Madoobe Nuunow oo Shirkii Garowe ku Tilmaamay Sharci Darro Kana Digay in Axdiga KMG Lagu Xadgudbo (War-Saxaafadeed)

Muqdisho (Moment Media Group) Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibaanada baarlamaanka KMG 4-tii Janaayo u doorteen afhayeenka cusub ee baarlamaanka ayaa war saxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu si kulul uga soo horjeestay qabashada iyo go’aanada shirka “Garowe 2″ isagoo ku tilmaamay sharci darro.

War saxaafadeedka Madoobe Nuunow oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Shabakadaha  ayaa lagu sheegay in shirkii Garowe 1, kii Garowe 2 iyo shirkii bishii Sebtembar lagu qabtay Muqdisho ee lagu saxiixay qorshaha tubta marxalada kala guurka ee loo yaqaano “roadmapka” ay dhamaantood yihiin kuwo ku xadgudbaya Axdiga KMG Soomaaliya.

“Waxaa kaloo lagu xadgudbay qodobka 11aad faqradiisa 3aad oo leh; Axdiga ayaa saldhig u noqon doona dastuurka federaaliga” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Madoobe Nuunow wuxuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in sidoo kale lagu tuntay awooda baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku qeexan qodobada 3aad, iyo 71aad oo sheegaya in baarlamaanka uu leeyahay awooda sharciyeed ee lagu dhaqangelinayo dastuurka cusub ee dalka.

Baarlamaanka markuu tixgeliyey ku xadgudubka Axdiga iyo Shuruucda dalka u degsan, waxaa u cadaatay arimaha soo socda;-

  • 1- In ka qeybgalayaasha aysan heysan sharci qaynuuni ah iyo Wakalad shacbi midna.
  • 2- In ka qeybgalayaashu ay isu aqoonsadeen inay yihiin saxiixayaal, taasoo ka soo horjeeda qodobka 71aad faqradiisa 39aad ee Axdiga.
  • 3- In go’aanadii ka sooo baxay shirarkaas ay si bareer ah ugu tumanayaan Axdiga una daneynayaan kooxdaas isku magacawday “saxiixayaal” (new faction leaders).
  • 4- In la simay awoodii iyo sharciyadii Dawlada Federaalka ah iyo tii maamul goboleedyada oo aan matalayn dalka oo dhan.
  • 5- In aan shirarkaas ku dhisneyn hindise Soomaaliyeed oo madax bannaan, taasoo wax u dhimeysa madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mooshin baarlamaanka ka keenay shirarka Garowe iyo kii Muqdisho ayna u codeeyeen xildhibaano gaaraya 272 xildhibaan, lagu go’aamiyey in dhamaan wixii ka soo baxay shirarka laga soo sheegay ay yihiin “waxba kama jiraan”. illaa uu baarlamaanka ansixiyo.

Posted on February 18, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: