Qaar ka mid ah Ergadii ka qayb Galaysey Shirka Garoowe Labaad oo Maanta Shirka Isaga baxay

Waxaa maalintii Labaad Gagaalada Garoowe ee Xarunta Pont Land ka soconayaa Shirkii wada tashiga Soomaalida wajigiisa Labaad.Shirkan oo ay ka qayb galayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Gal Mudug, PuntLand , Ahlu sunna iyo Beesha Caalamka ayaa wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in Shirka Maanta Madashiisa ay isaga baxeen Guddiga Dib u Habeynta Dastuurka iyo maamulka la magac baxaya Gal Mudug State kuwaasoo iminka shirka dibad joog ka ah.

Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya in sababta Guddiga Dib u habeynta dastuurku shirkaa uga baxeen in ay tahay iyagoo ka carooday Guddi kale oo sida la sheegey arrimaha dastuurka ah oo dibadaha laga keenay.Warku waxaa uu intaa ku daray in maamulka Gal Mudugna ay ka Caroodeen hanaanka awood qaybsiga oo ugu muuqday mid aan u cuntamayn iyadoo caro ay taa ka caroodeen darteeda ay isaga soo baxeen madasha Shirka.

Ma jiraan illaa iyo iminka wax isku day ah ama tallaabo loo qaaday sidii ergadaas shirka ka baxday dib loogu soo celin lahaa waxaana wararku sheegayaan in shirku weli uu soconayo.Shirkan Soomaalida ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Mahiga oo isagu ah Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaasoo sheedda kala socda sida uu shirkaas u soconayo.

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hore shirkaas uga hadlay ayaa sheegey in shirkan uu daba joogo Shirkii Garoowe One isla markaana lagu turxaan bixinayo wixii dhaliila ah ee ka jira shirkan shirkii ka horeeyay isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in ay ka soo baxayaan tallaabooyin wax ku ool ah.

xubno ka tirsan Baarlamanka ayaa hore u qaadacay shirkan iyo natiijada ka soo baxda iyagoona sheegey in aan la soo marsiin barlamanka sidaa darteedna waxa ka soo baxa ayan iyagu marnaba ansixin dooniniyadoo maalintii shaley ahayd Shir ay isgu yimaadaan Garabka Madoobe Nuunow ayaa Cod Aqlibiyad ku ansaxiyey in aysan marnaba aqoonsan doonin Shirka Garoowe.

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: