Khilaaf Hoose oo la Sheegey in uu Dhaxeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli M. Cali Gaas

Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii dambe magacaabey Wasiiru Dowlayaal gaaraya 18 wuxuuna meesha ka saarey in isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada gaar ahaan wasiirada arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha taasoo la sheegey in uu Rasiisul Wasaaraha uu doonayey in aan ku yareeyo  Khilaafka isaga iyo Madaxweynaha hase yeeshee waxaa uu khilaafkaas kor u u kacay markii Madaxweyne Shiikh Shariif uu soo saarey Wareegto uu isku bedelyay Wasiirada arrimaha Dibadda iyo beeraha iyo Xanaanada Xoolaha taasoo uu ka caroodey Raiisul Wasaaraha isbedelkaas Siyaasiyiin ka socotey Beelaha Digil iyo Mirirfle ayaa waxay qoraalo ashtako ah u gudbiyeen Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hase yeeshee Ashtakadaas waxa ka jawaabey Raiisul W/saare Cabdi weli mar uu la kulmey Siyaasiyiintaas una sheegey in uusan wax ka ogeyn isbedelkaas lagu sameeyey labadaas wasaaradood islamarkaan wuxuu shjeegey in ay ku koobana tahay Madaxweyne Shiiklh Shariif.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beerlaha Digil iyo Mirirfle ayaa sheegey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu ku xadgudbey habkii wax qaybsiga ee 4.5 ee Dowladda ku dhisneyd waayo waxaa Xitaa aan 4.5 lagu qaybin Agaasimayaashii Wasaaradaha Dowladda Federaalka waxayn sheegeen in Wasaaradaha ay u badan yihiin hal qabiil marka waxay ka codsadeen Madaxweyne Shiikh Shariif in Xadgudubkaas wax laga qabto islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed si Cadaalad ah wax loogu qaybiyo.

Waxaa uu qorshahu uu ahaa in la bedelo Wasiirada Arimaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha hase yeeshee Bedelkii lagu sameyn lahaa Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka hortagey Xubno ka socdey Ahlu Sunna iyo Odayaal ay isku hayb yihiin wasiirka arimaha Gudaha iyadoo sidoo kale uu Raisul Wsaaraha uu dadaal u galey in aan la bedelin Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud oo Waxbarashadoodii ku soo wada qaatey Magaaladda Dhuuso Mareeb

Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha ayaa iyana dhib ku qaba isbedelka markasta lagu sameeyo Wasiirada Wasaaradaha iyadoo mid ka mid Agaasimayaasha wasaaradaha oo diidey in magaciisa la Xuso ayaa yiri” Markasta oo Wasiir loo soo magacaabo Wasaaradaha Dowladda waxaa isbedelkaas uu saaameeyn ku yeeshaa Shaqaalaha Wasaarada waxaana meesha laga saaraa Shaqaalihii meesha horey joogey markaaad weydiiso Wasiirka wuxuu ku leeyahay Wasaaradaan waxaa ku helney qaab Qabiil marka waan ku qasbanahay in aan meesha keeno Shaqaale reerkeena ah marka waa arrin Xaqiiqdii dhibaato ku ah Shaqaalaha Wasaaradaha.

Posted on February 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: