Xildhibaanada taageerson Nuunow oo sheegey in 30 April qabanayaan doorashada Madaxweynaha

Muqdisho (Moment Media Group) –  Mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay in 30-ka bisha April 2012 ay Muqdisho kadhacayso doorshada madaxtinimada Soomaaliya isla markaana xilkaasi ay u tartami doonto cid kasta oo daneyneysa.
Kulan maanta xildhibaanada ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayna ka soo qeybgaleen ku dhowaad 290 mudane oo ka tirsan baarlamaanka ayaa dood dheer ka dib waxay mudanayaashu ku dhawaaqeen inay qabanayaan doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo.
Kulankan waxaa shir gudoominayey Madoobe Nuunow Maxamed, iyadoo qorshaha ah abraaca marxalada kala guurka ee roadmap-ka looga hadlay.


“Waxaan ummada Soomaaliyeed, baarlamaanka sharafta leh iyo beesha caalamka u sheegaynaa in baarlamaanka uu qabanayo doorasho madaxweynanimo oo waqtigeeda laga soo hormariyo taasoo dhacaysa 30-ka bisha April 2012.” waxaa sidaasi shirka kaga dhawaaqay Xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow.
“Cid kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed way u soo tartami kartaa xilka madaxweynaha ee jamhuuriyada Soomaaliya waxaana diyaar u nahay inaan doorano dad wadaniyad leh oo sharciga ilaalinaya” ayuu sii raaciyey.
Afhayeenka ay xildhibaanada doorteen, Madoobe Nuunow ayaa sheegay in sharciga uu dhigayo in la qaban karo doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo mar haddii  sy timaado duruufo sharci ah oo keeni kara, sida in Axdiga lagu xadgudbo.
Madoobe wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo xukuumadda hadda jirta ay sharci iska indha tireen laakiin baarlamaanka uusan yeeli doonin in sharci darrada lagu sii socdo.
Markii dooda baarlamaanka ay dhamaatay ka dib waxaa isla galabta shaaciyey inuumusharaxmadaxweyne yahay Xildhibaan Cali Afgooye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, kaasoo wariyaasha u sheegay in uuu tartami doono xilka madaxtinimada Soomaaliya doorashada la qabanayo.
Tallaabooyinka baarlamaanka
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 13-kii Disembar 2011 waxay xilkii afhayeenka ka qaadeen Shariif Xasan oo xilkaasi hayey,  waxay sidoo kale ceyriyeengudoomiye ku xigeenkoodii C/weli Muudey iyagoo isla 4-tii Janaayo 2012 doortay Madoobe Nuunow oo ah afhayeenkooda hadda.
Go’aanka ah ku dhawaaqista doorashada madaxtinimada ayaa ah talaabadii labaad ee ay xildhibaanada ka sameeyaan bannaanka baarlamaanka, taasoo aan la ogeyn sida ay u suurtageli doonto iyadoo Kooxda Xiriirka ee ICG iyo wadamada IGAD ay hadda ku hawlan yihiin sidii cunqabateyn loo saari lahaa baarlamaanka diidan Shariif Xasan oo ay u bixiyeen “qaswadayaal”.

Posted on February 20, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: