Wararkii Shirkii Garoowe”Ahlu Sunna oo Qodobo diiday”War Culus”

 

Garowe (Moment Media Group) Iyadoo ergada shirka “Garowe 2″ ka qeybgaleysa ay isku gabal dhacsadeen doodana ay socoto ayaa wakiilada ururka Ahlusuna Waljameeca waxay iyana markooda ka boodeen qodobo ka mid ah kuwii laga dooday. Dooda shirka ayaa waxaa yeelanayey  saddex guddi  oo maanta la sameeyey kuwaasoo kala ah guddiga ka hadlaya Maamul goboleedyada, guddi ka hadlaya dib u eegista heshiiskii shirkii “Garowe 1″ (oo loo yaqaano  Garowe Principles ) iyo guddi ka doodaya habka dawlada (system of government). Saddexda guddi ayaa waxay isugu jiraan dhamaan dhinacyada lixda ah ee shirkan isugu timid ee kala DFKMG ah oo saddex garab ah , Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna.  Waxaana la shaqeynaya xubno ka socda Midowga Afrika [AU], Xafiiska UNPOS iyo IGAD oo dhamaantood goob joog ah. DOODA AHLUSUNA Arinta Ahlusuna ka booday ah markii la galay qodob ku saabsan CAASIMADA oo si weyn su’aalo looga keenay. 

Waxaa laga hadlay MAXAY NOQONEYSAA CAASIMADA DALKA? iyadoo ergooyinka qaar ay keeneen su’aalo ay ka mid yihiin:- – Caasimada ma waxaa noqonaya Muqdisho oo kaliya (oo ka kooban 16 degmo)? – Mise waxaa caasimada noqonaya degmada Wardhiigley (oo ah meesha Villa Soomaaliya ku taallo)? – Mise caasimada waxaa noqonaya Banaadir oo lagu daray Labada Shabeelle (oo sida la sheegay loo bixin doono  Banaadirland  kana mid ah maamulada la sameyn doono federaalka dhexdiisa)? Doodaha markii ay halkan gaareen ayaa ergada Ahlusuna oo uu horkacayo Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow waxay sheegeen in aan loo baahneyn arimaha la sheegayo ee caasimada sideeda loo daayo, ayna noqoto meel u wada dhexeysa dadka Soomaaliyeed. Haddana dood ka dib waxaa la isla gartay in qodobkaasi dib loo dhigto iyadoo la sheegay in SU’AALO Shan ah oo arinta caasimada ku saabsan caawa la weydiin doono raysul wasaare C/weli Gaas. MAAMUL GOBOLEEDYADA iyo GALMUDUG Ergada Galmudug ayaa weli adkeysanaya mowqifkii ay maanta qaateen ee ahaa in “MAAMULO” loo hadlo [states] ee aan loo hadlin weyni iyo qabiil, haddii kale la keeno beelaha kale ee Soomaaliyeed ee shirka aan joogin, sida beelaha Hiiraan, Jubbooyinka iyo Gedo. Galmudug waxay qabtaa in marka la hadlayo maamulada dalka lagu saleeyo  siddeed gobol oo asal ah iyadoo la raacayo goboladii jiray wixii ka horeeyay 1969-kii (Nidaamkaasi oo ay bedeshay dawladii Maxamed Siyaad Barre). Galmudug xubnaha uga qeybgalaya dooda waxaa ka mid ah Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa saraakiishii wax ka aas aastay jabhadii SSDF, marna la shaqeyn jiray SNM.   Sidoo kale xilligii burburkana la taliye u ahaa Gen Maxamed Faarax Ceydiid.   Sidoo kale waxaa Galmudug ergadeeda ku jira Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Galmudug waxay u muuqataa inay weli kacareysan tahay hadal uu shalay jeediyey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo uu ku tilmaamay Galmudug maamul dhul yar maadaama ay heysato qeyb ka mid ah gobolka Mudug oo kaliya loona baahan yahay deegaan ballaaran. PUNTLAND Dhanka Puntland waxay aad u rabaan in arinta federaalka la sharaxo, gaar ahaan awoodaha maamul goboleedyada iyo siday u kala weyn yihiin.  Sidoo kale ergada Puntland ayaa qabta in arinta caasimada iyo awoodaha madaxweynaha Soomaaliya la qeexo.

Posted on February 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. War deg deg ah: Ergadii AHLU SUNNAH oo Shirka hadda ka baxdey
    February 17, 2012-Garowe (Moment Media Group) Iyadoo uu heer gabagabo ah soo gaaray inta badan shirkii wadatashiga ee “Garowe 2″ ayaa goordhow waxaa shirka dibadda uga baxay ergadii Ahlusuna oo ka kooban saddex wafdi oo ka wada qeybgalaya shirka.
    Xubnaha Ahlusuna ayaa booday ka dib markii la isla soo gaaray diyaarinta war mutiyeedka shirka oo gacanta lagu hayey qoridiisa.
    Sida ilo wareed muhim ah u sheegeen Raxanreeb, waxayna Ahlusuna ka boodeen labo arimood oo kalla ah;-
    – Golaha Dastuuriga [Constituency Assembly] oo ay Ahlusuna soo jeediyeen in 1,500 xubnood laga dhigo, halkii hore loogu heshiisay 1,00o ruux oo kaliya.
    Golaha dastuuriga ayaa loogu talagalay inay ansixiyaan dastuurka cusub ayna soo xulaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelaneyso.
    – Awooda Madaxweynaha; Ergada Ahlusuna waxay diideen qodob ku saabsan awooda madaxweynaha oo la sheegay in la kordhiyey.
    Waxaase la isku raacay qaabka xukuumadda cusub ay noqoneyso iyo hawsha raysul wasaaraha waxa ay noqoneyso. Waxaana dhamaan lagu soo daray war mutiyeedkii socday diyaarintiisa.
    Ergada Ahlusuna ayaa haatan dibadda ka jooga shirka. Waxaana hakad galay hawlihii loogu diyaargaroobayey soo gabagabeynta shirka iyadoo dadka meesha jooga oo illaa saaka joogay uu daal fara badan ka muuqdo.
    Ergada Ahlusuna waxay ka kooban yihiin saddex wafdi oo ka kala yimid Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.
    Waxaa haatan bilawday dadaalo lagu doonayo in bal xaalada lagu dejiyo shirkana dib loogu soo celiyo xubnaha Ahlusuna ee shirka ka baxay hadda.
    Dadka qaar ayaa hadalhaya in caawa shirka meeshiisa lagu hakiyo si khilaafka Ahlusuna loo dhameeyo, ka dibna berito la soo afmeero shirka, laakiin illaa hadda go’aankan lama qaadan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: