War deg deg ah: 278 Xildhibaano sheegey in uu shirqool ahaa shirkii Garoowe

Muqdisho :( (Moment Media Group) –   Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si kulul u weerareen Shirkii dhawaan kusoo idlaay Magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galeen dhinacyo badan oo Soomaali ah.

Xildhibaan Max’ed Xuseen Salaad (Foodyare) oo horey u ahaan jiray Wasiirka dalxiiska ee Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo gaba gabadii kulankaasi kadib la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in shirkii Garoowe uu ahaa mid shir qool oo la doonayo in gumeysi lagu galiyo dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in waxyaabihii kasoo baxay shirkaasi ay yihiin kuwa aan socon doonin sida u hadalka u  dhigay.


 Xildhibaan Foodyare ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb galeen sida uu sheegay 4-ruux oo uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Ambassador Augustine Mahiga, isagoo intaasi raaciyay in kooxihii ka qeyb galay shirkii Garoowe ay ahaayeen dad doonaya inay sii dheeraystaan xilalka ay haatan hayaan.
 
Xildhibaan Xasan Isaaq Yacquub (Geesa cadde) oo isna kulankaasi ka qeyb galay ayaa waxa uu sheegay in hadii la isku dayo in la dhaqan galiyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii Garoowe ay dhici doonto dagaalo sokeeye oo dhexmara beelaha Soomaaliyeed taasi oo horseedi karta in uu burbur ku yimaado dowladda KMG ah.
 
Tan iyo markii uu soo idlaaday shirkii Garoowe ayaa waxaa soo baxaya dhaleeceyn ka kala imaanaysa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegayay in shirkaasi uu ahaa mid aan loo dhamayn.

Posted on February 20, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: