Ereg Solhim oo soo gaaray Magaalada Muqdisho”Kulan oo laqaatay Madaxweynaha

Wafdi kasocday Dowladda Norway ayaa waxa ay Maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkan Soomaaliya, Wafdiga oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway Erig solhim  ayaa markii ay soo dageen waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya iyo waliba qaarkamid ah golaha wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya, kulanka ayaa waxa uu ahaa mid irdaha u xirnaa wallow ay ka wada hadleen arimo dhowr ah, Wasiirka difaaca dalka ahna ra’iisulwasaare ku xigaynka dalka iyo waliba Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway Erig solhim   ayaa saxaafada la hadlay kadib kulanka ay la qaateen Madaxda dowladda.

Ra’iisulwasaare ku Xigeyn ahna Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in  wafdigan ay  u kuur galayeen xaaladda Dalkani Soomaaliya isagoona intaa ku daray in ay ka wada hadleen xiriirka labadda dal sidii loo xoojin lahaa,

Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway Erig solhim oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in amaanka Magaaladda Muqdisho uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana la isku haleyn karo, isagoona intaa ku daray in ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay xili badan kusoo jireen dhibaatooyin adag.

Tan iyo Markii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkan Soomaaliya laga saaray dagaalyahanadii Shabaabka ayaa waxa si is dabajoog ah u soo gaaray Magaaladatan Muqdisho wafuud caalami ah oo ka kala socda wadamada caalamka iyadoona la xasuusto booqashooyinkii Taariikhiga ahaa ee ay ku yimaadeen Muqdisho Ra’iisulwasaarehii Turkiga Erdogan iyo waliba Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon.


Posted on February 19, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Dowladda Norway oo ku soo biirtay Dowladaha dib u dhisaaya Magaaladda Muqdisho iyo shir aan caadi ahayn oo Villa Somalia ka dhacay

    Dowladda Norway ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay ku soo biirtay Dowladaha Yurub ee xiiseynaaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

    Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho soo gaaray wefdi balaaran oo uu horkacaayo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Ereg Solhim, kuwaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

    Wefdigaan ayaa waxay Villa Somalia kullan balaaran kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Ku Simaha Raa’isal Wasaaraha ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise.

    Masuuliyiintaan ayaa waxay si weyn uga wada hadleen arrimaha Wadanka Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya dib markale cagahiisa loogu soo taaggi lahaa, isla-markaana waxay Dowladda Norway sheegtay inay xiiseyneyso arrimaha Soomaaliya.

    Ku Simaha Raa’isal Wasaaraha ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu Saxaafadda uu uga sheekeeyay kullanka balaaran ee ay la-qaateen Madaxda Dowladda Norway.

    Sidoo kale wuxuu sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan booqashada Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Ereg Solhim iyo sida ay Dowladda Norway u dooneyso, inay gacan balaaran uga geysato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

    Iskusoo wada-duuboo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Ereg Solhim, ayaa wuxuu Dowladda Soomaaliya uu ku ammaanay sida ay uga soo shaqeysay ammaanka Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: