu tegi doonaan Ergada iyo Madaxda maamulada dalka iyo ugu yaraan 40 dowladood oo england ay ku casuuntey shirkaasi taasi oo shakiyo badani ka soo baxayaan ujeedada ka danbeysa.

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Wafdiga Galmudug ee Shirka Garowe oo Faroole iyo Gaas indhaha u shitay –qodobo xasaasiya!

    7 Febaury 2012 Moment Media Group-Masuuliyiinta Maamulka Galmudug uga qeybgalayo shirka wadatashiga Aayaha Somalia ee Magaaladda Garowe ka furmay ayaa markii ugu horeeysay qaadacay shirka kadib markii ay ka biyo diideen inay saxiixaan hindise ay soo gudbiyeen Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole.
    Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas ayaa isku dayay inuu masuuliyiinta Galmudug ka saxiixo hindisaha Federalka hasse yeeshee Jeneral Qaybdiid ayaa indhaha u shitay oo cod dheer ku yiri “ Anaga naguma amri kartid rabitaankaada”
    Madaxweynaha Puntland Mr Faroole ayaa isku dayay inuu ergada Galmudug cadaadis ku saaro inay aqbalaan saxiixida hindisaha cusub hasse yeeshee siyaasiga weyn ee Mohamed Farah Jimcale oo ka dhex istaagay shirka ayaa ku yiri “ Shalaad dhalataye anagu saxiixi meeyno hindisahaan ay soo qoreen wiilasha aad adiga iyo Gaas ka wacateen Canada”
    Ergada Galmudug uga qeybgaleeysay shirka ayaa guud ahaan ka baxday iyadoo ilaa caawa shirka u xayirnaa .
    Masuuliyiinta Galmudug waxay shirka hordhigeen qodobo xasaasiya oo ay ugu weyn yihiin.
    1-Ahlusuna in la keeno shirka si ay uga qeybgasho maadama ay ka mid ahayd saxiixayaasha Road Map.
    2-Gudigga dastuurka in lagu qeybsado 4.5 maadama gudigga hada la magacaabay u badan yihiin beesha Puntland.
    3-Ururada bulshada rayidka ee tirade badan inay soo maraan Galmudug state si loo ogaado waxay yihiin maadama aysan madaxda Galmudug aqoon u laheyn.
    4- Inaysan Galmudug State saxiixi Karin nidaamka Federalka maadama uu yahay mid loo baahan yahay in la horgeeyo shacabka si meesha looga saaro awooda gaarka loo siiyay kun qof oo la doonayo inay saxiixaan.
    5- In Gudigii Dastuurka Federalka sii shaqeeyo inta laga dhisaa gudi lagu soo xulay habka awood qeybsiga 4.5.
    Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa Cakiran waxayna Jeneral Qaybdiid iyo Mohamed Farax Jimcaale u sheegeen Shabakadda inay guud ahaan ka bixi doonaan shirka hadii aan la aqbalin qodobada ay caawa u gudbiyeen hoowlwadeenada Shirka.
    Beesha Galmudug waxaa gudigga dastuurka loogu deray sedex xubnood oo laba ka mida yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Heeyl ,Wasiirka Maaliyadda Galmudug Cabdullahi Jamac Kobaweyne iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo u dhashay beesha Murusade.
    Galmudug kuma filna xubnaha la magacaabay waxayna ku doodeeysaa in gudigga Dastuurka la balaariyo oo lagu daro xubnaha beelaha Hawiye,Gadabuursi,Dhulbahante iyo Mareexaan.
    Cabdi Wali Gaas iyo Cabdi Raxmaan Faroole waxay doonayaan in Gudigga Dastuurka Federalka noqdaan dhalinyaro la qabiila oo laga keenay dalka Canada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: