Qodobada Shirka London Maxaa nooga Baxay? Iyo Shirka waxtarkiisa iyo wax tar yaradiisa ?

Moment Media Group – In kasta oo shirka waxtarkiisa iyo wax tar yaradiisa lagu ogaan doono waxa ka soo baxo hadana dadka indha indheeya qaababka shirarka noocaani ahi ay u hirgalaan oo ay weliba miro dhal u noqdaan, waxay wada sheegeen inaysan jirin wax wadahadal ah oo ku qabsoomi kara muddada kooban ee maalintaas la kulmayo balse wax kasta hore ayaa loo soo dhameeyay oo meeshaasi sixiixyo iyo wixii la mid ah ayaa ka dhici doona.

Waxaa la wada sheegay in ay ka soo qeyb geli doonaan dowlado badan oo gaaraya ilaa iyo afartan dowladood oo ay ku jiraan dowlado waaweyn iyo weliba kuwo xiriir fiican la leh Soomaaliya oo ay ku jiro dalka Turkiga, waxaase suaal ah qodobada ilaa iyo hadda shirka looga hadli doono ma yihiin kuwo la is dhihi karo wixii ka soo baxo waxbey u tarayaan ummadda Soomaaliyeed?

Waxaan qabaa iney lagama maarmaan tahay in si fiican oo ay weliba ku jirto qadarin la qadarinayo ummadda Soomaaliyeed iyo aayahooda loo fiiriyo toddobada qodob ee la sheegay in shirkaas looga hadli doono oo weliba halkaan aaad ka akhrin karto:http://www.fco.gov.uk/en/news/somalia-conference/. Waa in si xikmad ku jirto loo fiiriyo loogana munaaqashoodo si waxa laga sugaayo ay u noqdaan wax ummada masiirkooda u qalma amaba looga tashto sidii loo soo bandhigi lahaa waxyaabo ka mudan oo loo baahan yahay in Soomaalida iyo weliba wadamada saaxiibada la ahi iney xoogga saaraan.

Qodobka ugu horeeya waxa uu ku saabsan yahay suggidda amaanka, waxa ayna sheegayaan in lacag loogu aruurinayo Amison iyo sida aan ka fahmay ciidamada iyo heyadaha garsoorka Soomalida. Waxaase ladadooda soo horeeya oo muhiimadda badan lihi waa in lacag loo aruuriyo Amison. Maxaa diidaaya in lacagta la aruurinayo loo aruuriyo ciidamada qaranka laguna dhiso cudud isugu jira ciidamada xoogga dalka iyo kuwo boolis ah oo wadanka loogu sameeyo, ooba la yareeyo ciidamada dibbadda ka imaanaya maadaama uu wadanku u baahan yahay inuu isagu isku filnaado oo uu weliba ammaankiisa berriga iyo baddaba uu sugo?

Qodobka labaad waxa uu ku saabsan yahay isbedelka siyaasadda iyo weliba waxa bedeli doona dowladda marka uu waqtigoodu dhamaado. Waxaase la socda wax ay ku magacaabeen guddi wadajir ah oo maamuli doona dhaqaalaha. Hadaba waa sahlan tahay in la iska warsado waxa bedeli doona dowladda hadda dalka joogta oo markii horayba la soo sameeyay oo aanan aheyn dowlad ay soomaalidu dooratay, oo ayadu ka fiican dowlad la’aan , balse waa maxay sababta loo sameynayo guddigaan isku jirka ah ee la rabo in la dhiso? Ma waxaa guddigaas loo sameynayaa in dhowladda dhalan doonta aysan awood u laheyn in ay wax ka qabato arrimaha dhaqaalaha? Mase waxaa jira awoodo dheeri ah oo la rabo in Soomaalida laga qaado oo weliba si khaas ah loo hoos geeyo guddiyo aan Soomaali aheyn? Mase runtii waxa loo dan lee yahay in dhaqaalaha Soomaalida la cuuryaamiyo oo laga xayuubiyo xurriyadda dhaqaale abuurka oo ay caanka ku noqdeen, sida xiritaan la xirayo Bangiyada Soomaalida oo badanaa loo yaqaan Xawaaladaha?

Qodobka sedexaadi waa in la caawiyo gobolladda Soomaalida, taasoo weliba si isku xiran oo caalami ah loo cawinayo. Hadaba waa sidee caawinaadaasi? Ma waxa ay noqon doontaa caawinaad ay heyado kala duwan balse iswada ogi ay dalka magaalo kastaaba ay goonidooda wax ula qabtaan? Mase waa cawinaad aan lagala tashan doonin dhowlladda dalka maamusha oo heyad kastaaba ay si laga warqabo ay iyadu si toos ah ay ula fal gasho maamul gobol oo dalka ka jira? Miyaysanna taasi keeni doonin murar iyo is fahanwaa soo kala dhex gala dhowladda dhexe iyo maamulladda gobolladda ka jira?

Qodobka shanaadi waxa uu ku saabsan yahay in la soo xiro ama la jebiyo ganacsiya jid gooyidda ay Soomaalidu ku sameeyayn maraakiibta xeebaha Soomaaliya mareysa, waxaase marnaba meesha lagu sheegin waxa laga yeelaayo maraakiibta qashinka badahaas ku daadinaysa iyo kuwa kheyraadka ka gurayano. Waxa culayska la saarayo waa tuugada meelahaas ka qaraabata iyada oo aan la fiirinaynin wixii ku qasbay inay jid gooyadda sameeyaan.

Walow ay jiraan qodobo kale oo aan jecleystay inaan waxba ka dhihin maadaama aan rabo inaan qoraalka koobo hadana dhamaantood waa kuwo ka hadalkoodu uu qof walbaaba meel ka arki karo, una baahan qoraal dheer oo aan qoraal yar waxba looga dhihi karin , hadana marka aad fiiriso sida ay yihiin qodobada shirka looga hadlaayo iyo weliba waxa ay Soomaalida qaarkood ka rajeynayaan shirkaan aad iyo aad ayey u kala duwan yihiin.

Su’aalaha aan anigu isweydiiyay oo iiga soo dhex baxay qodobada aan halkaan ku soo bandhigay runtii waa kuwo u baahan jawaan, jawaabteeduna waxa ay imaan doontaa marka uu shirkaani soo dhamaato waxaase muhiim ah in aanan la noqonin dhaan raac oo si feejigan loo fiiriyo waxa na loo sheegaayo oo aan weliba kala baxno waxa aan u maleynayno inay dalka iyo dadkaba anfac u lee yihiin.waana inaan waxa kalena aan si nasteexo iyo wanaag ku jirto aan ugu sheegno cida wada, inaysan xal iyo wanaag ugu jirin ummadda Soomaaliyeed.

I have made this letter longer, because I have not had the time to make it shorter.

Posted on February 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: