Wefdigii Somaliland Uga Qaybgeli Lahaa Shirka London Oo Qaarkood Fiise Loo Waayay

Hargeysa, Feb. 21, 2012  – Weftigii Somaliland ee loo xulay inay ka qeyb galaan shirka London ee loo qabanayo Soomalida, kuna sugnaa maalmahanba magaalada Addis Ababa ayaa badhkood ku hungoobey ka qeybgalka shirka iyo tegitaanka Londonba markii safaaradu UK ku leedahay Addis Ababa u sheegtay inaaney wax martiqaad rasmiya iyo fiisa midna u hayn.

Xubnaha weftigii Somaliland ee loo xulay ka qeybgalka shirka London ee ay u suurtogashay in ay ka dhoofaan Addis Ababa maanta si ay shirka kooxaha Soomaalida loogu qabanayo London uga qeyb galaan ayaa waxaa hoggaaminayey wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade waxaana xubno ka ah wasiirka xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye xigeenka Udub Axmed Yusuf Yaasiin, xildhibaan Mahdi Gees, Xildhibaan Cali Ibraahin Araaye iyo xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe.

Xubnaha weftiga ee ku hungoobay inay ka qeyb galaan shirka London ee loo diiday dal ku galka UK oo hadda weli ku sugan Addis Ababa waxaa ka mid ah wasiirka wasaarada awqaafta iyo diinta Khaliil Cabdilaahi,wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, xildhibaan Sacid Yasir, xildhibaan Dhugad, Afhayeenka madaxtooyada Cukuse ,mulkiilaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cali Guray, Maxamed Baar-jeex, xubinta baratakoolka madaxtooyada Maxamed Cilmi Ilkacase.

Xigasho: Qaran News

Posted on February 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: